May
29,
2009 (QOL)
Marka
aad maqasho
magaca Axmed Saleebaan Bidde ,ayaa waxaa
markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya
suugaan aad iyo aad u fara badan oo kooban
dhamaanba noocyada kala duwan ee ay
suugaantu leedahay,sida
riwaayadaha,maajilada iyo gabayadaba.
Waxaa
filayaa in Axmed Saleebaan Bidde uu
yahay mid ka mid abwaanadii ugu
qaalisanaa ee soo mara fanka marka
laga hadlayo geyiga ay ku nool yihiin
dadka Afka Soomaaliga ku
hadlaa,haddiiba aan
ahayn
Axmed
Saleebaan Bidde wuxuu ka soo jeedaa
qoys hibo ILLAAHAY u siiyey
curinta suugaana iyo guud ahaanba hal
abuurnimada.
Axmed
S.Bidde waxay walaalo yihiin Cali
Saleebaan Bidde ALLE HA NAXARIISTEE
iyo Cabdillahi saleebaan Bidde oo
labadu ah abwaano caan ku ah suugaanta
guud ahaanba geyiga Soomaaliyeed.
Axmed
S.Bidde waxaa kaloo la odhan karaa
wuxuu Wershed ilaa maanta soo saarta
Fanaaniin fara badan oo isku jirta
kuwii
hore,kuwii dhexe iyo kuwa
cusub ilaa maanta ku
mashquulsan sidii uu
u saari lahaa kuwo hor leh.
Ahmed
S.Bidde waa abwaan ku caan ah,heesaha
caasha ah,gaar ahaan habka
suuganta
loogu
amaano GABDHAHA Soomaaliyeed
iyo guud ahaanba suugaanta Jacalka
xambaarsan.
Ma
soo koobi karo suugaanta Axmed
Saleebaan Bidde,ma soo koobi karo
taariikhda uu fanka Soomaaliyeed ku
leeyahay,ma soo koobi karo inta
Riwaayood iyo in Heesood ee uu Axmed
sameeyey,mana soo koobi karo qadarinta
uu ku leeyahay guud ahaanba
ummadda Soomaliyeed .
Axmed
Saleebaan Bidde,waa Abwaan xusuus ka mudan
in guud ahaanba shacabka Afsoomaliga
ku hadla ,gaar ahaanna wuxuu xusuus
iyo xanaaneyn ka mudan yahay
shacabka reer
Hadal iyo dhamaan Axmed Saleebaan Bidde ,waxaan ku tilmaami karaa Abwaan ay ilaaween dhamaanba shacabka Soomaaliyeed iyo Somalilandba,kuwaas oo uu mudo dheer ku haasaawayey kuna hadaaqayey suugaanta uu tiray Axmed.Ugu dambayntiina waxaa Axmed S.Bidde ilaawey fanaantii ku nabad iyo caano maalay,kuna soo meel maray erayadii ka soo maaxday maskaxdiisa ilaa maanta ku shaqaysta.
mahadsanidin
Abdi M.Saleiman(Mingiste)




