Wiil Somaliyeed oo Gacantiisa Jar-jaray si uu usoo Bandhigo Jaceylkiisa(Daawo Sawirada)
|
| |
By: KaFi MoHa kaaficarab20@hotmail.com OPINION
/ FIKRAD |
May 24, 2009 (QOL) Akhristayaasha inta aanan u guda galin sheekadaan ka hor hadii aan wax yar idiinka faah faahiyo qisadaani waxa ay dhex marte wiil iyo gabar ku kala nool maleysia iyo kenya waxayna dhexmartay dadka kala ah abdirizak Abukar iyo Xaliimo Cumar waa sheeko dhab ah run ahaantii aad iyo aad u ula yabesid waa mid ay ku dheehan tahay naxdin jeceel iyo murugo qisaadaan oo xambaarsan macluumaad aad u balaaran akhristayaal waa hubaal in aad la dhacaysaan
Ma jiraan laba qof oo ku doodeysa in uu jiro Jaceyl ama keeni karo dhibaatooyin iyo faa`idooyin labada waa kuwa mar waliba la filankaro taasi oo ku timaada nafta wax Jecelaatay .
Jaceylka waa koob
uu ka buuxo hawo cid walba oo leh wadna shaqeeynaya
ay dooneyso in ay cabto , waa doon bilaa shiraac
ah oo mowjadaha badda si nabad ah ku mareysa,
marna waa gil gilaha aduunka waana qaraar marna
wa macaan sida uu ku soo maro .
Nafta wax jecel mar waliba waxa ay qaadaa talaabooyin
xanuun badan oo lagu muujinayo baaxada dareen
Jaceyl ee u hayo sida nafta la jeclaaday loogu
war giliyo xanuunka taagan ee loo qaaday
Dhibaatooyin ka soo gaaray Jaceyl xoogan oo uu u qaaday gabar sxbo yihiin iyadoo si uu ugu muujiyo Jaceylkaasi sameeyay talaabooyin uu jirkiisa ku dhawaacay .abdirizak ayaa sameeyay qaliin uu ku sameeyay jirkiisa taas oo uu uga gon lahaa soo bandhigadda jaceyl dilooday oo in badan uu qarsanayay taasi oo uu u qaaday inanta saxibada yihiin iyadoo baaxadda Jaceylka ku soo bandhigay gacantiisa sida isaga oo ku qoray Jaceylka haya iyo magac inanta uu la dhacay .

"In aan jirkeeyga ku qoro Jaceylka iyo magaceeda waxa aan uga gon lahaa si aan ugu bandhigo Jaceylka aan u hayo , lama aan hadal waa qarsanayay , in aan jeclaaday ayaan marqaati uga dhiganayay gacanta", ayuu yiri dhibane abdirizak .
Iminka oo dhibkaas isu geeystay ayuu hadana si weyn u dareemayaa cidlo dhanka Jaceylka oo uusan hayn wax gacan qabasho ku aadan jaceylka waalan ee aan indhaha laheyn oo uu u qaaday inantaasi.
"Haa sxb wax hor mar ah iminka ma hayo ,
xiligii dhibka bilaawgisa niyad dhis ayaan dareemayay
iyo in wax qabasho imaaneyso sida aan ka dareemayay
, laakiin xaalka sidaa ma noqon niyad jab iyo
jahwaeer ayaan la kulmay ", ayuu ii raaciay
Abdirizak .
Iyadoo dhibkaasi idil uu maray abdirizak hadana waxa uu ii sheegay in ay ka go`an tahay in uusan quus dhigin uuna aaminsan yahay in mar uun ay wax isbadli doonaan taasi oo micnaheedu u gartay in maalin uun uu wehel helo doono .
Abdirizak xanuunkaani Jaceyl ka sokoow waxa uu ka dhexlay in uu mu`alif geeraar noqdo iyadoo uu sameeyay geeraaro badan oo iminka dadka kusugan maleysia isugu diraan Mobailka sida :
Tiro dumar la
soo xulay tii ugu jirtay aya tahay ,timir` iyo
tufaax canab talaalan ayaa tahay
Ubax talaalan fiid soo tarmata ayaa tahay,Talisadii
haweenka iyo tiirkii noloshaa tahay.
Nafta wax ay ku taliso taladaadaa u horeysa , Isha waxa ay ku qaboowdaa aragtidaada,
Iyo waliba geeraaro
kale oo halkaan lagu soo koobi karin .
Abdirizak ayaa muujiyay in dhibaatooyin badan
uu ka qaaday Jaceylkaani xanuunka badan sida feker
xad dhaaf iyo bulshanimadii oo ku sii yaraaneyso
iyadoo uu sheegay in Jaceylkaani oo u qorsanaa
uu ahaa mid dhanka dalka Kenya ku soo bilawday
muddo haatan laga joogo sedex sano .
Abdirikaz ayaa haatan muujiay in uu talo iyo tusaale ka sugayo aqrisatayaasha , iyadoo dhanka kale uu ku booriyay dhalaanka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan sameyn Jaceyl been ku saleeysan , isla markaana loo baahan yahay in kalsoonida iyo jiritaanka Jaceylka la dhowro .
Waxaana xusid mudan in sida uu ii sheegay Abdirizak in aan laga aqoon africa qadarinta Jaceylka iyo waxa la yiraahdaba iyadoo laga yaqaan Bacda Madoow mawadaa macane ha igaso ilowin jaceyl wa intaas kajira africa ayuu yiri dhibane Abdirizak
Inkastoo uusan
abdirizak ka marneyn hadana waxaa u sii dheer
in Jaceyl xanbaarsan yahay inakstoo uu cidla dareemayo
, waxaana iminka loogu yeeraa Aabaha Jaceylka
Maadaama halkaan Jaceylka looga qoslin .
Si Aad talo Iyo Tusale u Siiso dhibanaha Jaceykooda
ku dhibtooday waxaad ku So hagaajin kartaa Ciwanka
ah Hakiin11@hotmail.com . Mahadsanid
.
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
| Adaabxumada waa mamnuuc. Sharciyada: 1- Haqorin ra'yi xun. 2- Ra'yigaada ha kucelcelin. 3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin. 4- Xushee dadka kale. |
Misconduct
members will be blocked. Rules: 1. Do not post rude comments. 2. Do not repeat. 3. Do not be rude to other members. 4. Respect others. |







