FIKRAD / OPINION
August 06, 2010 - QOL -
Puntland 12 sanno ka
dib maxeey dhashay ?? hadafkooda waa
maxaay ?? xagee laga xukumaa ?? Waxaan
jeclahay in aan si aada ugu faaloodo
suáalahaa kor ku xusan oo runtii mudan
in ruux walba oo Somali ah eey mudan
tahay in uu wax ka ogaado ama jawaab u
helo xaqiiqda ka jirta 12 sanno ka dib
Puntland iyo xaalada dhaqan dhaqaale
iyo mid siyaasad iyo mida bulshada
heerka eey joogto maanta,
C/aahi Yusuf iyo koox aad
u xag-jir ah ayaa abuuray Puntland
ujeedada loo abuuray waxaa ugu waa
weeynaa in masiirka dalkii jamhuuriyada
Somalia ee burburay (raqdii maandeeq )
in eey ku gorgortamaan cida madaxada ka
noqoneeysa cadka ugu weeyna eey ku
lahaadaan haddiiba eey soo noqoto
qaranimadii Somalia,waxaa akhristow
xaqiiqdeeda kaaga filan adiga oo
dhageeysta C/aahi Yusuf qudbadiisii ugu
xiisada badneeyd ee uu ka jeediyay
Garowe,xiligaasi shacabka reer Puntland
waxeey u arkaayeen dhismaha Puntland mid
dib u soo celineeysa kala danbeeyna iyo
midnimada burbuka qaranka Somalia iyada
oo eey somalida u arkeeysay in
Somaliland oo gooni isku taaga eey
adkaaneeyso marbad dhulka leeysku hayaa
uu ka mid yahay Sol,Sanaag iyo
Ceeyn,saadaasha siyaasada Puntland
waxeey ka shifmatay markii C/ahi Yusuf
damaciisa awooda kaligii talinimada ah
uu xooga ku qabsaday Puntland iyada oo
eey xoog u yihiin Ethiopia xiligii
Jaamac Cali Jaamac,somalida waxeey
dhahdaa
Salka
meel
ma
dhigo
balo
nimay
soo
kac
leedahaye ugu danbeeyntii waxuu C/aahi
fuliyay qorshahii fogaa ee Ethiopia
waxuuna geeystay gumaad aad u
foolxun,waxaa uu dalka kaga tagay
Ethiopianka oo weli caasimada ku sugan
waxuuna xiligaan qoxooti ku yahay
Yemen,intii uu xilka qaranimada somalia
sheeganayay waxuu Villa Somalia oo
aheeyd madaxtooyada keensaday mashiinka
lagu daabaco lacagta shilin somaliga
sida oo kale Cade Musse xirsi waxuu
Puntland ku lahaa mashiinka lacagta lagu
sameeyo,shirkii Jabuuti oo ahaa shir loo
arkayay in lagaga saari karo dalka
Ethiopiankii ku soo duulay ayeey reer
Puntland u arkeen mid qabiil kaliya uu
wado balse xiligii danbe waxeey caalamka
u sheegeen in haddii eeyan cadka ugu
weeyn la siin in eey qaadici doonaan
shirka iyada oo la ogyahay inta uu la
egyahay qiimaha wadanimada reer Puntland
ayaa hadana laga siiyay shirii Jabuuti
cad eeyan u qalmin oo ahaa r/wasaare.
Puntland waxaa eey si
dadban u qiyaameeysay beelihii degenaa
dhulkaa ee hartiga ahaa sida dhulbahante
iyo warsangeli balse waxeey muujiyeen in
cid aanan reer maxuud aheeyn eeyan xaq
ku laheeyn in eey xukunto Puntland,dib u
fiiri Maxed cadbi xaashi iyo sida
xirfadeeysan eey dalka kaga
tarxiileen,waa dhab in Puntland eey ka
gudubtay harti una gudubtay xiligaan
waxaa lagu qeexi karaa in eey tahay
Majeerteenland.
Waxaa uu C/aahi Yusuf
xasuuqay beelo faro badan dhalin yaradii
ubaxa ahaa ee beelweeynta
Harti,Muqdisho,Bay,Manaas iyo Idamaale
waxaa lagu xasuuqay dhalinyaro Harti u
badnaa oo laga keenay dhulka Puntland
riyadii Maquute oo aheeyd riyo foolxun
waxaa eey sabbabtay in weli aanan
leeysweeydiin inta dhalinyaro ee uu ku
xasuuqay Maquuste maxeey u dhinteen ??
mise xaq ayeey aheeyd in eey u dhintaan
xukun aanan la hubin sida oo kale
Baciidyahan ayaa ah beesha C/aahi Yusuf
uu sida fooshaxun u adeegsaday intii uu
xilka madaxweeyna nimada sheeganay ugu
danbeeytiina waxaa eey reer Puntland si
foolxun u dal-daleen
Warsame Cabdi shirwac
Seefta Banaanka oo ahaa shaqsi aad ugu
ololeeyay dhalinyarada beesha
Biciidyahayn maskaxda ugu xaday si eey u
garab istaagaan Maquuste,Alow sahal
umuuraha
Ugu danbeeyn waxaa xilka
qabtay nin kasii guracan Maquuste aadna
ugu fog somalinimada kuna caan baxay
kala fogeeynta shacabka Somalia guud
aahaan gaar ahaan reer Puntland,
meelwalba uu tagaa waxuu ka leeyahay
Muqdisho uma noqoneeyno halka uu ilowsan
yahay in r/wasaaraha iyo xildhibaano
faro badan in eey joogaan Muqdisho kana
mid yihiin dowlada federaalka,dhawaan
maamulka Puntland markii eey isku
dhaceen Hogaamiyaha Maleeshiyada Galgala
Shiikh Atom oo ah nin u dagaalamaya
xuquuqda inta ku dulman ee Puntland
waxaa uu Faroole ku shaabadeeyay in uu
sheekhaa ka mid yahay Al-shabaab halka
sheekh iyo al-shabaaba eey cadeeyeen in
uusan ka mid aheeyn ururuka,calaacalka
iyo Tigree u yeerashada Faroole waa mid
caalamka ka og yahay,Puntland xiligaan
waxaa si xor ah ku nool in ka badan
50.000 oo Ethiopia ka yimid halka
Somalida lagu heeb-soocayo dhulkii eey u
dhasheen,sow ma oga in koonfurta Somalia
eey degen yihiin shacab reer Puntland
ah,waxaan farayaa inta caqliga u
saaxiibka ah in eeyan ku dayan ficilka
guracan ee uu ku dhaqaaqay Faroole.waxaa
la dhihi karaa Puntland waxaa eey
dhashay in eey caruurta Tigreega si
xornimo ah ugu noolaadaan Garow iyo
Bossao halka caruurta somali laga
tarxiilayo dhulkii awooyaashood dhaxalka
u helay.

