|
OPINION/FIKRAD
Aug
11, 2010 - QOL -Faallo
Qurba joogta Soomaalida ah Kaalin Intee
la Eg Ayeey ka Qaadan Karaan Nabad Soomaaliya
Lagu soo Dabaalo.
Bismilah waxaan maqaalkaan
ku eegaa fekerkeyda shaqsigaa kaalin
intee la eg ayeey ka qaadan karaan soomalida
dibaha ku nool nabad lagu soo dabaalo
colaadaha ragaadiyay ee wadinkii aafeeyay
mudada fog.
Hadii aan kuhormaro waxa eey sooo qabteen
wax badan oo aan halkaan lagu soo koobi
karin haba ugu horeeyso dad badan oo
biilka ka helo eheladood ku nool qurbaha
waane isha dad badan ku noolaadeen 20
labaatankii sano ee colaadu jirtay lacagahaas
oo wadanka dhaqaalahiisa kor u qaaday
dad badan oo aduunyada ku noolne la
yaabeen sida 20 labaatan sano meel dagaalo
ka socdeen dhaqaaluhu horay ugu socdo.
Mida 2-aad ayaa ah dadka
ka sameeystay mashruucyada yaryar oo
ah sida dhismaha dhulka warshadaha is
gaarsiinta iyo ganacsiga kaloo nuucya
badan leh intaas hadaan uga baxo wax
qabadkooda qurba joogta aan usoo dego
nabada maxeey ka qaban karaan anigu
waxaan aaminsanahay ineeysan wax saas
usii buuran qaban karin .
Sabatoo ah qofka qurbaha degan horta
wadankiisa runtaa waa kee??? wadankiisa
runtaa waa qurbaha oow deganaa mudada
fog inyar mooyee tusaale yar hadaan
idiinka tuso markii oow kasoo dhoofayay
Wadankii waxaa loosoo iibshay gurigii
cidu deganeeyd ama deeyn ayaa loosoo
galay oo mar,uun halkaan ka tag aya
loogu soo duceeyay markoow yimid yurubna
cidu xaflad ayeey dhigteen asne markoow
sharci helay dhiniciisa ayoow ka xafladeeyay
ilaa markoow qaatay baasaboor yurubiyaan
ah, ayooow ugu hanbalyeeyay dadkii kale
inoow dhalasho kale gacanta ku dhigay
farxadu meel ma dayan oo waa guul usoo
hoyatay dhalasho wadan kale inoow qaatay
cidii gurga usooo gadayne waa guul kale
in dhalashadii, isbedeshay oo jinsiyad
kale loo xuub siibtay.
Wiikoodune qaatay dhalasho yurubiyaanka
saasna deriskaa loogu bishaareeyo kuwa
danbane waxeyba ku yimaadeen ama qurbaha
ama qabriga oo bad ayaa loosoo maray
naceeybka wadankii loo qabo mar uun
in laga siibto ,
oo aduunka la xulo markaas ayoow ama
dhintaa ama soo galaa yurub markoow
cagaha soo dhigane taleefan ayoow la
tiigsadaa soomaaliya si oow ugu sheeego
guushaan xaga ale ka timid balse waxaa
xafladiisa kaas lala suga ilaa sharci
qaadadkiisa markoow qaatane umaba dhina
baasa boor yurubiyaane ee waa kala bax
oo soomaali alaha iga samar siiyo ayoow
naftiisa kula haasaawaa saas ayoowna
ku sugaa inoow dadkii ka jiray wadankii
kala soo baxo mar uun waxaan rabaa inaan
meel yar ka tuso dadka dadkaas xal kasugaa
waa riyoodeen ayaan u heeystaa ee wadanka
xalkiisa meel kale halaga raadiyo dadka.
xal kasuga dadka qurbaha jooga qofka
degan amerika ama yurub ee heeysta dhalasho
wadan kale in oow wadankiisa si ruma
ugu adego waa riyo been ah kuwa doowlada
ahne waa shaqa tageen kuwa warshaha
iyo is gaarsiinta ka shaqeeysta ayaane
wax badan ka dad nimo wanaagsan ileen
bulshadii ayaaba wax kula dheftay ganacsigoodii
qof deganaay 30 sano wadan kale wadankiisa
runtaa waa kaas.
Tusaal ahaan qofka soomaaligaa ee degan
ingiriiska waxaa lagu dhaariyaa marka
lasiii tago baasaboorka biritishka ingiriiska
inoow daacad u naqanayo boqorada ingiriiska
iyo wadanka ingiriiska
Isla asigii oo hadane kutub ku dhaaranaya
ayaad arkee oo leh wadanka soomaaliya
ayaan daacad u naqanaa oo waxaan ahay
wasiir hadii aad tiraa kutubka aad ku
dhaaraty hadeey runtaa tahay iska dhiib
baasaboorka yurub ee kaadii soomaaligaa
qaado ma rabyo oo waa ka faanaa nin
ka faanaa baasaboor soomaaliya moxoow
kusoo siyaadi karaa oo nabad iyo horu
mar ah,, waxaan u heeystaa inoowsan
wax dadaala oo badan ku bixi doonin
in soomaaliya nabad iyo xal laga gaaro.
Qof heeysta baasa boor yurub ama mareeykan
ah qofkii soomaaliya ee xal kasugayoow
waad riyootay waxaa nabad keeni kara
qofka ilmihiisu geedka qurucaa hoos
joogaan oo dadka meesha degan wax la
qaba laakiin nin boorso kaliya meesha
la tegay nabad sidoow ugu dadaalo weey
adagtahay waxaane laga soo wacaa yurub
iyo kanada mareeykan , oo lagu leeyahay
heedhe waa ku sidee goormaad imaahee
waadba ku raagtay xamare adeeroow soo
dhaqso sheekadaas iga daaayee, gurgiisa
runtaahaay iyo wadankiisii runtaahaayne
waakaas ,,
Waxaan soo xusuustay mar aan joogay
1997 itoobiya adis ababa ayaa waxaa
leesugu keenay dad badan oo soomaali
ah waxaa ka mid ahay abdulaahi yusuf,soobe,
ismaan caato, cali mahdi, aadan gabyoow
cumar xaashi balaag shaar gaduud ,abuukaate
abdi xaashi moorgan ismaan rooble iyo
kuwa kaloo badan markaasaa waxaa lagu
yiri shir ayaan iidiin qabeynaa ee marka
hore nin walba 50 fiiso oo talyaanigaa
ayaan siiheeynaa ee ilmihiisa iyo wixii
kaloo aan ka heri karin hakala baxo
wadanka oo dibadaha ilmaha geeysta runtii
dadku waxeey u,, heeysteen in lagu sharfaa
,, laakiin xaqiidu saas waa ka duwaneeyd
oo waxaa la rabay in qofku oowsan cidiisa
ka wel welin hadii la qaxo ama dagaal
dhaco.
Waxaane lagu yiri adinku bixi ma kartiin
ee ilamaha geeysta dibada ee waqtigaas
soo laabta markeeey ciyaalkiii loo fogeeyay
ayaa waxaa loo raray baabuur huba ah
isla ayakii ayaane dagaal isku bilaabay
bal fiiri qayaanadaas ,, waxaa kaloo
la bilaabay in kuwa heeysta baasa booro
reer galbeed ah ,,xukunkii loo dhiibo
qofkii ciyaal ka joogane loo fududeeyo
inoow la baxo ilmaha si oowsan u nixin
markoow madaafiic maqlo ileen meeshoow
raboow ku dhacaa mar hadii la gemo.
Qormadaan Ama Faaladaan Ayaan Waxaan
Uga Gol Lahaay Qurba Joogu Wadankii
wax maka qaban karaa inteese awoodiisaa
oow wax noo qaban karaa qurbaawigu nabad
wadankeenii loo helo.
Editor
AbdiRaxmaan Mohamed Warsame Xabakaar
Abdi raxmaan Faayfle Finland Helesinki
Feyfle@Hotmail.Com
|