FIKRAD
/ OPINION
August 14, 2010 - QOL
-
Habaar hooyo inu jiro, soomaali habaajiyey,
daliil baan u haystaa !!
Allaa mahad leh, rasuulkiisana
naxarsiis iyo nabad gelyo allaha siiyo.
Xumo lagama waayo
adduunyee inta aanan u gelin qormadeydan
gaaban, waxan xusuustaa xaafad ka
mid ah waddamada Afrika ayaa waxaa
ka jirey dhallinyaro isticmaasha kiiniini
daroogo ah oo sida ay u haysteen dhaafsiiya
welwelka adduunyo, laakiin xaqiiqo
ahaan ka qaada dareenka qiirada, ama
aan dareemayn wax kasta oo xumaan
ah oo lagu sameeyo, dadka aan isticmaalinna
waxay kaniinkaas u bixiyeen DAMAACI
waayo marka qofko isticmaalo wixii
markaa ku soo dhaca ayuu ku dhegaa
oo aan laga fujin karin cid kastaa
ha lahaatee,
Sidoo kale waxan kaloo
arkay dad waalidkood habaareen dhaqankooda,
waxaanna ogaaday in habaarka waalid
iyo kiniinkaa damaaciga ahi isku calaamado
yihiin, inta ugu waaweyn ee aan mawduucan
u doortayna waa in qofku isaga oo
lebbisan, style-kiisuna aad u taaganyahay,
oo dadka aan aqoon ula muuqda qof
miyir qaba, ayuu haddana waalanyahay,
calaamadda 2aad waa qofkaas oo tallaabo
kasta ee uu ku dhaqaaqaahi qaldantahay,
islamarkaana aan la toosin karin oo
uu madax adagyahay.
SHEEKO GAABAN:
Aniga oo lahaa meherad
yar oo Telefoonnada laga dirsado ayuu
ii soo galay wiil runtii aad u lebbisnaa
ilaahayna qurux iyo joog u dhaliyey,
markaa ayuu ii dhiibay telefoon lambar
oo gudaha ah si aan ugu diro, waxan
ku iri guduhu lambarradan kamaba billowdo
ee telefoonka sax, mar uu muddo badan
ila murmayey ayaa nin isaguna telefoon
sugayey hoosta iiga baaqay oo igu
yiri: isaga dirso ku dheh, markii
aan ku wareejiyey ee uu 10 daqiiqo
ku celcelinayey telefoon inuu qalad
yahay sheegaya oo aan isla maqlayno,
ayuu intuu yiri telefoonkaa iyaga
ka hallaysan ayuu baxay.
Aniga oo yaabban ayaa
ninkii kale intuu qoslay igu yiri
ma taqaannid cilmigane damaaci buu
ninku qaatay, hadalkaas oo uu ii sii
fasiray, sidoo kale maadaama xaafaddaas
aan deggenaa dad badani isticmaalayeen
daroogo kala nooc ah ayaan sidaasi
si la mid ah ugu arkay dadka waalidiintoodu
soo inkaartay ama soo dayriyeen iyaga
oo kuu sheekaynaya, qosol iyo farxadna
ku jira ayey arrimahooda dhami kala
wareegsanyihiin.
Sidaas darteed, (War
soomaaliyeeeey) marka aan leeyahay
lama hadlayo soomaalida maanta ee
ummadaha kale ayaan la hadlayaa iyo
soomaalida dambe ee hadda kaddib imaan
doonta, waayo i maqli mayso oo habaar
hooyo oo la wada ogyahay ayaa sutiga
u haya, oo intuu baroosinka u qabtay
meel mool ah oo badweyn dhexdeed ah
salka la dhigay, lana mid noqday taangigii
inta siliskii loo jaray qof cuuryaan
ah lugu xirxiray, lugu yiri iska hurguf
rasaastan aan kaa dhammaaneyn.
IN WARKAASI
RUN YAHAY
- ku garo jufo walba oo soomaaliyeed
waxa ay qool ugu jirtaa oo dhibtay
oo nafta u keentay, oo ay meel ay
ka gasho la'dahay jufadii ama ubadkii
ay walaashood dhashay.
- ku garo Iimaan li'da
iyo damaca waalan ee kursi doonka
ah ee ku dhacay ummaddii soomaali
la dhihi jirey.
- ku garo Ruux madaxnimo
sheeganaya ee intuu dhalay iyo intii
dhashayba har iyo habeen gumaadaya
oo aan haddana dareemayn.
- ku garo kuwa uu
gumaadayo oo haddana isagaas ilaahay
iyo rasuulkiisba ka jecel.
- Ku garo markii aad
qof soomaali ah caammo iyo culummaba
ku tiraahdo war iska daa waxan adigay
kuu daranyihiine, ama duqdaan miskiinta
ah ha kufsanin waa ceeb iyo dullinnimee,
wuxuu hadal kaaga billaabayaa wax
aan alle ii qorin igu dhici maayaan,
isagoo iska dhigaya qof iimaankiisu
buuxo.
- Gu garo qoraallada
iyo qayla dhaanta iyo maansooyinka
ay intaa har iyo habeen soo hurgufayaan
wax garadka soomaaliyeed ee intaa
ku dhaca dhego layr u daloola oo ay
raacsiinayaan dabaysha xagaaga.
- Ku garo wax garadkaas
laftiisa oo markaad qormadiisa ama
maansadiisa qiimaha leh website ka
daalacato ee aad is tiraa maashaa
allaah qofkan baa kula dareemaya dhibka
jira kulana raadinaya xalka dadka
iyo dalkaaga marka aad la xiriirto
maba ahan qofkii qoray ee waa qof
aqriyey sidaada oo akle, markaad isku
daydo in aad bal kala hadasho dhibka
jirana wuxuu kaala hadlayaa gujis
cusub oo ay soo saartay shirkadda
Toyota, markaad is tiraa bal waa mashquul
ama wuu daallanyahaye mar dambe isku
soo laabta, intuu kula ballamo ayaadan
dib dambe u arkayn.
- Ku garo hooyadii
soomaaliyeed lafteedii oo garan weysey
in ay wiilkeeda ku tiraahdo hooyo
macaanow ha layn abtiyaashaa, haddaad
diiddana dadkayga ha layn oo aniga
ha i asal tirin, hadaadan yeelaynna
intii aad farac dhan habaar u soo
jiidi lahayd ee qaran dhami dartaa
u dumi lahaa, hooyoy allaha iga kaa
qaado, ma yeeline iyadiina waa ehel
beeshay, waana ubad beeshay.
- Ku garo Madaafiicda
sidii roobka ama dhimbilaha, amaba
gaaraa bidhdoodka dabka ugu shubmaysa
ee iska daa cid kaloo u naxdee aysan
iyagii isu naxayn, oo xataa iskaba
daa isu nixitaane aysan dareensanayn
in uu dhib jiraba, hadde dhib aan
jirinna ma dhacdo in la xalliyaa,
sidaas darteed suurto gal ma ahan
in soomaalida maanta xal keento illeen
maba ogee, haddaysan ogaynna dhibba
ma haystee, sidaas darteed ayey ku
baaba'aysaa ogaal la'aan, cadawgeediina
si uusan weligi u qoslin ayuu u qoslayaa
waayo maba ahan wax aad ka filan karto
cadow si adag iskaga kaa celin jirey
in ay sidani ku dhacdo, sidaasina
waa sidee, si kale ma ahane waa dareen
li'i, maxaana keenay qabiil walba
iyo jufo kasta ee soomaaliyeed hooyadood
baa habaartay waayo habaryartood bay
kufsadeen, abtigoodna dhaceen oo dileen,
laakiin waheeeeey, wahey! wahey! ..,
ar yaa hurdada iiga kiciya dadkeyga,
war wax kastaba tijaabise
e, oo shir kastaba la idiin qabaye,
oo goob kasta oo ihaano fariisate
e, ila tijaabiya hooyo oo aan ka cafis
dalabno keliya, tijaabo uun keliya
illeen maba aaminsanidine.
Ilaahow ay aqbalaan, ilaahow ay aqbalaan,
ilaahow ay aqbalaan, ilaahow ii toosi,
ilaahow dad kale ma lihi, ilaahow
iyagaan ku gawracanahay, iyagiina
wax ma maqlayaan, ee allow maanta
ha nugu dhaafin dhibkan ma qaadi karnee.
Maxamed C/Samed Email: aamaguul@hotmail.co.uk