OPINION
/ FIKRAD
August
19, 2010 - QOL -
Puntland iyo saxafada maxa isku haystaan?
Warbaahinta Somalida iyo midda caalamka
ayaa si weyn uga hadal hayay dagaal
qaboow oo ka dhex bilowday maamulka
Puntland iyo saxafada gudaha – kana
dhashay xiritaan, shaqo joojin lagu
sameyay wariyaal, iyo amaro cusub
oo saxafada loo sheegay iney ku dhaqmaan,
taas oo dastuurka Puntland kasoo horjeeda.
Arinta ugu dhibta badan ee xaalada
kicisay ayaa aheed markii agaasimaha
idaacada Horseed Media C/fataax Jaamac
Mire oo maxkamada darajada koowaad
ee Boosaaso ay ku xukuntey 6-sano
xabsi ah iyo 500U$ oo ganaax ah –
taas waxa kasoo horjeestay warbaahinta
iyo ururada saxafada Puntland.
Xukunka Wariyaha.
Maamulka Puntland ayaa ku andacoonayo
inuu Cabdifitaax uu ka danbeeyay wareysi
ay idaacadiisa Horseed Media la yeelatey
wadaad lagu magacaabo Sheekh Maxamed
Siciid Atam oo dagaal kula jira Puntland
- taas oo Puntland ku tilmaamtey inuu
amniga dhibaateynayay.
Cabdiqani Salaad Gurey oo ah wasiir
ku xigeenka warfaafinta Puntland ayaa
u sheegay BBC Somali iney xukunka
lagu qaaday Cabdifataax Jaamac uu
ku saleysan yahay sharciga cusub ee
argagixisada Puntland, kaas oo xilli
dhaweyto uu maamulka Puntland ansixiyay
waxana uu sheegay iney ogyihiin saxafada
sharcigan, una qabteen tababaro.
Balse Horseed Media ayaa war ay soo
saartey ku beenisay in sharciga cusub
ee loogu talagalay Argagixisada la
beegsaday agasimahooda – Waxa kale
oo Horseed Media ay diiday inay arkeen
sharciga argagixisada uu maamulka
Puntland sheegay iney nuqul u direy
idaacada – Iyadoo xusay in Cabdifitaax
loo diiday inuu qabsado qareen.
Xukunka maxkamada ay sameysay iyo
xilliga Cabdifitaax lasoo qabtey waxa
u dhaxeyay saacado kooban – Taasi
waxa u egtahay in xukunka diyaarsanaa,
dabinkane uu kusoo dhacay – Waxana
Cabdiqani ku marmarsiyoona iney dajdajinta
maxkamada amrayo sharciga Puntland.
Xaqqa Saxafadda.
Dastuurka Puntland ee la qorey 1999-kii
ayaa saxafada u baneynayo iney si
madax banaan wararka uga tabiyaan
dhinacyada kala duwan sida ku cad,
Qodobka 21aad
1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta
ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin
faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan
sharciga oo keliya.
2. Xeer gaar ah ayaa xadidaya xorriyadda
saxaafadda.
Taasi waxa ay muujineysaa in lagu
xad gudbay xaqa saxafiyin iyo warbahin
badan oo ka howl gala Puntland, kuwaas
oo dowlada sida ay rabto ula dhaqantey.
Amaro cusub
Laakin waxaa wax lala yaabo ah inuu
wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakiin
Axmed Guuleed uu israaciyey laba hadal
oo is diidan, kan koowaad wuu yiri
"Aad ayuu maamulka Puntland ugu
faraxsan yahay jiritaanka saxafada
madaxa banaan ee ka hana qaaday goobaha
aan ka talino waana murayada aan ka
dheehano dhalilaheena”
Wuxuuna raaciyey “ Argagixisada iyo
ciddii la halmaasha warkooda lagama
soo dayn karo saxafadda Puntland,
Cidii ka soo daysana waxa laga qaadi
doona talaabo sharciga waafaqsan”
labadaasi hadal ma is qaadan karaan?
Balse Burhan Axmed Daahir oo ah Xog-hayaha
Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland
ayaa sheegay in amarada wasiirka warfaafinta
soo saarey ay ka soo horjeedaan sharciga
iyo nidaamka u degsan Puntland, ayna
meel ka dhac ku yihiin qodobo dastuurka
Puntland ka mid ah.
Wariyaasha qaar ayaa ku waramaya in
qaar badan oo ka mid ah dhibaatoyinka
ku dhacayo saxafada Puntland ay ku
lug leehdahay madaxtooyada Puntland
oo aan jecleysan sida ay saxafada
madaxa banaan u shaqeyso, keentayna
iney amaro soo qoraan kadib u gudbiyaan
wasarada warfaafinta halkaas oo laga
faafiyo.
Puntland oo hore shaqada uga joojisay
weriye Nuux Muuse Birjeeb oo u warama
idacada VOA laanteeda afka Somaliga
ayaa mar kale ogolaatey inuu si xor
ah shaqadiisa saxafinimo u gudto.
Gunaanad.
Puntland ayaa heshay taagerada saxafada
Puntland xilliyadan oo dagaalka kula
jirto kooxaha ku kacsan maamulka iyadoo
saxaafadu ku tilmaamtey kuwa kasoo
horjeeda danta guud ee bulshada reer
Puntland, taas oo cadeynayso iney
waajibkooda kasoo baxeen warbaahinta.
Sida uu Burhaan ku doodayane, hadii
qofka dagaalamayo la waydiiyo sababta
uu dagaalka ugu jiro taasi waxa cad
ineysan amaanka waxba u dhibayn, si
cad-na ula shaqeyneso Puntland.
Haatan waxa maamulka Puntland u banaan
iney soo daayaan Cabdifitaax Jaamac
Mire sida ay shaqadiisa ugu fasaxeen
Nuux Muuse Birjeeb, labadaas saxafi
oo si sharci daro ah ula dhaqmeen
maamulku – Sidoo kale waa iney ka
laabtaan amarada sharciga ka soo horjeedo
ee soo saarayaan, taas oo wax u dhimi
karta wada shaqeynta saxafada iyo
maamulka Puntland.
Maxamed Cabdi Nuur Mascud waa saxafi
madax banaan oo muddo 6-sano ka howl
galayay saxafada Somaliya, Wixii aragti
ah kala wadaag,
mascudmedia@gmail.com
www.facebook.com/Mohamed.Mascud
www.twitter.com/mohamedmascud
www.youtube.com/mascudmedia