FIKRAD / OPINION
August 06, 2010 - QOL -
Walaalkey Muxammad Idirisow anigu
horaan u iri wax kala soconayaa ma
jiraan ilaa Hooyo laga daayo
dhibaatada lugu hayo,
war hooyaan gumeynaa oo aan
ehelkeeda laynaa, oo aan ragannimo iyo
dadnimo u naqaannaa, mudduu ilaahay
noo sugayey bal inaan
ka wanatowno wuuna na qabtay allaheen,
markaa shirar la isugu atgo ee laga
soo saaro 9 qodob oo aan anigu u
bixiyey
(WAA IN, .. waa in
ciidammada la kala qaado, waa in shir
dib u heshiisiin la isugu yimaado,
waa in....)
waxba tari mayso ee halka ay cullumo
yari beryahan ka tiraa ilaahay ha loo
noqdo oo aan qaabkii loogu noqon
lahaa la tilmaamin, anigu
waxan leeyahay Hooyo ha laga cafis
dalbo oo ha la yiraahdo ilaahey noo
bari muddo badan buu
aabbe duceeyey hooyana lafaha
karinaysee.
War haddii hooyo xaqeeda aan
lugu tuman lahayn ma jireen qabiil loo
diriraa illeen dadku waa hooyo iyo
aabbe mid 3aadna ma
jiro, aabbe waa kaan magiciisa ku
dirirno oo isku dulumno, isku dhacno,
isku kufsanno, wax alla wixii maxaarim
naga ahaa aan cagta
marinnay, Magicii hooyana waa kan la
la dhaco la dilo la kufsado, wax badan
baan iri war waxa aad kufsanaysaa oo
aad ku faanaysaan oo
aad qabiil kale moodaysaan waa ehelkii
hooyadiin, waa habaryartiin taad
kufsanaysaan,
bal soo waydiiya gabar
la kufsaday ciddii kufsatay,
waxa qasab ah in uu ahaa wiil ay
habaryar u tahay
ha dhawaado ama ha dheeraadee, Innaa
lillaah.
War hooyo inkaarkeedu wuxuu na
baday in diin iska daaye xitaa aan
inta gaaladii ka xishootay aan ka
xishoon wayney, war xaggee adduunyada
ka dhacdaa caasimad dhan ama dal dhan
oo gebigiisba wada isbaaro ah oo
qabiil walbaaba isbaarooyin lugu
yaqaan leeyahay,
haddana la waayey dad ka gaar ah oo
meel gaar ah ka deggan oo iyagu ka
dhex baxay, culummadii way ku dhex
jirtaa oo isbaarada
ayey ka ducaysaa in aan wiilka qorayga
sida il insi iyo il jinni midna arag
oo looga xoolo qalaa, weli ma aanan
arag oo aniga igama
hor imaan ruux la leeyahay lacagta
isbaaraduu diidayaa, qaaraan baa laga
qaaadaa isbaaralleyda iyo tuugada,
tolkaa loo xareeyaa, sidaasna
waxaa na baday habaarka hooyo meel la
fadhiso, ....
allaaa maxaa hooyo
murugo la hagoogatay oo ehelkeedii la
laayey uuna laayey habaar qabe ay
caloosha
ku soo siddey 9
bilood 2 sanana ay naaskeeda hoos
dhigaysey
ama mid ay isku jufo aabbe yihiin ee
uusan ka celinayn,
weli ma aragnay dagaal u
dhacay hooyo darteed oo wiil leeyahay
sidee reer aabbow aad reer hooyo u
layn kartiin ?
-----------------
Walaal Meesha aad ka
tiri kuwa na hor boodayaa dadka iyo
dalka uma naxaan
walaal way u naxaan oo way
nooga naxariis badanyihiin mana
hurdaan sideenna oo jiif iyo joogba
way ka quusteen laakiin TIIH
baa haysta oo sidaas bay u nixidda u
yaqaaniin oo wanaag ula muuqata,
miyaadan arkin in C/Lahi
Yusuf dhihi jirey
waan soo af jareynaa argagixisada,
ogow isagu wuxuu isu haystey
inuu daacad ka yahay wax walba,
markuu tegayeyna ciil buu ku tegey uu
ka murugaysanyahay
ummaddiisii soomaaliyeed oo uu
wanaag la rabo ee lala garan waayey
iyo dayaca uu uga tegey maadaama
uu u haystey inay wax yar uga
dhimmanaayeen, ilaahow dembigaaga
dhaaf c/laahiyow oo dariiqa khayrka
kugu toosi annaga dhanna nugu
toosi.
Sowse maad arag in isla
halkii
ay Sh. Shariif iyo kooxdiisu fadhiyaan
isla kelmadihiisiina isticmaalaan,
sowse sidoo kale maad
arkin
kuwa iyaga ka soo hor jeeda oo hal
taangi ugaandhays u dhawaan kari
waayey
ay yiraahdaan alaskaan habeen
dambe geleynaa ama addis baan ku
tukanaynaa?
Sowse maad arag
kuwo rayid ah oo masaakiina oo
madaafiicdu ku dul socoto oo maydka
ehelladoodii daldalaya
ama iyaga laftoodu ku
dhaawacmay ama ku qaxay in ay
taageersanyihiin kuwaas oo ammaanayaan?
walaal waa ka wada daacad
khiyaano samayna is ma ay laha ee
sidaas oo dhab ah bay wax ugu muuqdaan,
ugamana
dambayso talo dambe iyaga,
waayo ilaahay baa indhihii iyo
dhegihii iyo caqligiiba ka daboolay.
maad ka garatid
inaanay kuwa waan diriraynaa leh hal
daqiiqo xitaa aysan u danqan maatida
hilbahoodu dariiqyada
waranyihiin oo madaafiicdu
sida arxan darrada ah ugu hoobanayso
habeen iyo subax iyo duhur iyo jimce
iyo ciid
iyo daqiiqad walba oo
noloshooda maraysa maantadan la joogo.
sowse maad arag kuwa
dawlad isku tilmaamaya marka ay
mushaarkooda
iyo arrimahooda iyaga ka dhexeeya ay
joogto
sida ay u qaylinayaan oo hebel
ha dhaco iyo heblo ha dhacdo ugu
jiraan?
sowse maad arag xataa
dumarkii ragga ka naxariis badnaa
jirey oo dhibaato yar la ooyi jirey
inaysan inyar
oo dareen ah u lahayn dadkii
ay ka dhasheen gumaadka ku socda,
kuwaasoo nooc walba ka kooban: qaraabo,
ayeeyo, awoowe, abti,
adeer,seeddi, soddog, saaxiib, deris,
arday, macallin qur'aan, ... ilaa
biyoole
dameer biyo ku dhaaniya iyo
duqda yaanyo ay derbi la fadhiso agoon
ku korinaysa ay derbigii ku diminayaan?
sow se walaal Muxammad
maad arag
inaysan gebigood soomaalidu hal iyo 2
aan la maqlayn mooyee inta kale
dareemeyn
dalkoodii oo burcad nooc walba
leh gacanta u galay oo weliba
daqiiqad-daqiiqad gacanta uga sii
baxaya?
Sow ma aad arag marka
ay hadlayaan
ama kuwa wax qoraahi wax qorayaan
badankoodu in ay ka hadlaan Jacayl
ama gabar la guursaday iyo
gabar la furay ama carootay, ama nin
gabar qaawan oo banooni laadday, iwm
.... Innaa lillaah?
Ugu dambayn walaal ha ka sugin
in ay is beddelaan iyada oo aan
hooyada inkaarta meel la fadhisa ee
sutida u haysa hoos loo deyin.
CALAA KULLI XAAL KAMA GAARO OO HADAL
WAX TARI MAYO ANIGANA DHIIGGAYGA AYUU
SII KICINAYAA DAD WAX KU QAATANA MA
JIRAAN OO WAY
XIRANYIHIINE BAL DAHWR BAYT OO
AAN KA SOO QAADANAYO MAANSOOYINKAAN
TOLKAY SOOMAALI UGA QUUSTAY AAN KAAGA
BILLAABO M. IDIRISOW
MIDDAN AAN KUWO EHELKAY AH UGA
DIGEY SHIRKII CARTA OO BILLOW AH
INAYSAN WAQTI ISAGA LUMIN, IGASE DIIDE
KASE SHALLAAYE E:
.....................
Car ninkee dhakafaar, iyo
dhaygag joogto ah
naga dheelminaayoo,
dhaldhalaal adduunyiyo
malaayiin u dhiibnaa?
Waa waxan dhacaynine,
aniguba dhankayguu
dhakafaar i helee, go'aygan
dhex ka roor
dhaxan aan ka
galee, waan dhehee nabadeeeey.
MAXAAD U TIRI BAY
YIRAAHDEEN WAXAAN IRI WAAYO?
Nin
hooyadi habaartoo
habeenkiyo aroortaba
hoogayey ka siinaya
inu horumar gaaroon
hanaqiisa la goyn
aayaddeen ka
helaa?
BAL DIB u XUSUUSO
MAANSADEYDII
QORAY IS
MARIS 06-06-2005:
............................
Waxaad uun ogaataan, meel
iiga xirataan
in ilaahu kii yahay, dhulku
uu dhulkii yahay
idinkuna ilaa aad, aafada
dhacaysiyo
aabiga hortiisii, sidii aad
ahaydeen
inta aad ahaataan, welibana
ilaahow
aad wadaa tiraahdaan, ha
sugina in roob da'o
beerna aad abuurtiin, oo ubax
ku soo baxay
uu barako
faalalo, siduu beri ahaan jirey.
Dib u eeg Maansadeydii
ABTIYOW CISMAANOW 13-11-2005
RIIX HALKAN
INAY
TIIH KU JIRAANNA EEG:
SOOMAALI DEYEY
07-05-2009
Soomaali deyey oo, soomaali
eegaye
xumaantey samo iyo,
sinnaan u yaqaaniin
samaantana xumaan iyo,
sun bay u yaqaanniin
dadka kii sirgaxan iyo,
sambacey u jecelyihiin
kan samaan la dooniyo,
saalixey u necebyihiin
haddaad siiso subag ood, ku
tiraa sibraarkaas
soomaali qaadoo,
saxankaas agtaadana
sun baan meesha la dhigee,
haw dhawaanin saaxiib
soomaali wuxuu oran, war
may aha suntan iyo
beladaad saraadine,
sonkor iyo saliid iyo
subag baa ka buuxoo,
saqiirraan u geysaa
..................!!
SIDOO
KALE :
SOMAALI DAMMANEY
08-05-2006
Soomaali dammaney, eeddadey ma
diiraay
caloolyow ku daaqaay,
dhaqankii dayuusley !
boholaha dugaaggee,
danaystuhu ku dhuuntaay
dhiiggeeda caba iyo,
guryaheeda dumiyaay
Madfacoo daryaamaya, dig
markuu yiraahdee
lixdan ay ka duushaba,
maydka oon la duugayn
daldalayso dhaawaca, taan
dareenka kaca iyo
damqashada ka waayaay
haddaad toban ku duubtiyo,
dusha ood salaaxee
isku si u
dareemaay!..........
SIDOO
KALE EEG:
SOOMAALI DHOOHANE
13-03-2006
Soomaali dhoohane, Xuma kama
dhergaayaha
Damiirkiisi beecshee,
Shilimaadka dhaafsaday
Sidaad wax u dhigaysiyo.
markan dhalan roggaagiyo
Dhaqankaaga eegaba, Abti
inu ku dhaaway
Dadka qaar ku
dhaartaan .............
SAN-DAREER 16-10-2005
......................
Summaddii awoowiyo, inu
dhaxal la seexdoo
caqligoodu saa yahay, iyo
sixir inuu jiro
noloshooda saanyaday, ayaa
kala saxaayoo
ii kala sifayn
kara ?
Naag
baa laga sheegay Ilaahay inuu xaq
gudayo waan ogaa laakiin inuu dabo,
dabo ku gudayo ma ogayn,
sidaas darteed anigu inuu tiih
jiro waan ogaa oo diinta ayaa sheegtay,
laakiin waxaan garan waayey qofka aad
is tiraa allay-lehe qofkan waa
nadiif, mar alla marka xilkii loo
dhiibo ayuu habaar qabe soo baxaa oo
gumaad
iyo bililiqo ku dhaqaaqaa,
marka waxan garan waayey biyaha ay
kabbadaan oo qofka dhedhemiyaahi
dareenku ka
tegayo khamrana maqlaye tanoo
kale ma maqal siday tiri maansadeydii
DHOOHANE 28-06-2005
Bulsha waliba duul bay dhuddiyo dhiin
ka dhigataaye
qof kastoo dhammays iyo ahaa
caaqil lagu dhaarto
ood lahayd dhaqaaliyo mar uun
yaa xilka u dhiiba
markii magaci loo dhaariyiyo
reerki inuu dheelmo
ayumbuu dhareer daadiyaa sida
dhallaankiiye
car ninkee
dhalaaliya halkey belo ka dheelmayso?
NB:
Ogow uun Muxamad Idirisow
haddii aniga iyo adiga hadda xil naloo
magacaabo waxan ka billaabaynaa
caro aan u qabno kuwa hadda
magacyada xilal sheeganaya oo aan
leennahay waxba ma aysan qaban oo
rayidkii weli way wada
noolyihiin mana aysan dhammayn, markaa
yeynaan eedayne aan meesha sartu
ka quruntay abbaarno wax
qarash ah noogama baahnee, haddii kale
waxba yeynaan qalmaanta dhammayn
dadyow kale oo aan tiih ku
jirin hooyadoodna inkaarin baa ka
faa'iidaysanayee.
ALLAA MAHAD LEH.
AAAAAAAAAh, murug baa i haysoo
indhahaa i oyn oo qalbigaa
ilmaynaya
maxaan uguse aallaa
Max'ed C/samed Email: aamaguul@hotmail.co.uk