FIKRAD / OPINION
August 06, 2010 - QOL -
Ubadku
waa isku nabaha qoyska iyo bulshada,
waa ildoogsiga maanta(waqti xaadirka)
iyo rajada aayaha(mustaqbalka), waa
ashqaraarka indhaha iyo farxadda uurka,
haddaba qormadeenna waxaan ku
eegaynnaa ubadka iyo ababintooda,
waxaan kaga nasanaynaa siyaasadda iyo
saadilteeda sina loo bixin waayey,
waxaan isku dayeynaa inaan si kooban u
dalmarno, maadaama uu yahay mawduuc
aad u ballaaran, una baahan baaritaan
iyo xogdheer, ayna wehliso
goobjoognimo iyo garaaddo goyn,
haddana dhaqanku waa dhaqankii,
dhallaankuna waa Innagoo weynaannay,
waxaan ku cabirayaa wixii naga muuqda
ee soo ifbaxa!.
Ugu horrayn bulsho
waliba waxay leedahay astaamo u gaar
ah, tilmaamo u gooni ah, iyo sifooyin
aan cidna la wadaagin, darisnimadu
saamayn waa yeelan kartaa, oo way jiri
karaan waxyaabo la wada wadaago,
haddana qoloba dhadhan gaar ah ayey u
leedahay, Soomaalidu waxay qayb ka
tahay bulshooyinka reer guuraaga ah,
waxaa lagu tilmaamaa ummad geeddi iyo
hayaan ku xeeldheer, taasi ma ahan mid
iska dhalatay, waxaa sababay cimilada
dalka iyo camalka dadka, qormada
waxaan ku qaadaadhigi doonnaa laba
qodod oo kala ah: Qabyaalad iyo
DagaalDiimeed.
Qabiil{Qabyaalad}:
Unugga Soomaali isku xira waa qabiil,
dhalyadu waa asalka la wadaago,
dhiiggu sida markuu daato xinjir
guduudan u yahay, ayuu dadka
qalbigooda ugu dhagan yahay, haddaba
qabiilku maadaama uu sidaa yahay sidee
loo dhaqan galiyey? Waa su'aasha aan
baaritaankeeda ku guda jirno, Inagoo
ku lammaanin doonna wixii dib ka soo
raacay, hubaal in qabiilku yahay
qaabaynta ay umaddu u qoor go'an tahay,
kuma sii jirto xilliyadii hore ee uu
ahaa tilmaam iyo tigaad, sidaa darteed
waa halbowlaha wada dhaqdhaqaaqa
nolosha, waa isku xiraha iyo kala
gooyaha bulshada.
Qabiilku maadaama uu
sidaa yahay, waxaa lagama maarmaan
noqotay in wax lagu gooyo isaga,
waxaan uga jeedaa inuu noqday sargoyn
iyo saldhigid, noqday mid wax lagu
kala goosto, taasi waxay sababtay inuu
yeesho kaalin mug leh, si kaalintaasi
ay u meel marto waxaa dhashay
abtirsiimaha iyo abla-ablaynta
dhalyada, ee asalka koree awoowayaasha
loogu librayo, tixnaanta magacyada
abtirsiga waxaa ka dhashay:
Jufooyin, Jibsiino, Beelo, Lafo,
IWM, waa laga yaabaa inay dhammaan
isku mid noqon karaa, haddana si unbay
ku kala duwan yihiin, haddaysan
adeegsiga gobolka iyo deegaanka ku
xirnayn.
Si aan u fahmno, waxaa
habboon inaan ka billowno faraca hoose
qoyska(Aabe iyo Hooyo), maxaa yeelay
isaga ayaa unug u ah beesha ku foorar
sanaysa qabiilka, qoysku waa dugsiga
koowaad ee lagu dhigo casharada la
xiriira qabiilka, waa kan keena
taxanaha awoowayaasha beesha ku dhigan
qabiilka, taa ka hor waa inaan mid
wada ogaannaa, in abtirsiimada qoyska
aysan Hooyadu lug ku lahayn, ay tahay
kaliya warshadda badinta dadka, waana
midda aan u hormariyey Aabaha, ma ahan
inaan liidayo Hooyooyinka, ee sidaa
ayaa xaal noqday.
Haddaba Aabuhu waa
qawsaarka qoyska, magaca iyo marsada
isku xirta asalka isaga ayaa wata,
waxaa xilkiisu yahay inuu ubadka baro
dhalyada qabiilka, sokeeyaha iyo
shisheeyaha, intaa kaliya ma ahan, ee
waa inuu maanka ubadkiisa ku milaa
sooyaalka Jufada, Beesha iyo
Qabiilka, micnaha uu u kala
horraysiiyaa sida loo kala dhaw yahay,
uu ka billaabaa ilma adeerada koowaad
kuwa labaad sadaxaad …. ilaa laga
gaarayo jufada kale ee ay ku wadaa
arooraan qabiil.
Ujeedku waa naqshadayn
iyo astaan u yeelid ubad, maxaa yeelay
waxaa lagama maarmaan ahayd inuu
yeesho gabbaad iyo gudbane uu ku go'an
yahay, haddii kale waxaa soo
foodsaaraysa in la garbiyo guudkana
laga gooyo!, astaanta dadku waa
abtirsiimada qabiilka, astaanta
xoolahuna waa sumad qolaba si u
dhigato!, marka dhallaanka waxaa
dhagaha looga afuufaa in reer hebel ka
liitaan ka hooseeyaan!, ayna ka
dhalanayso inaan xiriir lala yeelan
dhan walba ha ku yimaadee!, dhanka
kale reer hebelna ay colaad gaamurtay
kala dhaxayso, ay dileen hebel iyo
hebel iyo waxgalkii beesha!.
Dhallaanka dhasha waxaa
lagu anqarinayaa qabiilka, magac ahaan
waa iska erayo, balse isu rogayo
qabyaalad iyo qabweynan, ujeedka ugu
xun ee loo adeegsadayna muuqdo, ubadku
waa cajal cusub oo kale, cajalna
waxaad ku duubto unbuu qaban, sidoo
kale dhallaankuna wixii loo sheego
unbuu aamini, hadday dhiiragalin iyo
dhaga hadal wehlisana kuma sii jirto,
maxaa yeelay wixii lagu celcelshaa
qaab dhag gooni ah ayey leeyihiin,
sidoo kale caruurnimada waxa aad
qabataa si sahal ah kuma illawdid,
sababtu waa xaashinimada iyo niyad
xaarnaanta dhallaanka!.
Ubadkii sidaa ayuu ku
qaataa aragtidaa gurracan, markuu soo
weynaadana sidaa ayuu u meelmariyaa
ujeedkii qalloocnaa ee loo meeriyey,
cunsurkan waa midka nala degay ee aan
la dhissan la' nahay qaran iyo dawlad
casri ah, had iyo jeer waxaa wax lagu
qaybsadaa beelo sidii geela loo kala
dhici jiray oo kale, waaba yaabee
qarannimadiina ma geelii oo kale ayey
noqotay? Miyeysan dadka ka dhaxayn oo
aysan jirin qolo gaar u leh ama meel
gaar ka mudan in la siiyo?
Colaadihii dhacay
sanadihi tagay, waa udub dhexeedka
dhaqansiinta ubadka, ciddaasi waxay
naga dishay geesi hebel iyo ma soo
jeeste!, dagaallo lagu hoobtay oo beri
dhacay ayaa dacalka la wada hayaa,
waxaa la wada qorshaynayaa sidii loo
aargoosan lahaa, taasina waxay
keenaysaa in caruurku markuu weynaado,
uusanba arki karin reerkaa wixii ka
soo jeedaa, bal yaa garan kara waxa ay
ka ba'sheen Isaga? Mise reerkiisa ayuu
dhinac ka raacay oo colaad weyn u haya
reerkaa kale? “Kabtaada iyo
tolkaagaba dhexda ayaa looga jiraa!”.
Reer hebel gabdhaheenna
ma geeyaan, geeloodunu geeleenna lama
daaqi karo IWM ayaa ka dhashay,
qabayaaladda waa midda maanta maraysa
afar iyo bar(4,5), foolxumo ka weyn
miyaa jirta taa? Beelo dhammaystin oo
buuxa iyo beelo qayb ah oo jajban!,
waxay kuu caddayn in cudurka laga wada
siman yahay, oo aysan kulayl iyo dhib
cidna ku hayan, maxaa yeelay suntaa
ayaa la wada cabsan yahay,
caruurnimada ayaa lagu wada sumoobey,
waxay la socotey malmalka!.
Dhibkaa Innaga oo la
daalaa dhacaynna, ayaa waxaa soo baxay
“ka Dar oo Dibi dhal”,
malaha waxaaba ka sii wanaagsan in la
dhoho: “Kud ka guure Qanjo u
Guur!”, sidaa waxaan u
leeyahay meeshii la islahaa kaalinta
qabiilku waa yaraan, maadaama dadkii
magaalooyinka degay addunkana loo wada
dhoofay, ayaa waxaad moodda inuu sii
xididaysanayo ooba la sii dhidbayo,
maxaa yeelay wax isbedel ah iska
dhaafe waaba la sii mindhicireeyey,
balaanse eegno cunsurka labaad ee
ababinta.
Dagaaldiimeed(Jihaad): inta
aannaan u gudagalin dagaaldiimeedka
Jihaadka dirirta iyo colaadaha
muqaddaska ah, waxaan jeclaan lahaa
inaan wax yar ka iraahdo ababin
diimeedka, in kasta oo la wada ogsoon
yahay, haddana warxumatashiilyada
ayaan iridda ka sii xirayaa!, diini
waa damiir toosiso, ujeedka dhabta ah
waa isku xirka Eebaha iyo addoonka, ma
jirto hab toos ah oo ka dhxayn karta,
sidaa ayey xoogga u saartay qalbiga
niyadda iyo damiirka, maxaa yeelay waa
unugyada qarsoon ee hoggaamiya xibnaha
kale!.
Guud ahaan diintu waxay
caarad bixin u tahay, dhaqanka toosan
iyo hiddaha sare, farriimaheeda ugu
xoogga badan waa: dhimrinta,
naxariista, damqashada, dabacsanaanta,
daacadnimada, xasteexada,
wadatashiga(Shuurada), taakulaynta,
gargaarka, gacanfurnaanta(Sadaqada),
caloolfayoobida, uurkuqaad la'aan,
xasad la'aan, majeerashao wanaagsan,
hadalwanaagsan, been la'aan,
diradiraale la'aan, xan
la'aan, xumaan la'aan, iyo
guud ahaan wixii wanaag ah ee bulshada
kaabaya korna u qaadaya akhlaaqdeeda
iyo asluubteeda, keenayana inay isku
duubnaato isjeclaato isna dhawrto.
Diintaa sidaa ahayd ee
lagu yaqaannay jiljileecaa, waxaa
badalay diin qalafsan oo ku dhisayn
adadayg iyo argagax, ma ahan diintoo
doorsoontay iyo inay mid cusubi timid,
ee qaabka loo afduubay ayaa sidaa
noqday, caruurtii lagu ababin jiray
inay macalinkooda maqlaan aysan ku
warcelin, inay culimada xalaasha
warkooda dhagaystaan mar walbana ka
ducaystaan, waxaa maanta caruurtaa
lagu ababinayaa Sheekh hebel waa Bidci
iyo gaal ama waa gaaloraac, hadduusan
murtad ahayn!.
Waxaan filaa inaad in
badan maqasheen macalin dugsi qoraan
oo loo gacan qaaday, haddaan xabbad
feeraha looga jabin, dhismaha qaab
bulshadeedka oo burburay ayey qayb ka
tahay, haddana qaybta ugu sarraysa
waxaa xilkeeda leh ababin diimeedka,
imisaad maqasheen Masjid dad lagu dhex
dilay?, qofka dilay ma ahan mooryaan
aan Rabbi iyo Rasuul aqoon, ee waa
wadaad madaxa duubtoo diin Eebbe
sheegaya!, immisaad maqasheen masjid
inta la isku qabsaday albaabada loo
laabay, goob cibaado iyo goob caways
midini ka fakan weyday!.
Markii hore waxaan la
yaabanayn awrka qabiilka ee
qabyaaladda, iyo sida caruurta ay u
saaqdo, waxaaba ka daba yimid sun aan
ka waxyeello yarayn, waa
dagaaldiimedka da'yarta daakhilka loo
dhigayo, Farriintaan gurracan ee
caruurta loo meerinayo, waxaa horbooda
rag wadaaddo isku sheega, ujeedka
wuxuu rabo ha ahaadee, waxaa hubaal ah
inay cawaaqib xumo reebayso, marka aad
aragto caruur caalim ku afcelinaya,
aragti diimeed iyo ogaal adduunyo
intaba ka warbixinaya, waxa aan
dhawrnaaba waa aayoxumo iyo aqligoo
ubadka laga sugo!.
Dagaaldiimeed waxaan u
adeeg saday, si aan loo dhihin diinta
ayuu karbaashayaa iyo burish sunuu la
daba joogaa, diini iimaan iyo rumayn
ayey u baahan tahay, balse marka ay
isu rogto dadka dhibkiisa waxaa kugu
soo dhacaya hadalkii: karl Marx,
ee ahaa: “Diintu waa Dhibka
Dadka” ama “Religion
Oviom Peoples”, sanadaha
jadbada Jihaadka, waxaa soo shaacbaxay
arimo la yaab leh, oo aan gayiga
Soomaalida horay uga dhicin, malaha
siiro iyo sooyaal ahaan waa loo akhrin
jirey, balse qaabkan loo falgaliyey
ayaa ah midda aan u iri:
DagaalDiimeed.
Waxaa mudada jadbada
Jihaadka dhacay, in dhalinyaro lagu
yiri: qof walbaa wuxuu u xilsaaran
yahay inuu soo dilo qofka dad u xiga,
arintan waxa laga xagaaliyey, qaabkii
ay dheceen dagaaladii Badar Uxud
IWM, oo ay seefta isu qaateen dad
kuwii isu xigay, farriintaa oo loo
adeeg saday in dhallintii lagu
madaxdhaqay, in dagaalmeedku keenayo
inaad disho dadka kan kuugu dhaw,
iyadoon loo aabadayin waxa uu yahay
iyo waxa uu aaminsan yahay.
Farriimaha laga soo
dhalaaliyey dagaaladii hore u dhacay,
ee lagu ababinayo dhallaanka maanta,
waxaa hubaal ah in miraheeda la hayo
maraan dheerayn, maxaa yeelay marka
aad aragto ama aad maqasho wiil iyo
aabihiisoo qaatir kala taagan, ma ahan
inay meel cidla ah ka timid kala
maagiddaa, waxaa u Aabbe ah farriin
deemeedka sida qaldan loo fidinayo,
waxaa sabab u ah aragtida qaldan ee
loo adeegsanayo sooyaalka.
Ababbinta ubadka markii
hore waxaa cuuryaamin jiray qabiilka
qabyaaladda iyo qabweynanka, oo sabab
u ahaa in bulshada kala qoqobnaato,
maanta waxaa ababinta ubadka wiiqaya
dagaaldiimeedka iyo farriimaha
sooyalka sida xun loo leexinayo, waxaa
da'yartii dhammaan lagu wada jiheeyey
Jihaad iyo Janno gabdho cascas oo
dhuuxooda la iska arko ku jiraan,
dhibkan qarada weyn ee dhacaya waa
ujeedka gurracan ee diinta loo
adeegsado, maxaa isku xiray gabadh iyo
Jihaad, malaha shahwaaninimada ragga
ayey muujinaysaa, oo haddaan naag iyo
naaskeed loo tilmaamin waxba qabanayn!!!.
Inta ubadka marna loo
afduubayo qabiil marna diin, saw ma
habboona in la baro lagu tarbiyadeeyo
Wadaniyadda, jacaylka
dalka iyo dadka, nabadgaliyada dadka
iyo u naxariisashadooda, maxaa yeelay
wadanka waa waxa naga dhexeeya kan
ugu weyn, waxaase laga dhigay wax
aanan jirin ama liiska u dambeeya la
galiyey, caruurta waa in lagu habaa
jacayl jilicsanaan iyo jaalnimo, waa
in lagu anqariyaa damqasho daacadnimo
iyo dareen dabacsan, waa in lagu hagaa
wadaag ku salayn idayl umadda dhan wax
la leedahay, waa in lagu ababiyaa
saamaxaad dulqaad iyo cafis.
Ujeedka qormadu waa
iftiimin xaalku meesha uu marayo,
waxaase la yaab leh inaan la wada
dareensanayn ama lagu wada baruurug
sanyn taas oo sababi doonta in maalin
aan wax la qaban karin qayladhaantu
badato, haddaba inta gori goor tahay
waalid kastaa waa inuu ku ababiyaa
dhallaankiisa wax ubadka anfaca waalid
ahaanna afnaca bushadana anfaca, si
loo gaaro guul dhan walba leh, ubadkii
oo guulaysta, waalidkii oo guulaysta
iyo bulshadii oo guulayta, markaasna
waxaa badanaya guulwadayasha, malaha
waxaa dad badan ku soo dhacaya
haraagii Siyaad Barre, maya sidaa ma
ah, ee waa eray u baahan dhaqangalin
buuxda!.
Gunaad:
ugu dambyn waxaa loo baahan in la iska
kaashado la dagaalanka qabiilka
qabyaaladda iyo qabweynanka, sidoo
kale waxaa la doonayaa in la iska
garabsado la dagaalanka
dagaaldiimeedka jadbada Jihaadka iyo
Janno been tilmaamayaasha, labada qole
waa isku ujeeddo balse laba waddo ayey
kala mareen, waxayna wada beegsaneedn
hal cunsur oo bulshada muhim u ah,
labada dhan ee ay kala mareen waa
dagaaldiimeedka iyo Qabyaaladda,
ujeedkuna waa madax dhaqa Ubadka iyo
ugaarsigodooda, waxay wada
beegsanayaan dhallinta iyo da'yarta,
oo ah mustqabalkii berri loo baxsan
lahaa, ama lagu hiran lahaa.
Sidaa darteed waxaa
dhammaan nala gudboon inaan maya wada
dhahno qabiil iyo jadbo jihaad, ka
hortaggooda waxaa ku sugan
hagaaggeenna, haddaanse la yeelin
wallee mar xeero iyo fandhaal kala
dheceen ayaa la shallayn, waa tii
oraahdu ahayd: “Qoomamo Qiyaas
baa ka roone”, miyeysan maanta
ku habboonayn in si wanaagsan wax lo
jaan gooyo, xilka ugu weyn wuxuu
saaran yahay waalidka iyo
Culimada, aqoonyankuna waa
inuu qaybtiisa ka qaata xallinta
xaaladdaan murugsan.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com