FIKRAD
/OPINION
August 26, 2010 - QOL
-
Degmada Madiina waa
degmada kaliya ee u dhabar adeegatay
difaaca nafta hantida iyo sharafka
shacabka ku dhaqan iyo shacabkii ku
soo haajiray ilaa 1999, in lagu
dhawaaqo dowlad goboleed waa mid sahal
ah balse suáasha mudan in
leeysweeydiiyaa waxaa eey tahay xageey
ka talineeysaa dowlad goboleedkaa mise
mudan tahay xiligaan in dowlad
goboleed riyo ah leeysaga dhawaaqo
iyda oo la og yahay in midnimo
Soomaali oo kaliya looga bixi karo
dhibka al xasuuq eey ku wadaan dalka,
dadka iyo diinta,dowlad goboleed waxaa
ka horeeysa dib u xoreeynta dhulka al
xasuuq uu xooga ku haysto in laga
nadiifiyo, Qooys iyo hal Qabiil kama
nadiifin karaan mana ka xoreeyn karaan
al xasuuq gobolada eey haystaan, sow
ma qumana in eey midoobaan reer
koonfureedka xooga lagu hasyto si eey
isaga xoreeyaan al xasuuq
badbaadiyaan dalka,dadka iyo diinta
umada Soomaaliyeed.
Degamada Madiina
maamulka ka talya waxaan ku
amaanayaa sida geesinimada leh oo
eey u hor istaagan yihiin kuwa
diiday calankii somalia hadafkoodana
uu yahay in dalka eey ku soo
hogaamiyaan cadow cusub oo aan
dalka,dadka iyo diinta u naxeeyn
sida Ethiopia
Waxaan walaalaha ku
mashquulsan dowlad goboleed kula
talinayaa in eey dib u fiiriyaan
dalka,dadka iyo diinta iyo qiimaha
nafta iyo dhiiga qofka reer
koonfureedka ah meesha uu
maraayo,koleey dhiiga iyo nafta
umada ku dhaqan koonfurta Somalia
aad iyo aad ayuu ugu jaban yahay
marka aad u fiiriso dhiiga iyo nafta
shacabka ku dhaqan waqooyiga somalia
,maamul hal qabiil yeeshaa guul iyo
horumar gaarimaayo asagaana dib isku
cuna,adiga oo heli kara qabiilo
somali oo dhibka kula wadaaga
dareesan in naftii hantidii iyo
sharfkii umada meel xun eey mareeyso
al xasuuqna uu yahay cadowga koowaad
ee umada somalia maxaa diiday in aan
baadigoobno midnimada iyo
badbaadinta dib u xoreeynta
dalka,dadka iyo diinta shacabka
dhibka ku jiro si mideeysan ????
Waxaan talo ku soo
jeedin lahaa dhamaan shacuubta ku
dhaqan koonfurta Somalia in eey
heryada cadowga foosha xun ee al
xasuuq iska qaadaan, kuwa ku
mashquulsan dhismaha maamul
goboleedka Waax iyo
Waadi,Hiraan-stat iyo Galmudug
wallaalayaal in aad u howlgashaan
xoreeynta iyo badbaadada dadkii aad
ka dhalateen ee xiligaan ku hoosnool
duliga iyo gumeeysiga al
xasuuq,degmada Madiina maamulka ka
jira xoojiya ku xira calamka waayo
degmada waxaa eey leedahay deked iyo
ariport waxaa mudan in leeysku xiro
maamula degmada Madiina iyo inta
jecel soo celinta sharafka umada iyo
ka hortaga gumaadka al
xasuuq,maanta haddii degmada Madiina
la qabsado Ogow in rajada dib u
xoreeynta eey adkaaneeyso,waxaan ku
soo gaba gabeeynayaa kuwa u dhuun
daloola siyaasada jecelna soo
celinta Qarankii burburay waxaa
xiligaan hadafka yahay in la helo
meel laga soo jabhadeeyo oo saldhig
ah si al xasuuq loo diido hadafkooda
ah waxaan tageeyanaa Alaska muslimka
dhul ma kala laha.caruurta maskaxda
laga dhaqay ee jiilka qaranka somali
waa in laga badbaadiyaa kuwa
maskaxda ka dhaqayo ee al xasuuq
tusayana rajada mugdiga.
Hala gaaro waqtigii
dadka loo sameeyn lahaa maamul
cadaalad ah oo ka yimaada
shacabka,dib u fiiri gobolak
Hiiraan sow riyo maalmeed maaha
sida oo kale Galmudug iwm hal qabiil
ama hal gobol ma noqon karo dowlad
goboleed sharciga dowlada
federlaalka ah waxuu qorayaa in laba
gobol iyo waxii ka badan eey
sameeysan karaan dowlad goboleed iwm
weli lama hayo cid buuxisa sharciga
qoran, dowlad goboleed waxaa ka
horeeya dib u xoreeyn.alow sahar
umuuraha.Somaliland iyo Puntland
waxaa quman in eey u midoobaan al
xasuuq haddii kale midba maalintiisa
ayeey cunayaan.
Al xasuuq waxaa looga
hortiga karaa midnimada umada oo
kaliya hal Qabiil ama hal Qooys kama
hortagi karo al xasuuq.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com