Home Contact us Videos Audio Sports Religious Pages



Cimrigaaga oo Raaga Carrab la Jarayana ma ku tusaa?!!!

 


By: Xafiiska Wararka Qaranimo Online - Muqdisho, Soomaaliya - info@qaranimo.com


FIKRAD / OPINION

August 20, 2010 - QOL - Soon wanaagsan.

Maahmaah hore loo yiri ayaa ahayd: “Cimrigaaga oo Raaga Geel Dhalaana wuu ku tusaa”, malaha qofkii yiri, wuxuu la yaabanaa ama sheeko khiyaaliya ah ka haystay Geela, isaga oo is tusay in aragti geel ay tahay wax lala yaabo, taas oo ka dhalan karta cimrigaagoo raaga!, Aniguse wax yar unbaan ka badalay Maahmaahda, Anigu oo u adeegsaday meesha maanta xaalku marayo, ama qofkii u yaaban sidii ninkii maamhmada curiyey!, Anigoo weydiinta u jeedniya murti mariyaha iyo qofka oo kasta oo leh dareen bani aadamnimo.

Bishii march sanadkii 2007, waxaan qoray qorma aan ugu magac daray: “Fal Gurracan iyo Dhacdo Fool-xun”, kana hadlaysay maydad Muqdisha lagu jiiday markii labaad, dhammaadkii sanadkii tagayna waxaan qoray qarmada ah: “Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?!”, sanadkan horraantiisana waxaaan qoray qormo kale oo aan ugu magac daray: “Xabaala Faagiddu Waxay ka Dhalatay Maydka la Jiido!”, Aniga oo isku xiray falalka gurracan oo aan laga hortagin, inay ka dhalan karto xumaanta oo sii ballaarata, waxaadse mooddaa inaan cidna wax ku qaadan!. 

Arartaa gaaban ka dib, mashaqada Xamar iyo nawaaxigeeda ka taagan waa mid la yaab leh, maalin walba waxaa ka dhaca waxyaabo kaa yaabiya, dagaallo duqaymo dayacnaan iyo darxumo baahsan, intaa waxa sii dheer tacadiga joogtada ah iyo tabar shegasho tagoogeed, meeluu noolaan karin qofaan bubdukh degta u saaranayn,“Ama Buur ahaaw ama Buur ku tiirsanaaw”, halkaa waxaa kuu cad in sir iyo caad aanay nololi jirin, sababtoo ah arimi waxay ku soo aruurtay cudud iyo xoog, caqli iyo garasho warkeed ma jiro!.

Arrinta aan rabo inaan qalinka dulsaaro maanta, waxaad ka wada garan kartaan cinwaanka qormada, waa dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Muqdisha, goobta mashaqada iyo murugada, waa carrab goynta ka curatay magaalada, horay waxaan ugu ogayn gacma jarid qoorgoyn iyo xibnaha dadka oo lagu xarfiyo dayryada aqallada, maantase waxay maraysaa in Carrabka la jaro, ciqaabku waa abaalmarin faldambiyeed qof ama kooxi gaysato, wuxuuse cuskan yahay xukun iyo maamul, ma ahan in qof walbaa fuliyo ama isu taago inuu meelmariyo, marka waxaa waajib ah in ciqaabku u dhigmo falka dambiga ah ee dhacay, ma ahan inuu ka cuslaado ama ka waxyeello badnaado!.

Waxaa ayaandarro ah in aan maanta maraynno, in xubinka ugu muhimsan bani aadamnka aan ka goynno, xubno la gooyo kuma cusba gayiga, balse xubnuhu kala doorroon kalana daran, in kasta oo xubin kastaa hawl gaar ah u hayso jirka, hadday maqnaatana aan xubin kale buuxin karin, haddana waa hubaal inay kala muhimsan yihiin, dhacdada Muqdisha ka dhacday waxay ku soo beegantay, iyada oo dunida wali lala yaaban tahay gabadha Caasho la yiraa ee u dhalatay wadanka Afganistan ee Sanka iyo dhagaha looga gooyey nin aysan rabin awgeed, waa ayaan darree ururada xagjirka ah meelaha ay ka taliyaan maxay uga dhacaan dhacdooyinka la yaabka leh!.

Waa la dagaali jirey, waa la is dili jirey, waa la is leyn jirey, waa la is gumaadi jirey, hadba sida la isaga gacan sarreeyo, ama la isaga itaal roon yahay, dagaallo hadday dhacaanna waxaa ka dhasha dhimasho, maydad, naf-waay, geeri IWM, oo ah khasaaraha ugu weyn ee ka dhasha dagaallada, maxaa yeeley hanti waa la tacban karaa, xoolona waa la sameynsan karaa, maalna waa la heli karaa, waxaase hubaal ah inaan naf la soo iibsan karin ama qof dhintey aan dib loo soo noolayn karin, hadaba hadii ay sidaa wax u dhici jireen, maxey tahay dhac dadaan cusub oo ah carrab goyn?!, war dadkani miyeysan laheyn damiir Insaaninimo Diineed iyo Soomaalinimo? Miyeysan laheyn dareen iyo jiirnaxa? Sidee isu siiyeen iney carrab gooyaan?.

Dhacdadan xanuunka lahi waxay ku soo begantay bishan Soon, kooxaha gafuurdoobtu horay way u sheegaan inay dagaallada kordhin doonaan, balse lama filayn in sidaan wax u dhacayaan, wali cidna ma sheegan falkan gurracan, balse saansaantu waxay tusi, ninkii looga bartay inuu dadk dhagax ku dilo inta god qaarka dambe u galiyo, maxaa yeelay dhacda walba dhacdaa fasirta, ninkii taa sameyey tanna biyo u kabban maayo!, oo aad ayey ugu fududahay inuu fuliyo, aanse la gurnee, war habaarqabayaal haddaad ciqaabaysan  maad ciqaabta u fulisaan si xadidan?  Maxaad u samaynaysaan xadgudubka intaan la eg, igama ahan inaan leeyahay ciqaab fuliya, ee waa muujin ciqaabta  xad-dhaafka ah!.

Soomaalaay ma sidaan ayaa xaal ku idlaaday?  In dadka marna dhagax nafta looga qaado marna carrabka la jaro, dhextaalka iyo xuurta goyntuna gamcahoo la guraa?, ujeedkii dhammaa ma wuxuu noqday cuuryaamin iyo naafaynta dadka, naafaynta ayaaba kala ehe in carrab la gooyana ma mid na sugaysaa?, waxaa hubaal ah haddaan arimaha noocaan ah wax laga qaban, in kuwa ka xun ay imaanayaan, sababtoo ah kuwii horay u dhacayba kuwaan ayey dhaleen, tanina mid ka sii gurracan ayey dhali, “Hal booli ah Nirig Xalaal ah ma dhashao”!.

La yaabe, had iyo jeer maxaa loo beegsadaa dadka xoogsatada ah?, ama ka soo jeeda beelaha aan hubaysnayn, xukumada gurracan ma iyaga kaliya ayey qabtaan? Cadaaladda caynkaa ah maxay tahay? Inta dad waxyeello loo gaystay intooda badan waxay ku abtirsadaan beelaha aan suugga lahayn, sida aan soo hormarshana meeshaa nimaan xoog lahayn nolol waa ka xaaraan, diin hallagu soo gambado ama qabiil qaawan!

Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa, arimahan gurracan ee soo noqnoqda waxay u baahan yihiin, in la iska kaashado wax ka qabashadooda, maxaa yeelay waa arrin dhaawac ku ah dhaqanka iyo hiddaha Soomaali, ujeedkuna ma ahan kaliya waxyeellada qofka, ee waxaa wehliya beegsashada dhaqanka, marka odayaasha dhaqanka waxgaradka iyo nabaddoonada waxaa la gudboon inay tallaabo ka qaadaan, maxaa yeelay iyaga ayaa ah indhaha bulshada, xilka xooggiisuna saran yahay.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com 

 

 


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

 


who's online