FIKRAD
/ OPINION
August 24, 2010 - QOL -
Badhtamihii 90kii ayaan gurigayga usoo
galab hoyday. Fadhiga markaan imi
ayaan markiiba Tv ga daaray,(
Teletexte)
ka ayaan indhaha marshay. Markaan
marayey wararka dhaqaalaha ayaa
qodobka u horeeyay wuxuu ahaa shirkada
baabuurta ee Peugeot ayaa
150kun oo gaadhi daafaha dunida
kalasoo noqonaysa, kuwaas oo qalab ku
xidhan joojiyahu xun yahay halisna ku
ah dadka wata.
Maalinkaas waxaan isku dayay inaan
ogaado waxa ku kalifa shirkadaha
waawayn inay raali geliyaan
macaamiishooda. Dabcan dunida
horuumartay waxaa jira ururo u dooda
dadka waxa gadanaya, kuwaas oo si
ba'an u weerara halisna gelin kara
dhaqaalahooda, iyadoo warbaahintuna
qaadaa dhigto qaladka shirkadahaasi
galaan.
Waxaa xusid mudan dadka wararka la
socda inay ina soo martay xoolaha nool
ee Ingiriiska oo la mamnuucay,
cabitaanka kokada, digaaga iyo
ukuntooda,caanaha Shiinaha, Toyota
oo iyadna qasaare ba'ani gaadhay iyo
kuawa kale oo badan.
Dulucda hadalkayga haddaan hoos u dego,
dadka waxay awood u lee yihiin inay
dadka kale ee sidooda ah ku
yidhaahdaan wax qaladaad samayseen.
Ganacsatduna markasta raali gelinbay
ka bixiyaan,iyagoo balan qaada inay
samaynayaan qalab ama cuno tayo leh
oon dhib ku ahayn dadka iyo
deegaankaba.
Soomaalidu waxaan ka midnahay dadka
dunida ku nool. Soomaaliya waxay
dawladnimo haysatay 30 sanno, 20kii
sanno ee u dambeeyana mashaqo ayay
mijaha la geshay.Adduunku wuxuu ku
daalay sidii nabad iyo dawlad
Soomaaliyeed loo heli lahaa. Waxaa loo
maara waayay sidii hal maamul loo
samayn lahaa.Iyadoo maalinba maalinta
ka dambaysa ay maamul gobaleedo
dhalanayaan, ayaan haddana
Soomaaliland oo dawladnimo rabtay loo
gacan haadin. Su'aasha meesha taali
waa maxaa ku fadhiya arrimaha
Soomaalida?
Dabcan ninba sibuu u jawaabaa, dadka
qaar waxay yidhaadnaan qabyaalad baa
qarankii ku fadhida, qabqable
dagaalbaa qarash urursanaya, siyaasiin
qawlaysataa qorshaha u haysa,
ganacsato qaada ma dheregtaa awrka
qoorta haysa, aqoonyahan qaldanbaa
kursi u qaadhaan gurta,
odayaal qaloocaa boqornimo u qoor
duubtaa dadkii sii kala qob-qobaya.
Maya arintu intaas way ka fogtahoo
Itoobiyaa qaladka iska leh, Kiiniyaa
nagu qaadhaan urursanaysa, Jabuutaa
qaar taageersan, Afrikaanbaa na
qabsaday, Carrabaa na qasaysa, waa
qandaraas UN tu qaadatay, Maraykan iyo
Yurub baa qorshaha iska leh iwm.
Runtii amuurahan oo dhami way kulmaan,
balse gafku intaa wuu ka fog yahay.
Sidaan kor ku xusay mar haddii Allah
uu siiyay dadka awood ay ku
yidhaahdaan kuwa kale sidooda waad
qaldan tihiin, dadku awood uma laha
inay Allah(SWT) dunida iyo inta ku
noolba abuuray ku yidhaahdaan waad
qaldantay Subxaana Allah.
Waxaa jira dad nabiyada Allah soo
diro iyo diimaha ay wataan diida,
balse inagu abuurkiisaan diidnay oo
nidhi waa qalad, waana gef Soomaali ay
wada geshay.
Takoorka iyo nolol u quudhi waaga aan
beesha Gabooye ku hayno, waa masiibo
aan midhaheeda wada guranayno.
dhammaanteen waxaan isku raacnay
inaynaan dhex gelin, guurkoodu xaaraan
yahay, iyadoo gabdhaheena iyo
wiilashiiba maanta gaalo iyo afrikaan
qurbaha ku guursadaan.
Talo inay inala wadaagaan baan diidnay
oo siyaasadu waa ka mamnuuc, dad
jiraba inay yihiin baan diidanahay,
taasoo macneheedu yahay Allah waad ku
qasaartay kuwaas abbuurkooda
Subxaana Allah.
Gefkan waxaa laga hadlay 6dii bilood
ee Maxaakiimtu Muqdisho iyo gobolada
ku hareeraysan xukumayeen, dabadeed
lama hadal qaadin.
Haddaba Gabooyaha maxaan ka
goynaynaa?.
Ummad kasta oo dunida ku dhaqan dad
ama degaamo gaara ayay ilbaxnimadu ka
soo unkataa, inta kalena way ku fidaa.
Sidaan anigu aamin sanahay Gabooyuhu
waxay ahaa yeen ilbaxnimadii u
horaysay ee Soomaali hesho. Markaan
dhammaanteen xoolo dhaqato ahayn ,
waxay ahaayeen kuwii u horeeyay ee
isku daya inay ugaadhsi tegaan, xoolo
la'aana noolaan karaan. Waxay isku
deyeen inay farsamada gacanta inoo
hirgeshaan, iyagoo sameeyey qalabka ay
nolosha aadamuhu aasaas ugu baahan
tahay. Anigu waxaan ku timaamaa in
halka Jarmalku reer Yurub kaga jiro
inay Soomaali kaga jiraan. Nasiib
darase kama aynaan faa'idin fikirkooda
sidii kolba loo casrayn lahaa
qoraalona looga reebi lahaa, balse
waan caynay oon ku takoornay.
Gefkani waa ka dhadhaarka dul dhigay
arrimaha Soomaalida, waa ka taleeda
dhalaan habaabis ka dhigay, waa halkay
ka qudhuntay dawlad nimadii,
dadnimadeeniina ku luntay. Maanta
waxaan nahay dad aan dunida jirin,
meelba loogu roonayn, daaduun baan u
dareernay oo dhalinyaradii badda ugu
dhinteen, qof iyo qoomiyad midnaba
ugama muuqano dhulkaan usoo qaxnay.
Walaalayaal xal keliya ayaa inoo
bannaan, kaasoo ah toobad keen Allah u
toobad keeno, qirano qaladkaan galnay,
debi dhaafna Allah wada weydiisano.
Walaalaheena intaan dhammaanteen
wadajir ugu yeedhno raali gelino, la
noolaano, dhex gelno dhaqan iyo guurba.
Waa inaan bog cusub u furnaa
taariikhda Soomaalida, oo imaashahoodu
noqdaa halkay dib uga soo unkato
walaalnimadeedii iyo midnimadeenii
taasaana sal u ah dadnimadeena iyo
dawlad la helaba. Xalkale oo Soomaali
u hadhay majiro.
Nabad iyo caano.
Rashid Barkhad
Rennes. france
barkhsoom@hotmail.fr
Axad, 22/08/10