Home Contact us Videos Audio Sports Religious Pages


Kooxda Qeylodhaan oo saarey muqaalka heesta Aseyda bal daawasho wacan


By Xafiiska Wararka - Qaranimo Online - Muqdisho, Somalia - info@qaranimo.com


August 29, 2010 - QOL -  Waan idin salamayaa ramadaan wanaagsan waxaan halkaan idinkugu soo dirayaa heestii Aseyda ee uu qaaday fanaanka abwaanka Xuseen Shire Jama ''Ciyaar jecel'' ee ka hadleysay dhibaatada ka socoto dalka Soomaaliya gaar ahaan dhibaatada lagu hayo dumarka iyo caruurta, heestan waxa uu abwaanka soo saarey mar uu ka arkey dumar Soomaaliyeed oo degan magaalada London oo saaranaya Aseyda iyagoo ka xun dhibaatada ka socoto dalkooda.

Heestan magaceeda waxaa la yiraahdaa Heesta Aseyda '' Dumarkaan wada ooyayee ''.

Xuseen Shire Jaamac waxa uu ka mid yahay kooxda Qeylodhaan oo ku caan baxdey heesaha wadaniga iyo gubaabinta umaddooda, run ahaantii wadada ay marayaan fanaaniinta kooxda Qeylodhaan waa wadadii saxda ahayd waxaana dhihi karnaa waa kuwa buuxiyay kaalintii hobalada Qaranka dalka Soomaaliya oo dhan waqtigaan xaadirka ah.

 Heesta ka daalaco iyo muuqaal ah fadlan faafi si dhibaatada ka jirta dalkeena dadka uga danqadaan.


 
Wabilaahi towfiiq
Yusuf Yusuf

 

 


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

 


who's online