Home Contact us Videos Audio Sports Religious Pages


Miyuusan idinku jirin mid fiicani?! ‘Suuratu Huud 78

 


By: Xafiiska Wararka Qaranimo Online - Muqdisho, Soomaaliya - info@qaranimo.com


FIKRAD /OPINION

August 26, 2010 - QOL - Dhiilada colaadeed iyo dhiiga qubanaya ee aan kala go’a lahayni waxa uu astaan u yahay garawshiyo la’aanta haysata in badan oo ka mid ah bulshada soomaliyeed.

Su’aalaha soo noqnoqda ee aan jawaabta u baahnayn hadana ay adagtahay in la fahmo waxa ka mid ah maxa la isku haystaa? Maxaa waxan oo dhiig ah loo daadinaya?!

Fahamka mushkilad ku haysataa waxa ay qayb ka tahay raadinta xalkeeda. Laakiin ka waran haddii aan la is weydiinba su’aasha, oo dadka in badan la dagay ama la soo khalday? Oo dadkoo dhan miyaa la khaldi karaa? Intee ayey qaadata in qof soomaaliyeed lagu qanciyo ama laga dhaadhiciyo in uu qof kale oo soomaliyeed dilo ama isku qarxiyo bil Ramadaan? si uu ujeedadiisa u gaadho Maxayse tahay ujeedada uu doonayo in uu gaadho ama ka faa’iidayaa? Yaa isaga iyo ka dhintay u gar qaadi doona?

Ma yara su’aalaha u baahan in la is weydiiyaa si loo fahmo mashaqada meesha taal. In maskaxda la kaashado oo aan lagu kedsoomin halkudhigyada dhalanteedka ah waa mabda’ ay diinteena suubani ina fartay. Qur’aanka kariimka ah, bilaw ilaa dhamaad waxa ku jira aayado innagu boorinaya in aan fikirno, wax qiimayno kuna waantowno si aynu dawga toosan u haleelo, waxa kale oo Alle (sw) ku sheegay kitaabkiisa in aan laga yeeli doonin marmarsiiyo cidii tidhaahda waxan raacnay hebel ama sidaasaan arki jirney. Dadka uu qur’aanku la hadlaa ee la rabo in ay wax dooriyaan waa dad gaar ah oo leh tilmaamo ay ka mid yihin in ay wanaaga is faraan, xumahana reebaan (Al-Cimraan 104).

Ma jiro wanaag ka mudan in la is faro ilaalinta naf muslin ah.

Aayada kor ku xusan waxay tilmaamaysaa nebi Luud oo ku calaacalay markii uu u taag waayey lana yaabay qoomkiisii xumaha ka waantoobi waayey ee macsida caadeystay ‘Miyuusan idinku jirin mid fiican ‘Rashiid’ ahi? Ma jirto xumaan-(munkar) iyo denbi ka wayn oo qof sameeyaa ‘dil qof muslin ah bil Ramadaan’.

Shacabka reer muqdsho ee rafaadka iyo rasaastu daashadeen waxa la gudboon in ay kuwooda fiicani is kaashdaan oo dulmiga iska dul qaadaan, samaha iyo wanaagana aanay ka daalin sida abwaankii  soomaailyeed ee dadkiisa guubaabinyay saman hore aanu uga daalin wax sheega:

dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
dubba madaxa ways kala dhacdaa, daa’in abidkiise
goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye
dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anunbaa damqanayee dheguu, uma daloolaane
dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye
[1]

Kuwa lagu ibtileeyey daadinta dhiiga sokeeyana waxa la gudboon in ay fikiraan oo dib u eegaan baalka ay ka gelayaan taariikhda ummada iyo nacdasha aan kala go’a lahayn ee laasimi doonta sidii Qoomu Luud haddii aanay ka waantoobin denbiyada foosha xun ee ay gelayaan har iyo habeen. Dadka waxa lagu khaldaa dhiig daadinta iyo Colaadu in ay ajar badan leedahay bisha Ramadaan laakiin waxa sax ah runtana u dhow in denbiga iyo xadgubyada la geysto bisha Ramadaan, sida dilalka aan loo aabe yeelin ay yihiin kuwo aad u culus oo aan qiil loo helayn.

Guntii iyo gebagebadii waxan idinkula dardaarmayaa:

‘Damqashaduba waa gobanimee dar ilaahay u walaalooba oo damiya baaruuda’.

 

W.Q: Faarax Maxamed


[1] Cabdullahi Suldaan Tima Cade

 

 


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

 


who's online