FIKRAD
/ OPINION
August 24, 2010 - QOL -
Asalamu Aleykum &
Ramadaan Kariim
Waxaa maalmo dhaweyd
jaraa’idka lagu soo qorey in
wadamada Scandinavia ay noqdeen
meelaha ugu nolosha fiican
adduunyada, iyaga oo waliba
kaalintaas dhowr jeer ku guuleystey.
Haddaba su’aashu waxay tahay, maxay
tahay sababta dhalisay in wadamadani
kaalinta kowaad ka galaan meelaha
ugu nolosha wanaagsan adduunyada
maxayse Somalidu ka baran karaan
wadamadan?
Maadaama ay
su’aashani tahay mid muhiim ah, waxa
khasab igu noqotey inaan fikradayda
ka dhiibto.
Caqliga wanaagsani
waa hadyad ILLaahey ka timi, waxaana
muhiim ah in laga faaideysto meel
kasta oo hadyadaas la soo mariyey,
sidoo kale waxa muhiim ah in
waxkasta runta laga sheego..
Aniga oo deganaa
wadanka Dhenmark mudo ka badan 20
sano, waxbarashana halkaas ku qaatey,
waxaan is bidaa inaan ahay dadka
somalida ah ee xogogaal u ah
sababaha wadanka Dhenmark ka dhigtey
meel aad u nolol wanaagsan.
Marka aan leeyahay
nolol wanaagsan waxaan rabaa inaan
tibaaxo dadka wadanka u dhashay,
anigoo sidoo kale xog ogaal u ah
inay jiraan dad badan oo ajinebi ah
oo dalkaas ku tabaalaysan, gaar
ahaan dadka Somalida iyo dadka
carabta oo la kulma cunsiriyad aad u
badan.
Haddaba sababaha
Iskandinevianka ka dhigtay wadamo
aad u hormaray, isla markaana
noloshoodu aad u sareyso waxaan
saldhig uga dhigay afar arimood.
1. Wax soo saarka:
Dadka dheeniska ah waa dad u
hogaansan oo aaminsan shaqada
Qofka dheenishka ah
sharaftiisu waxay aad ugu xidhan
tahay wax soo saarkiisa iyo
waxqabadkiisa. Qof aan wax soo saar
lahayni sharaf kuma laha bulshada
dheenishka. Qabiil iyo anigoo reer
hebel ah halkan waxba kama taraan.
Taasi waxay kaliftey in waxsoosaarku
bato, qofkastaana dhinaciisa ka hawl
galo. Waxsoosaarka oo batay wuxuu
dabar jaray gaajadii, taasina waxay
dhalisay in musuqmaasaqu yaraado.
2. Cadaalada:
Dadka dheenishku waa dad aad u jecel
cadaalada. Markaan leeyahay
cadaalada kama hadlayo siday ula
dhaqmaan dadyowga kale ee adduunka,
ee waxaan ka hadlayaa sida ay iyagu
isula dhaqmaan. Qofka dheenishka ah
ee qaldama ama khaladkiisa ka soo
noqon waaya, waxa laga fadeexadeeyaa
warbaahinta. Xitaa haddii ay tahay
boqorada dalka, taasina waxay
dhalisay inuu qof waliba is ilaaliyo,
magaciisana dhowro, cida uu doono
ha ahaadee!
Maxkamadaha iyo
xaakimiinta:Maxkamadaha
iyo dadka wax xukumaa waa kuwo ka
madaxbanaan dawlada. Tusaale ahaan
beri dhaweyd waxaa jeelka la dhigay
oo drugs lagu qabtey Bent Bendsen
wiilkiisa. Bent Bendsen waxa uu
waqtigaa ahaa ku xigeenka raisal
wasaarahii hore ee dheeniskhka
Anders Fogh Rassmussen, isla
markaana wuxuu madax ka ahaa
xisbigii labaad ee talada wadanka
hayey (conservative).
3.Isku duubnaanta:
Dadka dheenishku waa dad jecel isku
duubnaanta amaba midnimada. Qof
waliba waxa uu ka fakarayaa danta
guud, waayo waa arin aad muhiim u
ah.
Sidii Hadraawi
sheegay haddii danta guud liicdo,
nolosha oo dhan baa liicaysa. Sidoo
kale haddii aan la isku duubnaan,
oon wadajir wax loo qaban horumar la
gaadhimaayo. Sidaa darteed waxa
caruurta dheenishka lagu barbaariyaa
inay isku duubnaadaan iskana
kaashadaan arin kasta. Marka
caruurta dheenishku gaadhaan fasalka
shanaad, waxa lagu bilaabaa inay
wada shaqeeyaan.
4. Xuquuqda
Dumarka Dheenishka: Ugu danbeyn
dadka dheenishku waa kuwo aad ugu
qabweyn dumarkooda, waxaana aad loo
ilaaliyaa xuquuqda dumarka dheeniska.
Dumarka dheenishku waxay ku jiraan
dumarka ugu aqoonta badan, uguna
shaqada badan adduunka.
Markaan leeyahay
xuquuqda gabadha dheenishku waa mid
sugan, waxaan si gaar u tibaaxayaa
arimaha la xidhiidha waxbarashada,
shaqada, darajo helista amaba
dalacsiinta, dhaqaalaha marka la
furo (waa khasab in ninka dheeniska
ahi biiliyo ubadkiisa!) iyo
ilaalinta xuquuqdeeda dumarnimo. Aad
bay u yar tahay in nin wax kufsadey
ama gabadh farafarayeey (sex
chicane) uu jeel iyo ciqaab ka
baxsado!.
Sidoo kale aad bay u
yar tahay in uu ciqaab ka baxsado
nin xaaskiisa garaacay!!
Sidaa darteed gabadha
dheenishku waxay u hanweyn tahay,
kaalin lafdhabar ahna kaga jirtaa
dhismaha dalkeeda ha noqoto xagga
siyaasada iyo xagga dhaqaalahaba.
Waxaan rajaynayaa in
uu maqaalkani noqdo mid laga faaiido
Wa billahi towfiiq
Yasmin Ali -
yasminl813@googlemail.com