Home Contact us Videos Audio Country Profile Presidential Profiles Sports Religious Pages


Soomaali Waa Gablan.

 


By: Suleimaan Abushanab. - Dalmar_w@hotmail.com


February 22, 2010 - QOL - Waxaan  ku bilaabayaa maqaalkaan Maansadii dardaaran ee Sayid maxamad Cabdulle Xassan:

Dawo lagama helo gaal haddaad , daawo dhigataane

Waa idin dagayaa kufriga, aad u dabcaysaane

Dirhamkuu inuu qubahayaad dib u goaysaane

Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

Marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine

Marka  xiga dalkuu idinku oran duunyo dhaafsada e

Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraade

Marhaddaan dushii adari iyo, Iimey dacal dhaafay

Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye!

Waxan filayaa in dad badan oo ku abtirsada magaca Sooxmaaliyeed ay is waydiinayaan muxuu qoraagu ula jeedaa  erayga gablan, hadda mar soomaali ka rag badantahay majirtee.  Asalahaan eraygaan wuxuu kasoo jeedaa dhaqankii soomaalidii hore ee ku salaysnaa nolosha mi yiga, ee nimaan rag dhalin isagoo nool xoolahiisa la dhicijiray xataa haduu toban gabdhood dhalo. Gablan wuxu ahaa  nin aan wiil lahayn. maantase, gablan waxaan ula jeedaa in aan dalkeenuu lahayn wax wadaniyiin ah rag iyo dumartoona. Oo dhulkii aan ka dhaxalay  aabayaashayo uusan lahayn rag ,ka difaaca cadowga dibada iyo kan gudaha.   Tusaale ahaan sidii ay u  difaaceen dalka Ahmad Guray iyo Sayid maxamad cabdulle xasan, uguna duuleen Amxaaro  iyo gumaystayaashii reer Yurub.  Waxa iyagauna xusuus lama ilaawaana mudan, kaalintoona kasoo dhalaalay dagaalweynihii labaad ee dunida dhalinyaradii u istaagtay inay dalkooda iyo dadkooda xornimo gaarsiiyaan siina balaliyaan dabkii uu shiday  Darwiishkii . Halgankaas gobanimodoonka ahaa waxaa hormood uhaa xisbiyadii kala ahaa SYL, SNL, USP iyo kuwo kale oo farabadan oo ka jiray shanta soomaaliyeed. Aabayaashaas aan kor kusoo xusay,  qaybtoodii  waaqaateen waana  xoreeyeen carruurtoodii waajibkii saarnaana waa fuliyeen. Nimankaas wax weyn ayay soomaali uqabteen, dhaxalna  lagu faanikaro ayay uga tageen ummadooda.

Nimankii abuuree iyagoo itaal daran noo furay albaabada abaalkoodu wuxuu yahay ama lagu xusuustaa hadii aad ilawdaan waa iga ogaysiis waa la arkidoonaa, Eedaad la soo maray umulbaa ilawdee Allow sahal amuuraha adaa noo aqoolee.”  (Cali Sugulle ).

 Hadaba  aabayaasheen iyo awoowayaasheen qarankaan ka  dhaxalay meeyay? miyaanay rag ka tagin? Dadkii ma daacuunbaa laayay,  ma duufaan baa qaaday mise daad?  Soomaalidu waxay tiraahdaa Eebow reer ragleh saan roob ma ugalaa, taas waxaan ka dheehanaynaa in aabayaashayo ay noqdeen mas ubur dhalay ee aanay noqon mas mas dhalay. Dab nin kaliya oo shida miyaa duulka laga waayay. War nin, labo ama seddex qof oo nool  oo wax  wadanimoah kujirto managalawaayay? Mise xaalkeenu waa xeradayadu waa wada uloo ul la qaato maleh. Waryaara dhalinta soomaaliyeeday sow ma ogidin inaad dhulka aduunka ugu barwaaqada badan uu yahay ciideena oo ay  buuxo bad iyo beriba. Sow ma ogidin inuu yahay dunida maanta meesha  ugu hawada wanaagsan inuu yahay dalkeenu. War xaggaad usocotaan soomaaliyay?  war qaxooti  iyo soor gunimo miyaad ka doorbieen ciidiinii hooyo ee hodanka ah? War ragow miyaynaan unaxayn caruurteena, haeenkeena iyo ciroolaheena?  War ma ilownay dhibtii waalidiinteena noo soo mareen? War maskaxdu hashaqayso soomaaliyay, war qabiilka aad ku baaba’een ee aduuna dadkiinii rogay aakhirona cadaab idiindanbeeyo ee gunimada, sharafdarda iyo foolxumada idinbaday iskadaaya.  War qaran filwayn baad ahaydeena isdaba qabta ookiinii ra’yi wanaagsan idiin keena qaata, joojiyana huu yahay idinkoo dhagaysan waxa uu idiin sheegayo. War ka waantooba aragtita fuushxun ee aad caadaysateen oo ah kuu Talin mayo, Italinmaysid, Wada tashanmayno. Ummadi waxay sharaf ku leedahay inay hogaan wacan hesho, haddaanse taas wayno waxaan noqonaynaa awr dabarla’aan dhacay waxaa cuna dugaagee. Libin iyo dowladnimo waxaa lagu hantaa kaladanbay ee is feeryaac, xaasidnimo iyo aniga kaliya aan noolaato laguma gaaro. Wada tashi iyo isu,tanaasul ayaa ummad jabtay sidayada oo kale lagu dabaqabtaa. War intaad idinku beriga da’yartiinii ku gowracaysaan, ayaa badahiiniina shisheeye boobay khayraadkii  ku jiray  dhamaystay sunna ku aasay. War maxaan rabnaa oo inaga maqan? War iska daaya maskaxdaan aan dhaafsiisnay qado aad manta cuntaan, una gudba inaad ka fakartaan aayaha caruuirtiina iyo kuwa ay dhalaan iyo soomaaliwayn aayaheeda danbe haddaan doonayno in wax naga haraan.

Idinkaa dalkaba lehe, dowlad maw ahaataan

Illeyn doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa ka baylahay. ( Sayid Maxamad )

Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkaan gabaygaan uu Cismaan Keenadiid tiriyay oo aad moodo inuu ka turjumayo waxa maanta Soomaali ku sugantahay.

Maanyariye Soomaali waa meheradeedii

Maslaxadeedii garanweyday iyo marinkii toosnaaye

Macnahay ku noolaan lahayd, maluhu siin waaye

Maamuus la’aan lagu  waday moodayaan nolole

Miis-xumida haysa iyo dulligu, waw  macaanyahaye

Mabsuud weeye badidood waxay, mudanhayaan ceebe

Muslinimada sida  loo mud-muday, kama masayraane

Maqaan-xumida waxaa joojay waa, muran dhexdoodaahe

Iyagaa isu muuqanahayee, moog adduunyada e

Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba e

Maalin noolba nimanbaa ku fala , waxay ka maa gaane

Ragii madaxdu ka xumaato waa, marin habaaye

 Muwaafaqo kolkii laga gefaa mowtigood galaye

Anigaa ku miro dhaamayaa maleg usaarnaaye

 

 


Adaabxumada waa mamnuuc.

Sharciyada:

1- Haqorin ra'yi xun.

2- Ra'yigaada ha kucelcelin.

3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.

4- Xushee dadka kale.

Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line


who's online