Home Contact us Videos Audio Country Profile Presidential Profiles Sports Religious Pages


Beesha Celi Cumar oo Nabada iyo dowladnimo taageersan

 


By: Dr.Ali.A.HIrabe  -  Hirabe_a@hotmail.com


 

OPINION / FIKRAD

February 05, 2010 (QOL) Waxaan halkana ku cadeynaynaaa isla markaasna cambaaraynaynaa in qormada  lagu qoray website-yada AllPuntland.Com….Shaaciye.com….Xusuus.comDayniile.com ee 02/2/2010 oo aan la ogeeyn cida qortay qoraalkaa ,taa waxaa cadeeynaya qorma walbaa waxaa lagu muujiyaa cida qortay iyo meesha eey ka soo baxday balse qormadaani waxeey aheeyd mid been abuur ah taana waxaa kaaga daliil ah qormadii la magac baxday : Beesha Celi Cumar oo ku goodisay in ay kalsoonida kala laabaneyso Dowladda KMG

1) Cida qortay lama muujin.

2) Qoraalka waxaa uu muujinayaa sida qormada ku  cad : Xubnihii kulankani ka soo qeybgalay ayaa waxay intaa raaciyeen in xiligii Ra'iisul Wasaaraha Dowladda ka ahaa Cali Maxamed Geeddi maamulka Gobolka Banaadirna uu hayey Maxamed Dheere in Waqooyiga Muqdisho iyo guud ahaan Xamar gacanta Dowladda KMG ay ku jirtay.” Beesha Celi Cumar aad ayeey uga soo horjeeday Maquuste iyo shaqaalahiisii u shaqeeyn jiray sida Cali Geedi iyo Maxed dheere ,akhristow sow ma muuqato in qormadaani eey qoreen kuwa Maquuste iyo shaqaalihiisa ka midka ahaa si eey u kiciyaan beesha nabada iyo wada noolaanshaha jecel ee Celi Cumar in eey lugta ku dhiftaan dowlada tabarta daran ee xiligaan ka jirta Somalia.

3) Waxaa foolxuma in qormada eey ku jirtay : Sidoo kale shirkaasi ayaa la iskula soo qaaday ka qadsanaanta beesha Celi Cumar ee Xubnaha Baarlamaanka iyo qeybaha kala ee Dowladda ka kooban tahay, taasoo ay sheegeen in ay ugu wacan tahay Madaxweyne Shariif oo ay tilmaameen in uu xaqiray beesha Celi Cumar” Akhristow sow qormadaa kuma cada siyaasad xumida lagu been abuueranayo beesha, runtii beesha waa beel aanan ku degdegin qaabka wax qeeybsiga dowlada ee ah 4,5 sida la ogyahay qaabkaa waxaa wax ku helay oo umada biliqeeystay qaasatan mida Mudulood kuwii hubka umada ku gumaadayay waxaana laga qadiyay beelihii laf-dhabrka u ahaa Mudulood sida Moobleen.Wacdaan,Hilibi xagee joogaa Celi Cumar iyada oo la ogyahay in kuwa jufa ahaan u xilgay eey biliqeeysteen Mudulood oo dhan xaqii uu lahaa miyaadan maqal xaq maaha basle waa xal ????

Sidaasi darteed, Mulkiilayaasha website-yada AllPuntland.Com….Shaaciye.com….Xusuus.comDayniile.comwaxaan ka dalbaynaynaa in eey raaligelin buuxda ka bixiyaan meel ka dhaca eey  kula kaceen  beesha Celi Cumar  waayo waxeey  daabaceen qoraal xaq darro ah oo fidno iyo been abuur ah oo aan la ogeeyn meesha cida qortay iyo meesha uu ka soo baxay.

Sidoo kale waxaan qormadaan  ku qeexaynaa in beesha Celi Cumar  ay tagareesan tahay jiritaanka dowlada midnimada qaran ee taagta daran safka horena kaga jirtaan horumarinta iyo adkaynta nabadgalyada caasimada dalka ee Muqdisho,Celi Cumar waxuu ku nool yahay nabada wadajirka iyo wada noolaanshaha dhamaan umada somalia marka eey nabada timaado cid dafiri kartaa ma jito,basle Celi Cumar dagaal kuma raadinaayo in uu maroorsado talada dalka sida Maquuste iyo shaqaalahiisii xabashida dalka ku soo hogaamiyay.Beesha waxaa ilaa iyo hada wax ka noqday mudane Nuur Xassan Xussen Nur Cade waxa uu qabtay iyo sida uu Ethiopia iyo Maquuste dalka kaga saaray waa la ogaa welina Somali waa eey u qoomameeysaa Somalida waxeey u baahan tahay kumanaan Celi Cumar ah oo jecel nabada iyo wadanoolaansha basle weli kuwii talada laga eryay ayaa wada qormooyinka been abuurka ah.   

Dhinaca kale dadka qormadaan  been abuurka ah qoray waxaan u sheegaynaa in haddii aad neceb tihiin madax weyne Sheekh Shariif  , waxba magaca beesha Celi Cumar  ha ka been sheegina ee haddii aad rag tihiin soo bandhiga magacyadiina oo sax ah iyo beesha aad kasoo jeedaan, wixii aad ka tabanaysaan si toos ah ugala xisaabtama Madaxwayne Shariif e iyo maamulkiisa.

Ugu dambayntii waxaan dhammaan ummadda soomaaliyeed u rajeeynaynaa in Ilaah  dhibta labaatanka sano dul saaran ka qaado dadka fidtno wadeyaasha ahna inuu Ilaah  noogu badalo dad ummadda mideeya jidka nabadana iyo wadanoolaashaha u horseeda.

 

 

Dr.Ali.A.HIrabe                                   Hirabe_a@hotmail.com


 


Adaabxumada waa mamnuuc.

Sharciyada:

1- Haqorin ra'yi xun.

2- Ra'yigaada ha kucelcelin.

3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.

4- Xushee dadka kale.

Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line


who's online