OPINION / FIKRAD
February 24, 2010 - QOL
-
(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).
Sababihii keenay burburka:-
Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.
Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,qaar hore ayaan idiinku soo sheegay ,maantana bal kuwan ila eega:-
1. 27 Juun 1977 waxaa xoroobay oo ka goay Soomaalida inteeda kale wadan maanta loo yaqaan Jabuuti(French Somaliland),oo ka mid ahaa shantii Soomaaliyeed ee la doonayey in mid laga dhigo. Jabuuti waxay soo xidhay,soo ooday,soo afjartay,soo gabagebaysay rajadii laga qabay in mar uun la helo SHAN Soomaaliyeed oo isweheshada.Jabuuti waxay 27 Juun 1977 u quus
goysay cid kasta oo aaminsanayd,ku hamiyeysay Soomaliweyn,waxayna sooba xidhay xataa wadadii loo mari lahaa.Waxay dad badani aaminsan yihiin in ay Jabuuti ka faaiidaysatahy,kuna quus qaadatay wixii kala gaadhay amase sidii ay u wada dhaqmeen Soomaliya(Italian Somaliland) iyo (British Somaliland) ka dib midowgii dhexmay 1Juuliyo 1960.
2. 18 May 1991 waxaa iyana indhaha kala qaaday shacabka Somaliland,oo mar kale dib ula soo noqday xoriyadii ay sida fufud ugula midoobeen Soomaaliya 1960.Somaliland waxaa xilligaa 1960 ay Soomalida kale u arkayeen, dad waalan oo aan fahansanayn xoriyadii ay heleen,marar bandanna waxaa si aan qarsoodi ahayn meelo fagaare ah uga sheegay madaxdii xilligaa Soomaliya xukumaysay.Markale waxaa meesha ka sii baxay hamigii iyo hadal hayntii erayga Somaliweyn,waxaa runtii gebi ahaanba burburtay wadadii loo mari lahaa
Somaliland,waxaa iska ilaaway kuwii awelba ku dhadhabi jiray erayga Somaliweyn,oo ahaa reer Somaliland.
3. Diinta –Soomalidu waxay bilowday 15kii sano ee igu dambeeyey in DIINTA ,ay ka dhigato wada loo maro XUKUNKA IYO XILKABA,waxaa dhismay kooxo magac diimeed leh balse dantooda ugu weyni tahay in ay Diinta ku gaadhaan mansan iyo dano iyaga u gaar ah.Waxaan si aad ah u aaminsanahay in haddii DIINTA loo isticmaalo si khaldan oo laguna raadiyo dano gaar ah ,in ay iman karo burbur aan weligii joogsan.
4. Ka dib burburkii ku yimid Soomaliweyn,waxaa bilowday burbur kale oo ku dhacay Soomaliya keligeen.Waxaa dhowaan ku dhawaaqday in ay ka goday Soomaliya Puntlaand, oo samaysatayna calan iyo astaamo u gaar ah, waxaynu maqalay maamulka GALMUDUG,waxaa hadda la wadaa dhisida maamulka DIGIL IYO MIDHIFLE oo laga yaabo in dhowaan lagu dhawaaqo, lehna astaan iyo
calan u gaar ah,waa astaan kale oo ku tusaysa in Soomalidu ay kala tashatay.
5. Waxaa CANDHUUFTOODII dib u liqay NFD iyo OGADEN ,oo aan filayo markay arkeen sida wax u socdaan in ay aamineen xilligan in ay iskala noolaadaan Dowladihii mudada dheer GAMAYSANAYEY .
6. ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-
Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.
Hadal iyo dhamaan tani kala tagay ee yaan la ilaawin deris wanaag, iyo in layska dugsado cadowga inagu hareeraysan ayaan qaabaa anigu.
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ,waan idinka sugayaa ee iigu soo dir emailka .
“la socoqaybta 11 aad ah tan ugu dambaysa sababahii keenay burburka Soomaliya”
Caawi agoonta si adigana ILLAHAY kuu caawiyo
ADAHABSHIIL account No. HRGD14759