OPINION
/ FIKRAD
February 17, 2010 - QOL -
Qoraalkii hore,
waxaan wax ka tilmaannay xilliyada dawladuhu, sida qaalibka
ah, daabacaan lacag cusub. Waxaan sheegnay in saddex xilliba
la daabaco lacag cusub: marka waddan ka soo kabanayo bur-bur
dhaqaale, sida sicir barar; marka waddan ka guurayo nidaam una
guurayo nidaam kale; iyo marka wax laga beddelayo tayada
warqadda lacagtu ku daabacan tahay. Waxaan sidoo kale
sharaxaad kooban iyo tusaalooyinba ka bixinay saddexdaas
xaaladood oo keena
in la daabaco lacag cusub. Qoraalkan koobani, isagoo ka
duullaya waxyaabihii aan ku qaadaadhignay qoraalkii hore ayuu
oddoros ku samaynayaa saamaynta lacagaha cusubi ku yeelan
karaan dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Inta aynaan oddoroska u gudbin, waxaa muhiim ah
in aan maskaxda ku hayno, sida xubnaha u hadlay xukuumaddu
sheegeen, in waxa la daabacayaa tahay lacag cusub -
muuqaal ahaan iyo qiime ahaan labadaba. Dhanka muuqaalka
waxaa sabab looga dhigay in la yareeyo ama gebi ahaanba meesha
laga saaro in lacagtaas cid aan dawladda ahayni daabaci karto.
Dhanka qiimahana waxaa sabab looga dhigay in dadka laga yareeyo
cullaabta, oo loo sameeyo lacag fudud oo ay jeebka ku qaadanb
karaan.
Haddaan ku
hormano xujadda hore, oo xubnaha ka tirsan xukuumaddu ku
andacoodeen, waxaan leenahay, la dagaallanka daabacaadda lacagaha
been-abuurka ah (counterfeit money) waxaa ku guulaysan waayey
waddammada ugu waaweyn adduunka. Tusaale ahaan, daraasad Bangiga
Dhexe ee Maraykanku (Federal Reserve) daabacay 2008-dii ayaa
muujisay in wax ka badan 5% lacagta doollarka Maraykanka ee
adduunka dhex mushaaxaysa ay tahay lacag been-abuur ah. Sidoo
kale, sanad walba hay’adaha sirdoonka, hay’adaha maaliyadda
iyo bangiyada waddankaasi waxay gacanta ku dhigaan lacago been-abuur
ah oo ka badan hal bilyan oo doolar ($ 1 billion); la dagaalanka
lacagta been abuurka ah waxaa u xilsaaran hay’ado gaar u ah oo
leh miisaaniyad garaysa 700 milyan ($700 million); sanad walbana
bangiga dhexe iyo hay’adaha kale ee maalliyaddu waxay kharash
gareeyaan lacag ka badan 4 bilyan ($4 billion) si loo sameeyo
muuqaallo aan si sahal ah loo koobiyayn karin iyo qalab iyaga gaar
u ah.
Lacagta been-abuurka
ahi (counterfeits) dhibaato kuma hayso waddanka Maraykanka oo
kaliya, Ruushka, wax ka badan 8% lacagta wareegaysa waa lacag
been-abuur ah; Ingiriiska waxaa la qiyaasaa in 1.5% lacagaha
qaarkood sida labaatanka gini (£20) yihiin kuwo been-abuur ah;
lacagta Euro-da oo ah lacag cusub oo laga isticmaalo 12 waddan oo
yurub ahna mar hore ayaa loo sameeyey kooxo u gaar ah dabagalka
lacagaha been-abuurka ah. Lacagta been-abuurka ahi waxay
waddammada qaarkood, tusaale ahaan Kanada (Canada) ku kaliftay in
ay dib u daabacaan lacagtii waddankooda oo dhan.
Asbaabaha ugu
weyn ee keenay in waddammada horeumaray xal u waayaan la
dagaalanka lacagta been-abuurka ahi waxay salka ku haysaa saddex
arrimood: (1) lacagta been abuurka ah oo marar badan ay ka
danbeeyaan waddamo iyo hay’ado waaweyn; (2) horumarka
tiknoolojiyada; (3)iyo hoos
u dhac ku yimid anshaxa (ethics) iyo qiyamka (values) qaar ka mid
ah hay’adihii loo abuuray la dagaalanka iyo hay’adaha ku
shaqada leh soo saaritaanka lacagahaas.
Haddaan
ku hormarno arrinta hore, waxaad arkaysaa in lacagta been abuurka
ah mararka qaarkood ay ka danbeeyaan dawlado. Tusaale ahaan,
markuu socday dagaalkii sokeeye ee Maraykanka iyo dagaalkii labaad
ee adduunka labadaba waxaa dhinacyada iska soo horjeedaa daabici
jireen lacago been-abuur ah si ay u naafeeyaan dhaqaalaha dhinaca
kale. Sidoo kale, qaar ka mid ah waddammada waaweyn ayaa lacagta
been-abuurka ah u isticmaala hub ahaan oo u sameeya mucaaradka ka
soo horjeeda dawladahaas, mar-marna dawladahaas naftooda ayaa
waddamada qaarkood ku eedeeya in ay daabacaan lacagtooda sida
dhowr jeer Maraykanku uu kuuriyada Waqooyi iyo Iiraanba ugu
eedeeyey in ay gacan ka geystaan daabacaadda doollarka Maraykanka.
Sidoo kale, Hindiya waxay dhowr jeer ku eedaysay Pakistaan in ay
gacan muuqata ku leedahay been abuurka loo gaysto lacgteeda.
Dhinaca kale, waxaa muuqata in ururada qaarkood, siiba kuwa
mucaaradka ah iyo kuwa nidaam-diidka ahi labaduba isticmaalaan
lacago been abuur ah si ay u maalgeliyaan hawlahooda.
Arrimaha kale
ee keenay in ay adkaato in lala dagaallamo lacagta been abuurka
ahi waxay salka ku haysaa horumarka tiknoolojiyada iyo hoos u
dhaca ku yimid anshaxa iyo qiyamka hay’adihii loo igmaday in ay
la dagaallamaan lacagaha been-abuurka ah. Horumarka tiknoolojiyadu
wuxuu keenay in maalinba maalinta ka danbaysa ay suuqa soo galaan
mashiino awood u leh in ay soo saaraan warqado tayadoodu sarayso
iyo tayo-daabacaad oo aan ka dhicin kuwa dawladaha. Dhinaca kalena,
asbaabo la xiriira bur-bur ku yimid qiyamkii iyo anshaxii mujtamca
ayaa keenay in, waddammada qaarkood, qaar ka mid ah hay’adihii
loo sameeyey in ay la dagaallamaan lacagta been-abuurka ahi ay
qayb ka noqdaan daabacaada iyo suuq-gelinta lacagaha been abuurka
ah.
Dhinaca
Soomaaliya, sida uu soo guuriyey Dalmar (2006), laga soo bilaabo
markay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 ilaa laga soo
gaaro 2001-dii waxaa la daabacay lacag dhan 595 bilyan oo Shilin
Soomaali ah. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in lacag middaas afar
jeer ka badan la daabacay intii u dhexeysay 2001-dii – 2007-dii.
Lacagahaas laguma daabicin suuq madow iyo mashiino godad dhulka
hoostiisa ah ku qarsoon midna. Lacaghaas waxaa daabacay madbacado
ku yaalla Galbeedka, sida British American Bank Note oo ku taalla
Kanada, iyo kuwo kale oo ku yaalla Indooniisiya iyo Malaysiya.
Waxaa lacagtaas soo daabacay ganacsato la yaqaan oo magac iyo
maammuus ku leh bulshada dhexdeeda iyo dagaal oogayaal.
Sharikaadka daabacaya lacagtaas iyo waddammada lagu daabacayo
labaduba waa ka warhayeen in Soomaaliya aysan ka jirin dawlad
sharci ah lacagahaasna loo isticmaali doono dagaalka sokeeya.
laakiin sida dad badani xaqiijiyeen, waxaa dulaal ka ahaa
oo gacan weyn ka geystay daabacaada lacagtaas dawlado cadaw u ah
dhaqaalaha Soomaaliya. Dawladahaas ayaa ayaa isku xirayey
shirkadaha daabaca lacagta iyo dagaal-oogayaasha, iyagaa warqadda
lagu daabaco lacagta u soo gadayey madbacadaha la sheegay in ay
yaallaan Soomaaliya gudeheeda, iyagaana gacan ka geysanayey soo
daabbulida lacagahaa.
Iyadoo ay
jiraan arrimahaas sare oo dhan, haddana waxaa muuqata in lacagaha
Shilin Soomaaliga ah ee la soo daabacay wixii ka danbeeyey
2007-dii ay si aad ah hoos ugu dhaceen.
Asbaabta ugu weynina ma ahayn dawladdii ku meelgaarka ahayd
oo samaysay hay’ado la dagaallama lacagta been abuurka ah, ama
la hadashay meelihii lagu soo daabici jiray lacagahaas ama
maxkamad soo saartay qaar ka mid ah ganacsatadii soo daabici
jirtay lacagahaas. Sidoo kale, hoos u dhacu xiriir lama leh
isbeddel ku yimid qiyamkii iyo anshaxii ganacsatadii iyo
dagaal-oogayaashii soo daabici jiray lacagahaas. Asbaabta ugu weyn
ee keentay in ay hoos u dhacdo ama gebi ahaanba meesha ka baxdo
daabacaadii Shilin Soomaaligu waa hoos u dhaca ku yimid qiimaha
Shilin Soomaaliga. Tusaale ahaan, sida Dalmar (2006) soo guuriyey
,in la sameeyo 1000 Shilin Soomaali ah waxay ku kacdaa $0.028.
Marka, markii qiimaha Shilin Soomaaligu fiicnaa, waxaa dadka soo
daabacaa lacagaasi ay ka faa’iidi jireen 300%, laakiin markii
sicirkii warqadda wax lagu daabaco sare u kacay, qiimihii Shilin
Soomaaliguna hoos u dhacay waxay noqotay in aan wax faa’iido ahi
ku jirin.
Haddaba,
haddaan dib ugu laabano, xujooyinkii ay soo bandhigeen xubnaha ka
tirsan xukuumadu, waxaan oranaynaa, mar haddii waddamada adduunka
ugu waaweyn sida Maraykanka, Raashka, Kanada, Hindiya iyo
Ingiriisku ay ku guulaysan waayeen in ay sameeyaan lacag aan la
been-abuuri karin; ay sidoo kale ku guulaysan waayeen, iayagoo
isticmaalaya aqoon, maaliyad iyo tiknoolojiyo casri ah in ay la
dagaalamaan lacgtaas been abuurka ah, dawladda ku meelgaarka ah oo
aan ka warhayno tabarteeda iyo sumcadeeda ayaa samaynaysa lacag
aan la been-abuuri karin waxay leedahay dib ugu noqosho.
Dhinaca kale,
mar haddii asbaabta keentay in dadkii soo daabici jiray lacagtaasi
ay u soo daabici waayeen sababo la xiriira qiimaha ay ku kacayso
daabacaadu (face value) oo ka sareeya qiimaha lacagta, miyaan la
oran karin in la dabaacao warqado qiimohoodu yahay 20,000, 50,000
iyo wax la mid ihi waxay dib u soo noolaynaysaa suuqii daabacaada
shilin Soomaaliga.
Sidoo kale,
meesha xubnaha ka mid ahi xukuumaddu ku doodeen in ay u naxayaan
shacabka oo ka kala yaraynayaan cullaabta lacagaha faraha badan,
miyaysan ogayn in ay albaabbada u furayaan sicir barar aan la
xakamayn karin. Dhinaca kale, xubnahaasi miyaysan ogayn, sida ay
isku waafaqsan yihiin fuqahada Islaamka xooggoodu, in daabacaada
lacag aan qiimeheeda la ilaalin karin oo horseedaysa sicir-barab,
ay tahay xadgudub iyo dadka hantidooda oo xaaraam lagu cuno.
Haddaan
soo ururiyo waxaan oranaynaa, daabacaada lacagta cusubi waxay
alabaabbada u furaysaa sicir-barar; waxay dhaawacaysaa dhaqaalaha
dalka; waxay hoos u dhigaysaa kalsoonida ganacsatada iyo
maalgeliyayaashu ku qabaan Soomaaliya; waxay ciriiri-nololeed
gelinaysaa nolosha danyarta; waxay horseedaysaa dulmi; waxaa sare
u kacaya danbiyada; waxaa gacanta ka baxaya amniga iyo kala
danbaynta. Dhinaca kale, maadaama xukuummadu gacanta ku hayso
xaafado kooban; dhalliilo iyo ceebo farabadan oo la xiriira
maammul xumo, caddaalad daro iyo musuq-maasuq hawada sabaynayaa;
ay sii dumayan hay’adihii u xilsaarnaa dhaqaalaha dalka sida
bangigii dhexe; siyaasad ahaan dalku maalinba maalinta ka danbaysa
u sii kala fur-furanayo miyaan la dhihi karin tallaabada
daabacaada lacagta cusubi waa arrin aan si mandaq (rational),
cilmi iyo caqli ah midna looga baaraan degin.
Idanka
Eebe, qormooyinka danbe ayaan ku qaadaadhigi doonaa sharci ahaanta
daabacaada lacagtaas, islaamku wuxuu ka qabo, iyo dhaxalka ay ka
tegi karto siyaasad ahaan.
Saciid Cali
Shire
Buuh
Consulting Ltd