|
|
|
|

|

|
|
|
|
Geeska Afrikada Bari
iyo Xuquuqda Aadanaha
|
|
|
OPINION
/ FIKRAD
February 17, 2010 - QOL - Dagaallada
ka holcaya deegaanada ku heeran gobolka Geeska Africada Bari ayaa
waxay abuureen Qax, barakac, Dil ,Dhac, Kufsi, Xarig Sharci darro ah
iyo Xasuuq Aadane oo aad u xun iyadoo ay weli ay u weheliyaan Tahriib
ay dad badani ku hoobtaan oo naftoodii ay ku biimeeyaan Badaha waaweyn
ee Dunida kuwaa oo ay Dad maxaysato ahi ka qaataan lacag kaddibna ay
badaha ku daadshaan Dumar iyo carruur yar yar ah ayaana u badan Dadka
dhibaatoyinkani intooda badani loo gaysanayo Somaaliyeey ma mid laysku
fiirsadaa mise waa Qaylo dhaan iyo Waawaray Dadku waa Dadkaagii
Dalkuna waa Dalkaagii ha u adeegin gumaysi iyo Maxaysato , Qabiil ,Qabqable
Dagaal, Qabqable Diin Huwan, iyo Nabad diid.
Haddaba, xaaladahani cakiran ee
aannu kor ku soo tibaaxnay maxaa xal u ah? Su;aashani waa mid ay
Shacabka Soomaaliyeed ku kala fikrado gedisan yihiin oo ay Dad badani
meelaha Meheradaha lagu caweeyo ee Qaxwaha lagu cabo ay isugu xusullo
duubtaan, hase ahaatee marka aannu Dib ugu noqono Waddamo fara badan
oo ay Dagaallo Sokeeye ka dhaceen kaddib Dagaalkii Sokeeye ee Dalka
ayaa maanta ku nool nabad iyo caano , sababtu maxay tahay? waa quruumo
kala Diin iyo kala Dhaqan gedisan innagoo isku Af, isku Diin iyo isku
dhaqan ahina Xasuuq baynu Shacabkeenii ku haynaa , Xalku waa "Kitaabka
Alle"mar haddii ay DFKMG ahi ku dhawaaqday inay Dalka ku
Xukumayso Kitaabka Alle ma aha in lala Dagaalamo kooxaha Dowladda ka
soo horjeedaa macne ay naftooda iyo tan shacabka ay u Xasuuqaan anigu
ma arko Ktaabka Alle waa Mid keliya , Nabaddu waa horumar.
Dunida ayaa waxay horumar ka gaartay
Qaab dhismeedka Siyaasadeed ee Hay'adda Qaramada Midoobay ku
horumariso Waddamada ay Xiisadaha iyo Xasaradaha Dagaaleed ka Oogan
yihiin ee Afrika iyo Waddamada soo koraya qaarkood Qaabkani ayaa wuxuu
ku dhisan yahay (Dib u Heshiisiin iyo Awood Qaybsi)kooxaha DFKMG ka
soo horjeedaa waxaa la gudboon inay u soo bandhigtaan Codkooda
Hay'adda Qaramada Midoobay iyo Shacabka Soomaaliyeed una dhimriyaan
Maatida iyo Carruurta Soomaaliyeed ee ay Xasuuqayaan
qaataan fikradaha wanaagsan ee ay
Shacabkooda u soo jeedinayaan kana waantoobaan Xasuuqa, is-qarxinta ,
Dilka, Qoorgooyada, iyo Dhiigga ay sida Xaq darrada ahi u qubayaan.
Mar waliba waxay Ummadda
Soomaaliyeed aysan Illoobayn oo taariikhda laga sheekayn doonaa Lixdii
bilood ee ay Midowgii Maxaakiimta Islaamku gacanta ku hayeen Koofurta
Dalka Soomaaliya iyo nabaddii ay ka Xasiliyeen Xilligii yaraa, taasi
waxay tahay mid loo baahan yahay in lagu wacyi qaato Kooxaha Maanta
Dagaalamaya ee Diiday inay Dib u Heshiisiinta ka qayb qaataan Xalkoodu
muxuu noqon doonaa?, inay Dalka ku soo Hoggaamiyaan Quwdo Shisheeye oo
Xasuuq iyo Burbur kale u geysta Maatidii ay hore u Xasuuqeen intii ka
soo hartay ee meel ay u cararaan weysan oo weliba ay ku dhex
dagaalamayaan DFKMG ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda iyagoo isu
adeegsnaya Hub Culus iyo Mafaadiif una naxayn Shacabka Raydka ah oo
isugu jira, Carruur , Waayeel , Dumar, iyo Dad Curyaan ah (oo aan
iskood u carari karrin) oo dhammaantood ah aan haysan waxay Maalin
Quutaan.
Dowladda FKMG ahi maxaa kala gudboon
Siyaasaddani Cakirani runtii dhinaca Dowladda waxaad moodaa inuu ka
muuqdo masuug iyo waajib gudasho la'aan baahday oo aan Xad kahayn
taasoo ay ugu wacan tahay inay waxa keliya ee ay ku jeedaan ay tahay
Lacag iyo Boob ee aysan u jeedin sidii ay Xal ugu heli lahaayeen
Kooxaha ka soo horjeeda inay isu arki lahaayeen una wada tashan
lahaayeen sidii Shacabka looga Badbaadin lahaa Dhibaatada haysata ee
aannu kor ku soo qeexnay iyadoo Dowladda laga doonayo inay u marto Dib
u Heshiisiinta Waddooyinka ugu Wanaagsan ee Ummadda lagu Babdaadin
karo oo aysan u marin Hub Urursi iyo Dagaal Oogid Cusub , Rajo
wanaagsanna u Muujisaa Shacabka.
Haddaba, Geeska Afrikada Bari wuxuu
noqday goobta ugu xun ee Xasuuqa Aadanaha laga gayso ee Dunida sida ku
cad Warbaahinta Caalamka iyo baarista tafaftirayaasha qotoda dheer
Sida Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u Dooda ay ka qorayaan waa Dhab
waxaanna lagama maarmaan ah in aan la Daboolin Ciidamada Maxaysatada
Itoobiya iyo Xasuuqayada ay ka waddo Geeska Afrikada Bari iyadoo weli
Mucaawinooyinka loogu talagalay Dadka Dhibaataysan u adeegsata
Dhinacyada Ciidamada iyo inay ku soo Bedelato Hub Culus oo ay ku
Xasuuqdo Dadka Soomaaliyeed iyo Qowmiyadaha ku Hoos nool ee kala
gedisan , Maxaabiis fara badanina ay si Sharci darro ahi ugu hayso
Xabsiyadeeda .
Gabagabadii iyo faalladani ku
saabsanayd Geeska Afrikada Bari iyo Xasuuqa Aadanaha ayaanu
gunnaanadkeenu uu yahay in Kooxaha Dagaallamaya iyo DFKMG ahi ay
Dagaalka joojiyaan raadiyaana Xal Wanaagsan oo Dib u Heshiisiinayd ama
Awood Qaybsi si loo Badbaadiyo Dhiigga Qubanaya iyo Xasuuqa Aadane ay
Labada Dhinacba ay u geysanayaan Shacabka Raydka ah iyo Maatada ay
Hoobiyaashu ay Digaandigadaha ka dhigeen 21-Sano ku dhowaadka ,
Madaxda Sare ee DFKMG ah iyo Hoggaamiyayaasha Sare ee Kooxaha
Dagaallamaya waxaannu si Xushmad iyo Naxariisi ay ku jirto uga
Codsanaynaa inay u Dhimriyaan Maatida ka joojiyaan Madaafiicda iyo
Hoobiyaasha ay u adeegsanyaan goobaha ay Dadka Raydka ahi ay ku nool
yihiin ee ku yaala Caasimadda Magaalada Muqsisho iyo Magaalooyinka u
dhow dhow. kuna soo noqdaan Miiska Wadahadalka iyo Nabadda.
Eng. Cabdulqaadir Cumar
Yuusuf(Daadurey)
|
|
Adaabxumada
waa mamnuuc.
Sharciyada:
1-
Haqorin ra'yi xun.
2-
Ra'yigaada ha kucelcelin.
3-
Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.
4-
Xushee dadka kale. |
Misconduct
members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat.
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others. |
|
|
|
Voice
over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to
make telephone calls using a broadband Internet connection instead
of a regular (or analog) phone line
|