February 11, 2010
(QOL) Habeenimada Sabtiga, February 06, 2010
waxaa Bakaaraha Banquet Hall lagu qabtay
xaflad ballaran oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto oo
shaaca looga qaadayay musharaxnimada Dr. Cadigia Ali. Dr.
Cadigia waxey u carareysaa xubinimada Golaha Deegaanka ee
Toronto, Ward 2, ee doorashada Madaniga oo la qaban doono
Oktoobar 25, 2010.
Xafladaas oo aheyd mid si
wanaagsan loo soo abaabuley, waxaa lagu qabtay Barsadda
Casumaadaha suuqweynaha caanka ah ee Soomaalida oo loo
yaqaan Bakaaraha. Ka sokow bayaaninta
musharaxnimada Dr. Cadigia Ali, ujeeddada kullanku wuxuu
ahaa in dadweynaha Soomaalida Reer Toronto horay loogu
baraarujiyo ahmiyadda doorashada Madaniga oo inagu soo fool
leh iyo xilka inaga saaran. More pictures



More
pictures:
Halkan ka Dawo Sawirada.
Mowduucyada xafladda looga
hadlay waxay ku jiheysnaayeen saddexda qeybood ee soo socota:
-
Soo bandhigista taariikh nololeedka iyo
waxqabadka musharraxa Drs. Cadigia Ali .
-
Soo bandhigista sababaha ay Drs.
Cadigia Ali isu sharraxeyso iyo gundhigga barnaamijkeeda
iyo/ ama yool-tiigsigeedaba.
-
Qudbado isdaba-joog ah oo nuxurkooda ku
aadan ahmiyadda codbixinta iyo ka qeyb-qaadashada howlaha
madaniga ama kobcinta bulshadaba.
Waxaa qodobka kowaad si tifaftiran uga
hadleen labada arday ee kala ah Sihaama Diiriye iyo
Xayaat Ciise, oo qoraal ahaan, muuqaal iyo oraah
ahaanba usoo bandhigeen iyagoo isticmaalaya teknolojiga
(power point). Sihaama iyo Xayaat waxey sidoo kale soo
bandhigeen waxyaabaha Jaraaidyada kala duwan, sida Toronto
Star, Globe and Mail, iwm., ay ka qoreen howlaha ay Dr. Cali
ka qabatay horumarinta bulshada iyo kobcinta jaaliyadda
koytada ah (social activism and community development), iyo
kaalinta ay ka ciyaartay ololaha gargaarka dadka ku
tabaaleysan Soomaaliya, Ruwanda iwm..
Waxaa magaca jalliyadda Reer Toronto ku
hadlay Mudane Abulkadir Mohamed Warsame Galbeeti iyo Marwa
Batula Sheikh Axmed Gaballe oo labaduba ku dhirigaliyay
Jaaliyadda in Soomali-Canadians ay soo gareen awoodaana
waqtigii ay ku hamin lahaayeen iney hogaaminta dalkan ay wax
ku yeeshaan kana qeybgalaan. Sidaas darteedna ay lagama
maarmaan tahay iney si wada jir ah u taageeraan Cadigia Ali
s’i ay u noqoto Soomali-Canadiankiii ugu horeeyey oo inoo
fadhiista Golaha Deeganka Toronto.
Sidoo kale, waxaa halkaa
ka hadlay Cabdiraxmaan Sheikh Ciise oo Jaaliyadda ku
wacyigeliyay cod-bixinta oo ka mid ah buu yiri, waajibaadka
madaniga iyo midka dastuuri ah ee muwaadanka. Wuxuu kaloo ka
hadlay xilalka kala duwan ooy fuliso Dowladda Hoose.
Sidoo kale, inta madasha ka hadashay
waxey wadar ahaan u xuseen ahmiyadda in jaaliyadaha koytada
ah (ethnic and immigrant communities), sida
Soomali-Canadiyanka ay sed ku yeeshaan golooyinka maamulka
iyo kan siyaasadda ee seddexda heer ee dowladda ayna u
duubtaan iney yeeshaan wakiil-idman oo
iyagaas mitila una halgama danaha qoysaskooda, siiba golaha
deegaanka oo laga go’aamiyo waxyaabaha saldhigga u ah nolol
maalmeedkooda.
Waxaa kaloo dhanka dhallin yarada uga
hadlay Cabdiifatah Marayare , Hassan Ibrahim iyo Shadia
Yassin kuwaasoo mashruucyo badan oo arrimaha bulshada kala
soo shaqeeyay Cadigia Ali. Waxey xuseen kartida,
mintidnimada daacadnimada iyo hogaaminta Cadigia Cali,
waxeyna jaaliyadda ka codsadeen iney u hagar baxaan una
duubtaan sidii Cadigia loo dooran laha loona geyn Golaha
deeganka.
Waxaa xafladda xiriirinayay Fatuma Ali
Nekruuma, fanaanadda caanka ah oo markasta ka dhex muuqata
goobaha Soomalida iyadoo marna dadka baraarujineysa marka
kalena si qurux badan oo yiddidilo badan u madaadaalineyso
kazoo qeybgalayaasha.


