Home Contact us Videos Audio Country Profile Presidential Profiles Sports Religious Pages


Sooyaalka  Sanadkii Tegay Sadex Baa Laga Xasuustaa Sardhada Shariif, Sahwiga  Aways iyo Surgooyada Shabaab

 


Waa Qalinkii iyo Hall Abuurkii - Cabdiraxiin Hilowle Galayr - Abdirihiin1@hotmail.com


 

OPINION / FIKRAD

February 19, 2010 (QOL) Waxaa  aduunka sanad waliba reebaa sooyaal ama sawrac taariikheed oo uu kaga duwan yahay sanadihii kale  iyada oo aanu sanadku lahayn sababta diintuna noo sheegtay in allaha awooda leh sanadka leeyahay siduu doonana sanadka ka dhigo balse waxaan  ugu magacdarnaa

Sooyaalkii iyo sababtii sanadka  maadama magaca ama xiliga uu yahay sanadka.

 

Hadaba sanadkii tegay ee 2009  waxaa dadku xasuustaan dhacdooyin badan oo ay ka mid ahaayeen siyaasadii xiinka waalnayd iyo soo dhawayntii dowlada shariif iyo saadaashii nabada iyo saxansaxadii qaran oo mar keliya si kale isu bedeshay .

 

Waxaa inta badan dadku hadal hayn jireen 1991 ilaa 1993 oo dagaalo badan oo kala nooca dalka soomaaliya ka dhaceen kuwaaso wajiyo jabhadeed iyo wajiyo qabiilba lahaa balse

Waxaa ka xanuun batay sanadihiin  ka danbeeyay ee 2006 ilaa 2009 oo ahaa sanadihii

Ugu dhibaatada badnaa dadka iyo dalka .

 

Markii laysu dilayay qabiilka intaad qabiilkaaga dhex joogto waxaad helaysay nabad

Markii laysu dilayay jabhad iyo dowladna hadba kaad la joogta waad ka amaan helaysay

Balse markii ay timid in cadow dibada ka yimid ama itoobiyaan ha noqdo ama yugaandhiis ama  carab iyo muhaajiriin kuwa la baxay ee danbilayaasha ka ah dalalkoodii.

 

Waxaa  dhamaan ama gebi ahaan burburay badi gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya oo ay colaada iyo dagaalada diimeed ku baaheen  waxaa suulay nabadii oo aan weliba lahayn xal ama rajo dhaw oo la saadaalin karo inkastoo ay xuntahay quustu.

 

Hadaba aan u soo noqdo dulucda iyo ujeedada qoraalkayga oo u dhacaysaa sadexdaa

Maanlaawe ee maanta dalka ku hirdamayaa xaqiiqiyan  aduunka waxaa ka dhacay dagaalo

Lagu hoobtay oo waliba cir iyo dhul laysu adeegsanayay balse dhulbalaadhsi iyo dhaqaalo badsi iyo awood sheegasho iyo martabado kala duwan ayaa loo dagaalamayay waxayna lahaayeen guulo laga gaadhay iyo waqti uu bilowday iyo waqti uu dhamaaday.

 

Hadaba  inaga  keenu waa mid ka duwan oo aan lahayn dhamaad iyo ujeedo ama guul laga gaadhi karo aan hayn in umada iyo maatada iyo shacabka la dabar jaro.

 

Miisaanka siyaasada hadaan usoo galno anigu mayhi siyaasi balse  soomaalidaa ku maahmaahda sadar muuqdaa su,aal ka dhan oo maanta arimaha soomaaliya yaalaa waa tii xiligii casri jaahiligii anigaa kaa xoog wayn iyo anigaa kaa xoog wayn iyo is xulufaysigii.

 

Mararka qaar markaad dheehato taariikhdii unduluz waxaa kuu soo baxaysaa bidhaan halka maanta soomaaliya marayso oo ah mid la suulinayo jiritaanka umadeed ee dhaqan dhaqaale iyo diinteeda iyo caqiidadeeda iyo dhamaan assaaarta ama raadraaca umada soomaaliyeed.

 

Aan dib ugu noqdo erayadii ama halku dhigyadii iyo balanqaadyadii iyo arimihii sanadkii tegay a ay yidhaahdeen kooxaaha mucaaradka ah iyo DKM .

 

Waxuu yidhi shariifku waxaan umada ku dhaqayaa cadaalad sinaan iyo shareecada islaamka

Balse waxuu ku dhaqay aamusnaan uu ka aamuso  dhibka lagu hayo  arxandaro uu awood u yeelan waayo inuu ka joojiyo madaafiicda iyo ciidamada yugandha iyo burundi ku garaacayaan iyaga oo aan dowlad iyo mucaarad iyo shacab midba u aabe yeelayn iyo kuwa soomaalida ah ee  tuugada ah  iyo  axdiqarameedka oo iminka aan cidna lagala xishoon  halkudhigyada ah , too ay meel walba la taagan yihiin  buugii cabdilaahi yuusuf uu u qoray males sanaawi  XBT ._257/28 qodobka ah waxuu dhigayaa in la samayn karo xaafado mid waliba madaxweyne leedahay qabiilka xaafadu ugu badan ka dhashay. Cajiib waa dhaxalkii dowladii midnimada qaran iyo jamhuuriyada islaamiga ah ee soomaaliya magacyom wacnaydaa !!!

 

Waxuu yidhi xasan  daahir sahan ayaa inoo maqan oo yaan reerka la furin waxuu ku furay guri kutaan, xajiin , qaniin, dulin , gafane iyo shilin ka buuxdo shacabkii yidiidilada iyo dowladnimada iyo heshiiska wadada sugaya iyo inay maalin uun nastaan  waxuu ka raray guryahoodii ay mar labaad soo hawaysteen markii cadoowgii amxaarku ka baxay inay yagleeshaan markay carareen ee ay banaanka u qaxeen meeshay nafta bideen  waxuuna kaga daba tegay halkay ku noolaayeen isaga oo ilaa hada la daba taagan hadimo iyo hagardaamo iyo dhibaato aan kala go, lahayn waxuu sheegay inuu yahay kaluuun dadka shacabka ah baddii iyo biyihii aanuna weligiis lugta kala baxayn ilaa biyuhu ay banaanka iska soo dhigaan.

Waxuu ku caanbaxay  nin jecel kursi balse nasiibku u diiday waxuuna balan ku qaaday

In riyadii cabdulaahi yuusuf yeeyba ay rumoowday isagana ay u rumoobi doonto balse isaga iyo shariifbaa waxaa  seejiyay talada oo u diiday waxay jeclaayeen tiinkii ay shalay beereen waa alshabaab.

 

Shabaabka iyo halku dhigyadoodii , waxay diinta islaamka ah oo dhan ka soo qaateen hal qodob oo ah jihaad , waxay umada islaamka ah ka dhigeen gaalo waxayna soomaaliya ku beereen dhaqamo aan weligood ka dhicin sida is qarxinta is gaalaysiinta,  diinta oo laga been sheego  dumarka oo xoog lagu guursado danbiilayaasha ama nimanka aduunka oodhan wantedka ah oo lagu tilmaamo walaalo islaam ah oo xaqa ku taagan iyo islaamka iyo waalidka iyo walaalka iyo waxgaradka iyo culumada iyo dhamaan qaybaha bulshada oo gaalo lagu xukumo iyo rido oo nimaan qaadi ahayn fatwoon karin iska xukumo surkana ka gooyo

Waxay  doorsheen diintii waxay dumiyeen dalkii wax dulmiyeen dadkii waxayna dab ku shideen dabarsame calankii soomaaliyeed.

 

Hadaba sanadkan cusub maxaan sugaynaa ilaahay waa sareeye isagaa awooda iska leh

Samaan iyo nabad iyo sinaana inooma waayin ee soomaali ayaa siloon oo marinka seegtaye

Siyaasadeena maka saarnaa  qabiil iyo 4.5 maka saarnaa kanaa saxan oo waxbuu I siiyay

Maka saarnaa si kale kuma diidin ee waa sayncadaale oo sumad reer kale ayuu wataa.

 

Waxaan ku soo afjarayaa sooyaalka sanadkii hore  dhawr sadar oo maanso ah .

 

Indhawaydba suugaan

Sadarada murtida iyo

Seeraheeda maansada

Iyo soohdinteed nacay

Markii ay sakalantee

Si xun loo sibaaqee

Sawracay lahaydiyo

Soofkeedii laga raray

 

Saakay naftaydii  

Salowga iyo qaylada

Subaxnimo la toostee

Soomaaliyeey maqal

 

Sooyaalka waayaha

Suldaankii shariifee

Taajka aynu sudhanay

Sinaan iyo cadliyo nabad

Samaan iyo wanaagiyo

Saxnaan lagu tilmaamiyo

Saami dowladnima iyo

Sifihii shareecada

Sadexdaa midkeebaad

Soomaalay ka haysaan

Inuu samada duuloo

Hadba saylad joogoo

Sacab loo garaacoo

Sawaabyada yugaandhiyo

Suuluuga burundina

Soomaali madhiyaan

Sawaariij gantaala ah

Sun ku buufiyaanoo

Ka sareegan waayoo

Sifuhuu lahaa iyo

Umadyahay samaantii

Sidii hore ma haysaan

Mise zero weeyaan?

 

Sahankii awaysee

Subixii fagaaraha

Sacabka aynu tumaynee

Soo dhawoow lahaynee

Sadaashii waagiii

Inuu suuqyadii xidho

Sabanka iyo kaaraha

Sawaariikhda dilaantiyo

Suuga iyo boobaha

Siikaawa mooyee

Sifo diin ku taaliyo

Sadaradii kitaabkiyo

Saymo wada barwaaqa ah

Saac iyo ugbaad leh

Saaka miyaad ku haysan

Silic iyo xanuuniyo

Sintoo ciida qabanliyo

Saxariir xun mooyee

Sahankii dhabta ahaa

Soomaalay ma haysaan

Mise zerro weeyaan.?

 

Kuwa sulubka haysteee

Isa sudha bombada ee

Surkiyo madaxa duubtee

Sibyaantii afduubee

Sakaraad ku ridayee

Susaydhka wada dhigay

Umulaha sadqeeyee

Salaadiinta gowracay

Ee samaha necebee

Xumuhuu sameeyee

Soohdintii islaamkiyo

Saymihii talaabee

Surka gooya maatada

Sifo aan ku raacnoo

Sax weeyaan nidhaahno

Soomaalaay ma haysaan

Mise zerro weeyaan.?

 

Waxaan ku soo afjarayaa maqaalkayga siyaasada soomaaliya weliba bartmaha iyo koonfurta

Malaha miyaa  sahan ama saadaal aan dagaal iyo suluf iyo sirgac wadan?

Mise waa samanul aakhiroow waxay sugnaaba waa buunkii samada la yeeran lahaa

Soomaaliyeey ilaahay u noqda ogaadana waxaydaan is yeelin inaan aduunka iyo umad kale toona na yeeli karin.

 

Wabilaahi tawfiiq

 

Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com


 


Adaabxumada waa mamnuuc.

Sharciyada:

1- Haqorin ra'yi xun.

2- Ra'yigaada ha kucelcelin.

3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.

4- Xushee dadka kale.

Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line


who's online