February 22, 2010 - QOL -
Waxaa dhici doona bisha soo socota ee NOVEEMBAR (November), 2010 doorashada Maamulka Dowlada Hoose ee
Toronto
waxaa la doorandoona duqa magaalada ama maayorka (Mayor)iyo xubnaha Golaha ama guddiga degaanka (Councillors). Dowlada Hoose waxay maamushaa arrimha Qashin Aruurinta, Gaadiidka Dad Waynaha, Biyaha iyo iwm.. Hadaba waxaa muhiim ah in dadkeena ay u diyaar garoobaan kana qayb galaan doorashadaa soo socota.
Doorashada Dowlada hoose ee sanadkaan dhici doonto waa mid muhiim ah sababto waxaa ka qayb galaysa gabar Soomaaliyeed oo runtii qayb xoog leh ka soo qaadatay horumarinta iyo wanaaga ummadda Soomaliyeed ee deggan
Canada
,
Ontario
gaar ahaan
Toronto
. Waa Drs. Cadigia Mohamed Ali oo hadda u shaqeysaa Wasaarada Arrimaha Bulshada (Ministry of Community Social Services).
Sanadkaan Noveembar, 2010 waxay Drs. Cadigia u sharahan tahay jagada xubin guddiga degaanka ( Councillor) Xaafadda 2 (Ward 2). Hadaba waxaana nalooga bahan yahay haddii aan nahay ummadda Soomaaliyeed ee
Toronto
ku nool in qayb xoog leh aan ka qaadanno sidii aan u dooran lahayn walaasheen Drs. Cadigia Mohamed Ali. Soomaalida Toronto ku nool aad iyo aad ayay u tiro badan tahay laakiin waxaa nasiib darro ah in awoodooda ayna muuqan sabab kasta ha noqoto.
Soomaalidana waxay tiraahdaa AAma meesha aad joogto ka muuqo ama ka maqnaaw@. Dadkana waxaa ugu liita marka qofka uu ka seexdo wax uu wax ka qaban karo ama uu soo baraaruga ka dib markii ay wax dhaceen. Waxaana wanaagsan dantana ay ku jirtaa in dadkeena ay ka qayb gataaan doorashooyinka iyo guud ahaan in ay la socdaan siyaasada ka socata wadankaan. Waxaa kale oo wanaagsan in la fahmo in siyaasiyiinta ay dagaystaan, kana baqaan oo
kaliya marka ummad ama bulsho ay cod leedahay waxaana tusaale noqon kara bulshada Talyaaniga iyo Yahuuda iyo kuwo kale. Waxaase nasiib daro ah in dad badan oo Soomali ah oo sharci leh ayna ka qayb qaadan doorashada wadankaan amaba aynaba la socon in doorasho ay jirta iyo in kale.
Waxaa hubaal ah haddii Soomaalida deggan Kanada gaar ahaan Toronto ay wax dooran lahaayeen aad bay wax ugu badali lahaayeen siyaasada wadankaan. Soomaalida waa xoog ama cod aan muuqan. Haddii dadkeena ay wax dooran lahaayeen aad iyo aad ayaa looga baqi lahaa waan la dhagaysan lahaa.
Waxaa muhiim ah in aan doorano walaasheen Drs. Cadigia Mohamed Ali sababto ah 1). Marka Dr. Cadigia ay ka dhex muuqato Golaha deganka
Toronto
waxay sharaf u tahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan meel kasta ay joogto. 2). Waxay noqonaysaa Drs. Cadigia gabadhii ugu horaysay ee Afrikaan ah (African) ee laga soo doortayWaqooyiga Amerika (
North America
). 3). Waxay horseed (Role model )u noqonaysaa caruurteena ku dhalatay wadanakaan.
Hadaba doorashadaan ma aha oo kaliya in wax la doorto. Doorashadaan waxa kale oo loo micnayn karaa awooda bulsho kasta ay leedahay. Ka soo qaad bulshada talyaaniga iyo Yahuuda waxay doorashada ugu qayb galan si xoog leh taas ayaana ka dhiqtay bulsho la tixgaliyo. Soomalida maxaa u diiday in ay qayb gasho doorasha. Tan kale ee muhiimka ah in la ogaado, markasta ay doorasho dhacaysaba waxaa dib loo fiiriyaa bulsho kasta inta ugu qayb gashay doorashadaas taas ayaana lagu ogaadaa inta bulsho kasta ugu qayb gashay. Waxaa muhiim in qofkasta uu wax doorto sababto ah marka tirakoobka lagu sameeyo dadkii ka qayb galay doorashada ayna yaraato dadka Soomaaliyeed ee liiska doorasha ku jiro tixgelin ka ma helayaan siyaasiyiinta sababto ah waxay ogyihiin in Soomaalida ayna wax dooran.
Haddii qofka usaan kala aqoonin kuwa la dooranaayo waxaa wanaagsan in uu akhbaar raadiyo uuna doorta kun dhibaatada uu bulshada u gaysanaayo ay yartay..
MARKA WAA MUHIIM IN AAN DOORASHOOYINKA KA QAYB GALNO OO AAN DOORONO DRS. KHADIJA MOHAMED ALI. HORE U SOO QAADO AQOONSIGAAGA OO DOORO WALAASHEEN DRS.CADIGIA
Wixii faahfaahin ah
Dr. Abubakar Moallim