|
January 23, 2010 (QOL)
Hordhaca
dhaqaale ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid uu la
wadaago Waddamada soo koraya ama loo yaqaan Dunida
seddexaad ,hase ahaatee Dalkeenna waxaa u weheliya
Dagaallo aan joogsi lahayn oo sokeeye oo hadba weji
cusub isu bedelaya taasina ay abuurtay in wax soo
saarkii Dalka uu wiiqmo waxyaabihii Dibadaha laga
keenayeyna ay noqdaan kuwa la quuto kuwii Dalka ka bixi
lahaana la waayo Nabadgelyo la'aan darteed kheyraadkii
berrigga iyo Badaha Dalka oo dhami laga cararo taasina
ay keento in dhaqaalihii Dalka uu ku xirmo wax Dibadda
laga keenayo iyadoo Soomaaliya ay leedahay Laba Webi oo
inta badan Sanadkii oo dhami ay biyuhu socdaan marka
laga reebo Xilligga Jiilaalka loo yaqaan ee kulaylaha ah
, waxaase Shacabka Soomaaliyeed ay isku badbaadiyeen
inay is xusuustaan isuna arxamaan kuwa Dibadaha jira u
soo gargaaraan kuwa kale ee Dalka ku nool
Haddaba, Qorshaha
DFKMG ahi ee Soomaaliya ee ku aadan samaynta Lacagta cusubi ma
yahay mid waafaqsan Sharciga iyo Axdigii ku meel gaarka ahaa
ee Dib u heshiisiinta Dalka Soomaaliya? Su'aashani runtii qof
waliba wuu garanaya hase ahaatee "Soomaali Dhuuni ayey la Degi
weyday "kuwii Badaha iyo Xudduudaha Dalka Iibsaday ay waxay
weli ka samri la'yihiin inay sii burburiyaan Dowladan
Soomaaliyeed ee sida lagu soo dhisay Ilaahay ogyahay iyo
dhibaatada lala maray Gumeysigii Itoobiya oo Dib looga
Xoreeyey , waxaa marna aan laga maarmayn in tallaabo waliba oo
ku saabsan arimha Sharciga iyo Nabadgelyada Dalka in la
horgeeyo Baarlamaanka FKMG ee Dalka ka dhisan maadaama ay
Dowladdu tahay Dowlad KMG ah laguna soo dhisan Dib u
Heshiisiin , Xeer waliba oo uu Baarlamaanka uu awoodeeda
leeyahay haddii aan la horgeyn wuxuu noqonayaa mid been abuur
ah .
Dhaqaalaha Dalka
Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid ku xiran Dibadaha tan iyo
intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Dalka Soomaaliya Dadka ku
nool Dalka gudihiisa ayaa waxay u badan yihiin Waayeel, Dumar
iyo Carruur ah kuwaa oo qaar ay yihiin (Agoon, Rajo,Curyaan
aan socon karrin) muddooyinkaasi aan kor ku soo sheegnay waxaa
ay helayeen kaalmo uga imaanaysay Dibada Dalka haddii aysan
jirina Xawaaladaha Soomaaliyeed Ummad fara badan ayaa u la'an
lahaa gaajo, Cudur iyo Dhaqaalo darri oyo Hoyla'aan , laakiin
waxay Xawaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin in lagu Ammaano
Shaqada Sharfta leh ee ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed
Ilaahay xagiisana u Shaqaystay ajar fara badan iyo khayr.
Baarlamaanka FKMG
ahi maxaa kala gudboon samaynta Bangiga iyo Lacagta cusub ?,Shacaka
Soomaaliyeed waxay mar walba kalsooni weyni ay ku qabaan
Baarlamaanka intii uu jirayna wuxuu qabtay taariikhda ayaa
xusi doonta go'aankii Xuduudaha Xeebaha ee Dalka Soomaaliya ay
kaga gaareen, Magacaabidii R/Wasaare Mudane Cumar C/rashiid
Cali Sharmarke , iyo Dowladiisa Ummadda Soomaaliyeed waxay
idinka sugayaan tallaabooyinka idinkaaga aadan ee Sharciga
waafaqsan inaad ka qaadaan samaynta Bangiga iyo lacagaha cusub
ee la doonayo in lagu burburiyo Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya oo
muddo 20-Sanadood ah ku jiray xaalad aan degenayn iyo
nabadgelyo la'aan baahsan, Dalku lacag wuu u baahan yahay qof
waliba wuu ogyahay laakiin sida ay Dowladdu doonayso ma aha
waa in la helaa Qorshe Sax ah oo aan Shacabka lagu dhacayn
Baarlamaanku waa inuu eegaa.
Qorshaha mustaqbalku
wuxuu noqon karaa Dhaqaalaha Dalka mid aad uu burbur ku
dhacay haddii ay Lacagtani noqota mid aan Sharciga la waafajin
,Sababtoo ah Soomaaliya qof waliba wuu garanayaa maallintii ay
Dowladii dhexe burburtay wax lacag ah Waddanka laguma arag
tusaale intaa ayaa kuugu filan , maanta oo ay Dowladdu tahay
KMG xaalladu siday bay noqon kartaa iyadoo weliba la ogyahay
Deeqihii Dalka ay bixiyeen Hay'adaha Deeqaha bixiyaa la
ogyahay meeshii ay mareen inaan loo adeegsan waddooyinkii
loogu tala galay ee Saxda ahayd jeebabka lagu shubtay laguna
furtay Hay'ado iyo Hoteelo lagu macaasho iyo qorshooyin kale
ee Dhaqaale.
Gababgabadii iyo
Faalladani ku aadan Aragtida Dhaqaale ee Dalka Soomaaliya iyo
Qorshaha Mustaqbalka ayaa waxaa inooga soo ifbixi kara inay ku
xiran tahay awoodda Baarlamaanka uu u adeegsado qorshahaani
Lacagta cusub iyo Bangiga ee ay Dowladda FKMG ay doonayso
inay Dalka ka hergeliso , waxaa kaloo uu walaac ku abuuri
karaa Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya oo hadda ku socda waddo
wanaagsan oo ay Shacabka Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah iyo
kuwa Dalka ama Xeryaha Qaxootiyada ku jiraa ay oo leh Xiriir
Sahlan oo dhaqaale oo ay Shacbkuna ay ku wada faraxsan yihiin
ha ahaadeen Ganacsato yar yar, Qurba joog ama Qaxooti joog ,
waxaan sugnaaba Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed oo isku
duuban oo u taagan inay Badbaadiyaan Dhaqaalaha Dalka oo la
doonayo in la burburiyo .
|