|
OPINION / FIKRAD
January 08, 2010 (QOL)
Somaliland qaabka ay
ilaa 1991-2010 ay Saddex Madaxweyne sifo sharciya isu beddeleen,
waa arrin muujin karta qaab dhaqan oo dimuqraadiyadeed oo ka jira
Somaliland. Ilaa maanta Somaliland, waxay tahay meel ka nidaam
wanaagsan dalal badan oo haysta aqoonsi caalamiya,marka aynu eegno
dhinaca kale iyo Siyaasadda Somaliland ee ku jaan go’an
duruufaha dimuqraadiga ah. Haddii ay dunidu dhiirigelinayso
Dimuqraadiyada Maamul, waxay ahayd in Caalamku aqoonsado
Somaliland, si loo dhiirigeliyo in dimuqraadiyadu ay ka hirgasho
Afrika iyo dalalka kale ee dunida saddexaad kuwaas oo ay ka jiraan
dagaalo u badan kuwo ka bilaabmay siyaasad xumo iyo doorashooyin
lagu guul daraystay in loo qabto ama loo maamulo qaab xor iyo
xalaal ah.
Dhinaca kale
Rabitaanka dawladnimada ee dadka reer Somaliland ayaa u muuqda
ilaa maanta tiirka ugu adag ee lugaha u taagaya maamulka
dawladnimo ee ka jira Somaliland,dimuqraadiyadu waa hab ay
dunidu qaadatay in qaab dimuqraadiya loo doorto Maamulka
ummadda hogaaminaya, waa qaab wanaagsan oo ay tijaabiyeen
dalalka ku dhaqmay. Laakiin, sidii si dhaba uu uga hirgeli
lahaa dalalka soo koraya ee Somaliland ka mid tahay, waa mid
weli su’aalo badan la iska weydiiyo.
Sida ay
dimuqraadiyad dhammaystiran uga hirgeli karto Somaliland waa
hiigsi iyo bartilmaameed ay dadka reer Somaliland ku doonayaan
in hogaanka ummada ee guud iyo xataa maamulada ka hooseeyaaba
ay noqdaan kuwo si cad oo xalaal ku yimi xukunka iyo majaraha
ay qaranka u hayaan.
Shaqsi kasta oo ka
soo jeeda Somaliland wuxuu si weyn ula socdaa xaaladaha iyo
isbedelada dalkiisa curdinka ahi uu dhex muquuran doono sanada
cusub ee 2010-ka, waxaana dad badan u muuqda walaac iyo we wer
kaga soo fooleh Somaliland wadiiqada ay hayso ee
doorashooyinka aan la sadaalin Karin waxa kaga iman doono,
doorashooyinka loo durbaan tumanayo iyada oo aanay dad badan
u muuqan bad weynta cabsidaleh ee ku gedaaman Somaliland, isla
markaana aynu maanka ku hayno in geeska Africa oo Somaliland
ku taallo uu yahay meelaha ugu cabsida badan dunida, Waa
qaraxyo, waa dilal qorshaysan,waa afduub,waa ururo shaadh
diimeed xidhan oo aan waxba reebayn, waa siyaasado murugsan oo
midba mid mida kale lidi ku tahay, kuwaas oo marka koowaad
isku wada raacsan isku mawqifna ka ah in Somaliland cagta la
mariyo,
Doorashooyinka
Somaliland ayaa qof kasta oo garaad-leh tusaya in yihiin bam
ku qarxi kara dalka.
Somaliland kuma
lumin karno doorasho ku sheeg iyo muran madhalays ah, hadii
dalkan cidi doorasho ku ictiraafayso sida ay ku doodaan kuwo
badan oo kamid hogaamiyeyaashu, waxaanu waydiinaynaa maxaa
loogu aqoonsan waayay saddexdii doorasho ee dalkan hore uga
qabsoomay? Ma markii Somaliland dumi wayday-baa mid afraad
lagu xidhayaa?
Waxa muuqata in
dalka aanu ka muuqan jawi suurta galinaya in doorasho xor iyo
xalaal ahi ka qabsoonto wakhtigan . sidaa darteed shacabka
Somaliland waxaa la gudboon in ay kala doortaan doorsho
khatarteeda leh oo ay galaan iyo in ay raadiyaan xal kale oo
Somaliland lagaga bad baadin karo turun turooyinka iyo
boholaha cadawgu u maleegayo wakhti kasta
Waxaan Tallo ugu soo
jeedinayaa Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee dalka ka
jira in idinka oo Eegaya khataraha gobolka ka jira wakhtigan
iyo cadawga badan ee aynu leenahay in inta aynu gaadhayno
wakhti ku haboon doorasho xor iyo xalaal ah oo si qurux badan
inoogu qabsoonta,waxaa haboon in aad wadaag-taan talada
dalka Mar hadii aad tihiin saddexdii xisbi siyaasadeed ee uu
qeexayey distoorku oo aad idinku leedihiin awoodda hogaaminta
siyaasadeed ee dalka, saddexdiina xisbi ayuun baana leh xilka
siyaasadda guud ee dalka, sidaa darteed hadii ay duruuftu
keento in la kordhiyo waqtigii ay dhici lahayd doorashada
madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, isla markaana uu xukuumadda
waqtigeedii distooriga ahaa dhamaaday ,go’aan-kii Guurtiduna
uu muujinayo in aan lagu wada qanacsanayn loona baahan yahay
doorasho lagu wada qanci karo, waxa lagama maarmaan ah inaad
saddexdiina hogaamiye xisbi-qaran aad wada dhistaan xukuumad
wadaag ah oo si wada jir ah u maamusha talada dalka ilaa mudo
dambe oo inoo saamaxaysa doorasho si nabad iyo dimuqraadi
ah inoogu dhacda..
Somaliland Guul
Mohamed Abdi jama
Hargeisa/Somaliland
E-mail: mabdi1@hotmail.com
|