-
Home Contact us Videos Audio Country Profile Presidential Profiles Sports Religious Pages


Maxad ka taqaanaa Kulliyadaha ay bixiso Jaamacadda KLIUC ee dalka Malaysia + Sawiro


By: Xasan Cadde - Isha dhacdooyinka caalamka - Laacib143@hotmail.com


January 04, 2010 (QOL) Jaamacadda KLIUC, waxay ahayd xarunta tababarka howlaha guud ee dalka Malaysia, taasoo ay maamuli jirtay wakaalada howlaha guud ee dalkaasi ilaa 1997. Sanadkii 1997 ayaa waxaa laga dhigay (College) Koleej khaas ah oo ka madax bannaan wakaalada howlaha guud iyadoo sanadkii 2001-dii la-siiyay aqoonsi jaamacadeed.

Xilliyadaas wixi ka danbeyey dad badan ayaa waxay indhaha ku hayeen jaamacadaan iyagoo u aqoonsaday in’ay tahay mid wax tar leh. Waxaa xusid mudan dhamaan bilicda ay maanta leedahay dalka Malaysia, qaas ahaan quruxda laamiyada waaweyn ee isdul saaran ayaa waxaa dhisay Arday kasoo qalin jabisay jaamacadda KLIUC.

KLIUC waxay bixisaa waxbarasho u badan dhismaha iyo handasada. Kuliyadaha ay bixiso ayaa waxaa kamid ah kulliyada handasada iyo dhismaha. Kuliyada handasada (injineerinimada) ayaa ah mid ka kooban dhamaan qaybaha injineernimada. Kuliyada tiknoolajiyada iyo macluumaadka, kuliyada dhismaha ganacsiga, kuliyada isgaarsiinta, kuliyada luqadaha, kuliyada sayniska, kuliyada dhismaha iyo bay’ada iyo kuliyado kale. Jaamacada waxay kale oo ay bixisaa waxbarashada mastarka ee ganacsiga iyo injineernimada.

Qarashka lagu dhigto jaamacadda ayaa inyar ka yara qaalisan qarashaadka kale ee lagu dhigto jaamacadaha qaar ee ka jira dalkaan Malaysia maxaa yeelay Jaamacadda waa mid Private ah.

Hadaba waxa ii suurta gashay in’aan la kulmo mid kamid ah Ardayda Soomaaliyadeed ee jaamacadaan ka diyaariso MASTER OF BUSINESS ADMINISTRATION (MBA). Kaasoo lagu magacaabo Axmed Ciise Xaaji Axmed. Ugu horeyn waxan wax ka weydiiyey bal inuu wax inooga sheego Tirada Ardayda Soomaaliyadeed ee jaamacadda dhigato, wuxuuse i sheegay in’ay dhigtaan ilaa 30 Arday oo Soomaali ah.

Sidoo kale waxaan wax ka weydiiyey qofkii doonaayo jaamacadaan in uu ku soo biro qaabka ugu sahlan ee uu ku heli karo, hase yeeshee wuxuu i sheegay in ardayga laga doonaayo 4 sharuudood sida, Basaboorka oo copy, Shahaadada dugsiga sare oo copy ah, 4 xabo oo sawiro ah iyo in uu luqada English-ka ku fiican yahay waayo buu-yiri jaamacadda waxaa luga bartaa luqada English-ka.

Wuxuu kaloo intaasi ku daray ardayga haduusan sifiican u aqoonin luqada English-ka, jaamacadda waxay fursad u siin kartaa Ardayga in’ay ka dhisto luqada English-ka, iyadoo dhawr bilood oo kaliya ku dhiso karto.

Si kastaba ha’ahaatee jaamacadaan waxay Ardayda qaadataa sanadkii seddex jeer, sida bisha Maarso, Bishi Luulyo iyo Bisha November, inkastoo xilli walbo la-xareyn karo.

Iskusoo wada-duuboo Ardayda Ajaaniibta ah ee Jaamacadaan waxbarashada u joogta ayaa waxay ka kala yimaadeen sida, Somalia, Jabuuti, Tanzania, Sudan,Uganda, Chad, South Africa, Nageria, Mali, Masar, Libya, Yemen, Saudi Arabia, Kuwait, Falastin, Iraq, Iran, Pakistan, India, China, Thailand, Indonesia, Nepal, Bangladesh, Brunei, Combodia, Rassia iyo Beilgium. haddii aad dooneysid faah faahin intaas dheer fadlan kala xiriir aqoon114@hotmail.com ama aqoon114@live.com

 


Adaabxumada waa mamnuuc.

Sharciyada:

1- Haqorin ra'yi xun.

2- Ra'yigaada ha kucelcelin.

3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.

4- Xushee dadka kale.

Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line


who's online