Home Contact us Videos Audio Country Profile Presidential Profiles Sports Religious Pages


MIDGAHAA KA MUDAN INTII MAGAC NASABNIMO KU MARMARSOON JIRTAY

 


Qalinkii: Muxyadiin X Ciid - alcarab1@yahoo.co.uk


OPINION / FIKRAD

January 02, 2010 (QOL) Ereygan Midgaan ayaa ah mid soomaaliyi intii mudo ah dad gaar ah isticmaali jirtay, tanoo dhaxalsiisay dadkii loo qoondeeyay magacan in umadii soomaaliyeed ee kale laga sinji sooco iyadoo wax walba oo xuna la caadeystay in dhabarka loo saaro dadkan, waxa la bilaabay in dadkii soomaaliyeedi meel walba oo ay joogaanba ay iska dhadhacsheen in dadku yahay Sab iyo Soomaali, tanoo dad badan markan lasoo galinayo xayndaabkan Sabta, sida muuqatana uba egtahay in xitaa Soomaalinimadii dadkan lagala bakheylayo, walow dhankoodana ay isticmaaleen erey ay ayaguna ula baxeen wixii aan xayndaabkooda ku jirin, kaasoo ah AJI.

 

Masaladan Midgaanimada iyo waxa ay salka ku hayso asalkeedii hore ayaan jeclahay in mowduuceygan maanta aan si tafaftiran ugu faaqido, si aan u daahfuro in sheeko baraley hore, dad aan kala sareyn, wada dhashayna isku kala takooraan, iyadoo laleeyahay labo walaalo ah midna waa midgaan, ka kalena waa nasab,  tanina na tuseyso maangaabnimada umadan Soomaaliyeed.

 

U soo laabo aragtida kow lagu salgooyo midgaanimada, oo ah tan sheekada oranaysa waa waxa jiray labo walaalo, labada walaalaha ah ayaa waxa soo foodsaarey gaajo aad u daran, iyagoo waayay wax ay afka gashaan, dabadeedna helay bakhti, iyagoo bakhtigii nafta kula tacaalay, markii nafi kusoo laabatay ayay socod bilaabeen, iyagoo helay dad marti soora, mid ayaa is matajiyay, markii soor loo keenay, halka kii kalena diiday in uu is matajiyo, tanoo deeto la yiri, maadaama uusan iska matajin bakhtigii kani waa midgaan.

 

Kaba dhig in sharaftii iyo xurmadii dadkani Soomaalida walaalaha ay ahaayeen ku lahaayeen ku waayeen bakhtigan uu diiday ninka loogu abtirinayo in uu iska matajiyo, sidoo kalena aan ku sifeyno in bakhtiga oo lacuno ay midgaanimadaba horseed u tahay.

 

Hadaba su’aashu waxa ay noqonaysaa Waa ogtahay, ama waan wada ognahay, in Qabaa’ilkii shalay Gobanimada sheegan jiray, maanta horseed u yihiin wax walba oo xun, iskana ilow in Bakhti buusan iska matajin daliil u aheyd Midgaanimada, maxey noqonaysaa Ajigu Bakhtiga iyo xumaha kale ee uu labacanleynayo maanta, isaga oo aan baahiyu u keenin, daliilka uu la imanayo?

 

Maxey tahay Nasabnimada uu ku faanayo ninka calan iyo ciid uu lahaa habeen casho ah dhaafsanaya?

 

Sarkaal Ethiopian ah, ayaa laga soo xigtay isaga oo leh Somalida maanta waxan u naqaanaa ama ugu yeernaa “ANDHI BIIRAA” oo uu ula jeeday (Hal dhalo oo Biir ah), taasoo uu kawaday damiirkooda iyo dadnimadoodu halkaas dhalo oo  khamriga ah ayaa kaa xiga.

 

Hadaba kuwa magacani ku baxayo ma ahan Sabtee la soco, waa kuwa Ajiga nasabnimadu qoorta ugu xirnayd ku faani jiray.

 

Ku dhawaad labaatan sano, dal iyo dadkii Soomaaliyeed waxa ciida afka u gashey damac fool xun, oo beelihii ku hadaaqi jiray “Eebow Hanagumeyni” ku kala bixi waayeen!

 

Yaa Nasab ah? Yaase ku faani kara manta Nasabnimadaas?

 

Waa marqaati ma doonto, in manta Midhibaanku ka nasabsan yahay Soomaali oo dhan, waxaana nasabnimadaas lawadaaga in alla iyo intii xiligan xun ee Somaliyi Labaatanka sano ku dhexjirtay, aan wax hagardaamo ah ula soo bareerin, si dal iyo dadkiisaas daleesha maran yaala uga durdursan.

 

Xiliga xun ayaa la isbartaa, miyaysan aheyn Soomaali mid ay isku baratay xiligan, marka kuwa nasabka ku faani jiray aysanba kala aqoon Xalaasha iyo Xaaraanta, Xaqa iyo Xaqdarada, Samaanta iyo Xumaha.

 

Baqti aan la iska matajin, iyadoo waliba baahiyu kuu geeysay, tanoo laba oran karay waa kuu banaan tahay, ayaa waxa ay aheyd daliilka Midgaanimada loo cuskaday.

 

Maxay noqonaysaa, xumaha iyo fawaaxishta ka daran, Bakhtigii la iska matajin waayay, ee kuwa nasabka sheegan jiray xalaaleysteen?

 

Mase is weydiisay, hadii Bakhti la cunay midgaan la iskugu baxshay, waxa ay noqoneyso in la iskugu baxsho fawaaxishta manta Soomaaliyi la timid?

 

Miyaysan cadeyn in MIDGAANIMADU aysan aheyn wax aan kuba fadhin xumaha lagu tilmamayo, ee waxa ibtilada dhaliyay tahay ceebaha aan hidaha iyo dhaqanka loo laheyn, maantana yaal Daas walba oo kuwii Nasabnimada ku hadaaqi jiray.

 

Caaqil ka mid ah kuwii Madhibaanka ee Gobalada dhexe ku noolaa, ayaa laga soo sheegay in uu u tagay mid ka mid ahaa caaqilada qabaa’ilada kale, asaga oo ku leh “Hebelow hal maalin oo aan Bakhti cunay, ayaan Midgo kunoqonay, Idinkuna maalin walba bakhti ayaad cuntaan, ee waxa aad noqoysaan kawarama”.

 

Ceeb allaha asturo, kama warami karaan,  waayo? Wax midgaanimo ka xun ayaa meesha yaal.

 

Marag ma doonto weeye ceebihii gunnimada ku aslanaa ee ka dhacay magaalooyinka Soomaaliyeed, Muqdishana horyaalka u aheyd, waxa foolxumadaas walwaalayayna waa kuwii Nasabnimada Doodoodu aheyd.

 

Miyaysan aheyn manta in lagu dhawaaqo magacooda ay mudan yihiin, amase si gesinimo leh, loogu sheego in Nasabnimada iyo ficilkoodu is laheyn.

 

Halkaan ka akhriso Maansadii “NASABNIMO MA SHEEGAA”oo isla mowduucaan aan ku daahfurayay

 

Shamsadaa dusheena ah

Shucaacaa ileyskiyo

Shacnigaa ka muuqdaa

Sharci bay ku joogtaa

 

Shimbirahaa ordaaya
Sharqi iyo galbeedka
Badahaa shixnadu mari
Buurahaa shashabaniyo
Dhulka shamac loo dhigay
Cirkaa ku shoolaqan
Shukrigii illaahiyo
Sharci bay ku joogaan

 

Anna oogta aan shidi

Inta xumaha shiishiyo

Ceebaal  Shashabiyaha

Ku shirkoowday waxan jirin

Baalaleey Shuf bay oran

 

Shuuxshuux horeetoo

Dadyow lagu shirqoolana

Shukadii lasaariyo

Shiraac in aan ka feydaa

Sow shacuurtu ima barin

 

Runta shaabad wadatana

Mu’min iyo shariikuba

Ruuxa sheega weheshade

 

Taas waxaa u shaahida

 

Hadii shaleyto oday

Bakhti uu shifeystay

Shiikhsaday baruurtiis            

Sharaftiis ku waayay

 

Kuwa maanta shixirka ah

Sheydaankiyo ibleyska ah

Shabahaaya aadmiga

Ka shiraacday diintoo

Shaqfaduna ka maqan tahay

Miyaadan u sheegteen

Magacii shalay baxay

Midkaloo ka shisha maray

Ajiguna sidii shaal

Lashuxleyn dariiqyada

 

Maxaa sheeko baraleey

Anaa shuunsareetiyo

Anaa shishe u sii ridan

Ama taajka shaaska leh

Ama shiikha duula leh

Ama cudud la sheego leh

Soo xirantay sheekadaas

 

Warkii Aji shushubi jiray

Isku sheegi jiray waa

Gunimaday shareysteen

Saaka  may ka sheexaan

Sow yagaan sidii shini

Ku shamuumay xumihii

 

Warxun sheegoow lagu sheeg

Adiguna is sheegtay

Waayuhuna ku shaaciye

In aad sheyb u tahay xumo

Taas waxaa u shaahida

 

Ninka aan shaqo u kicin

Abidkiisna shaah shuban

Shantu in ay u hoortoo

Shaxaad dooni mooyee

Aan shuqul kale u dhalan

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Ninka shaaricaa u xiray

Shandad in uu ku baartoo

Shuftay xaabe khaate ah

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Innan aan shinkeed galin

Ninka buntukh ku shiishoo

Ku kufsaday garoonshiid

Waalidkeed o shishay iyo

Ka arkaaya sheedana

Illin shagax leh mooyee

Waraabaha shush orankarin

Shaleygaa midkaa dhigay

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Warxun sheegoow lagu sheeg

Adiguna is sheegtay

Waayuhuna ku shaaciye

In aad sheyb u tahay xumo

Taas waxaa u shaahida

 

Ninka shacab walaala ah

Konton shaadh u kala xiray

Cadowgana la showroo

U shirqoola calankiis

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Ninka qaran shilmaaniyo

Shaqshaq uun ku doonoo

Ciidii shubtoo raray

Badahana shisheeyaha

Midba shan u kala qoray

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Ninka shuufay Dowladnimo

Shafeecana ka raadsaday

Dudo shan iyo tobanoo

ayaguba shifeeysnayn

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Warxun sheegoow lagu sheeg

Adiguna is sheegtay

Waayuhuna ku shaaciye

In aad sheyb u tahay xumo

Taas waxaa u shaahida

 

Ninka sheikha ahee

Shubho galiyay aadmiga

Sharkana horseed u ah

Ku shabaaxa ehelkiis

Dhiigana ka shaaruba

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Ninka aan shaqalkiyo

Shibanaha siyaasada

Shanta caynba kala baran

Jaahilkaa shareeran

Shalwiyay danteenii

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Ninka ay shidadu u tahay

Maqsin uu ka shaahoo

Shaqaaqadii timaadana

Beelaha ku kala shida

Odeygaa shidoolka ah

Shafka waxuu u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Warxun sheegoow lagu sheeg

Adiguna is sheegtay

Waayuhuna ku shaaciye

In aad sheyb u tahay xumo

Taas waxaa u shaahida

 

Inta aannan sheelleeyn

Ee camalka shaabaha

Duulkaan sharxaayana

Shafka waxaay u taagoo

Nasabnimo u sheegtaa

Sharuucdeeda maan helin

 

Beenbaa shaqeeynine

Dadoow mays sharbixinaa

Shukaantii illaahiyo

Xaqa maan ku showrnaa

Shaamareer ma tuurnaa

Shareecadu siday tiri

Waxa noogu sharaf badan

Agtiisana shafeec kuleh

Midka eebe shaafiyay

 

Qalinkii: Muxyadiin X Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk

 


Adaabxumada waa mamnuuc.

Sharciyada:

1- Haqorin ra'yi xun.

2- Ra'yigaada ha kucelcelin.

3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.

4- Xushee dadka kale.

Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line


who's online