|
Cabdifitaax
Cali Aadan
|
OPINION / FIKRAD
January 21, 2010 (QOL)
Dadku waa danleey qofba
qaab ayuu ku joogaa wadankan Kenya inkastoo Soomalida
inteeda badan ay guddaha Kenya ku soo bateen
sagaashameeyaddii wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii
dhexe ee dalka Soomaaliya hadana marba marka ka dambeysa
wey soo galayeen iyagoo ka sameystay saldhigyo badan oo
ganacsi,deegaan iyo waxbarasho isugu jira.
Hadaba kadib markii dagaal adag ay isaga horyimaadeen
ciidamaddii maxaakiimta iyo huwanta xabashida /
itoobiyaanka oo xoog kula wareegay inta badan goboladda
dalka Soomaaliya dhamaadkii 2006-dii oo uu ku jiro
Gobolka Banaadir ama caasimadda Muqdisho ayaa waxaa si
xowli ah u socday in dad badan oo ka cararaya dagaaladda
ay sidoo
kale guddaha u soo galaan dalkan Kenya.
Soomaalida
ayaa iyagu loo kala saaraa qeybo hadana
waxaa jira in deegaano balaaran ay ka dagaan dalka gaar ahaan
goboladda waqooyi barri inkastoo aanan anigu u kala saareyn
sababtoo ah dhibaatadda waa mid saameyn kuwada leh guud ahaan
Soomaalida si walboo ay noqoto.
Dhibaatada
Ugubka ah ee la soo gudboonaatay.
Iyadoo
awalba ul booc ah loogu kutubayay Soomaalida iyo ganacsigooda
ayaa hadana waxaa timid arin ku saabsan wadaad u dhashay
Jamaica oo lagu magacaabo Sheikh Abdulla Faisal oo dowladda
Kenya ay ku eedeysay in uu yahay nin dambiile ah sidaa
daraadeedna ay wadankeeda ka musaafurinayso ayaa waxaa soo
baxay in guddi culimo muslimiin ah oo Kenya ka dhisan kuwaasoo
sheegay in aanan la aqbali Karin iyagoo sidoo kalana ku
dhawaaqay in la sameeyo dibadbaxyo lagu diidan yahay in
wadaadkaa la musaafuriyo.
Hadaba
waxaa habeenkii xigay maalintii la sameeyay dibadbaxa soo
galay guddaha xaafadda ay Soomaalida ku badan yihiin ee Islii
Ciidamo hubeysan oo wata gaadiidkii ay dadka ku daabuli
lahaayeen, waxayna u dhaceen qaar badan oo kamida Hoteladda ay
Soomaalida seexato.
Looma
kala soocin marti,
musaafur, mid mas’uul ah, mid muraad leh iyo mid kaloo
deegaan ama ganacsi ku leh meesha oo waa lawada xareeyay intii
gacantooda soo gashay tiiyoo ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin
dowladaa Soomaaliya oo qaab sharci ah ku joogay waana murugo
sidoo kale u soo hoyatay qarankii kol hore jabay ee weli isu
too toosintiisu socoto.
Maaha
kaliya magaaladda caasimadda ah ee Nairobi ee waxaa sidaa oo
kale loo dhacay gobolo badan oo ay Soomaalidu ku nooshahay
oo ay ku jiraan goboladda ay dalkan ka dagaan.
Soomaalida
ma muslimbaa mise waa Soomaali.??
Wadaadku
waa Muslim sida la sheegay, Soomaaliduna waxay kamid yihiin
bulshadda Muslimiinta ah ee ku nool Kenya hadaba maxaa sababay
in iyaga kaligood la bartilmaameedsado, guryaha loogu galo,
wadooyinka loo istaago la qab qabto oo xabsiyadda laga buuxiyo.
Dhibaatadda
qab qabashadda iyo xiridda maaha mid haatan bilaabatay, kol
hore wey qabeen dhibkaas Soomaalida iyadoo lagaco baad ahna
looga qaadi jiray hadase waxay noqotay qaab jamaaci ah oo loo
soo bareeray waxaanse garan waayay waxa Soomaalida ka dhex
saaray Muslim-ka oo dhamaan dareen ay muujiyeen Muslimiinta
madow iyo cadaan leh ee ku nool Kenya iyaga kaligood loogu
bartilmaa-meedsanayo, tiiyoo aysan wax shaqo ah ku laheyn
arimaha soconaya.
Su’aasha
ah Soomaalidu ma muslim baa jawaabteedu waa HAA, Laakiin
iyadoo ay sidaa tahay hadana waa Soomaali waana sababta looga
dhex saaray Muslimka oo kaligood loo ugaarsanayo.
Marka
aan leeyahay waa Soomaali waa dhab in aanu nahay Soomaali, ma
lihin nidaam mideysan, ma lihin madax gaar ah ama jaaliyad aan
ku mideysanahay oo kula xisaabtanta dowladdan aan dariska
nahay misana abaalka aan u galnay iyana noo heysa dhibka ay ka
fiirsasho la’aanta noogu geysatay.
Isbarbaryaac,
Diidmo, qilaaf iyo kala qubnaan waa waxa caadada noo ah ee
nalagu bartay misana nalooga faa’iideystay, waxaan hubbaa
haddii maanta aan lahaan laheyn jaaliyadd leh hal hogaan isu
duba ridan oo shaqeynaysa lehna qaab shaqo wanaagsan iyo
qareeno u dooda in dhibkaan oo dhan uu dhici lahayn.
Waa
tuu allaha u naxariistee Abwaan Yam-yam ka yaabay dhaqanka
Soomaalida iyo xasuus la’aantooda ku aadan dhibkii ku dhacay
iyo kan maanta haysta isagoo mariyay tixdan “WAJI MURUGO
QARISOO MASHAQOOYINKII DHACAY KA MADLUUNSAN MA ARKEE,
MASKAXDIYO AQOONTII MIYAY SOO HILMAAMEEN....MA HURDAAN MA
TOOSAAN MISE MAAL-MIHII TAGAY WAX ABUURAN MAAHEEN.
Haddii
guud ahaan Muslim-ka ku dhaqan Kenya fal uu sameeyay
loogu dhibaateynayo Soomaalida kaliya waa in sidoo kale ay ka
dhiidhiyaan, waa in ay caqligu shaqeeyaa oo la isku tashadaa
maahan in Muslinimo la isugu soo gambado oo fidno la kiciyo
dhibaatadda ka dhalatana ciqaabteeda ay Soomaalidu maraan.
Alshabaab.!!
Owrkacsiga
ama halkudhiga ayaa noqday in Soomaali oo dhan ay yihiin
Alshabaab, Dibadbixii rabshadaha huwnaa ee ka dhacay bartamaha
townka jimcadii tagay waxaa la yiri waxaa isu soo duba riday
oo ka dambeeyay dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee ka dagaalama guddha
Soomaaliya ee Alshabaab.
Anigu
goobjoog baan u ahaa, waxaana filayaa in kudhawaad sedex
sanadood oo xiriir ah aan salaada jimcadda ku oogay masjidka,
Jamia jimco aan safar ku maqnaa ama shaqadda fasax ka ahaa
mooyee, Qudbadii salaada oo socota baan tagay indhahayga waxay
qabteen warfidiyeeno iyo kaamirooyin lala taagan yahay irida
masaajidka laga galo.
Salaadii
kadib ayaa waxaa bilaabatay Takbiir, Allahu Akbar… Takbiir
Allahu Akbar.. waa Markey indhaheygu qabanayeen calanka
ashahaadka ku qoran yahay, sawirka sheekha la musaafuriyay iyo
dhalinyaro u badan u badan madow muslim ah oo qaarkood
cimaamado wajiga ku duubtay oo hareeraha marayay.
Markiiba
waan isaga soo dhaqaaqay, iyadoo rasaas la ridayana aan
maqlayay, maaheen ee sidoo kale jimcaddii ka horeysay ayaa
iyana sidoo kale la sameeyay inkastoo wax rabshado ah aysan
dhicin, wax Soomaali ah oo howshaas faraha kula jirana il ma
saarin marka laga reebo in Soomaalida ay dhaqan u leeyihiin
meelo is istaaga iyo iyagoo isa suga oo wadooyinka ku
sheekeeysta.
Qofkii
la arkaba waa Alshabaab, Laakiin sharuuda waa in uu Soomaali
noqdaa, waan garan waayay waxa hoos ka riixaya, mar baan is
iri hoos baa la iskala socdaa oo Soomaali waa loo
heshiiyay, Kuwana waxaa la yiri calanka madow ruxa, afkana
cimaamad ku duubta oo dhagaxaan tuura.
Haddii
howshu eheed qiiro musliminimo iyo muujin in laga xun yahay
musaafurinta ninkaa maxaa loo boobay ganacsigii Soomaalida
meesha ay ku leheed, Maxaa loo farfiiqay Soomaalida, maxaase
durbadiiba weerar loogu qaaday xaafadda kaliya ee ugu badan oo
ay ka dagan yihiin caasimadda.
Kenya,
Kibaki-gooda iyo KRA-dooda.
Waa
dhab in xushmad darisnimo aan u heyno Kenya iyo abaal ah in
aan dalkeeda ka dhiganay dalkeenii oo kale iyadoo
caasimadooduna aan u camirnay si aan caadi ahayn, Maaha in ay
is moogeysiiyaan abaalka aan ku leenahay sidoo kale.
Madaxweyne Kibaki waa in maskaxda ka shaqeysiiyaa Soomaali
mawada aha Shabaab iyagii ayaa dhibaato dalkooda uga soo
cararay, intii ka hartayna ee ku hal adeegtay in wax sii
bartaan ama dadka gargaaraan waa tii qoorta qaarkood laga wada
gooyay oo qaraxii Shamo ayaa u dambeeyay.
Soomaalidu
intooda badan haatan 20 sanno ayay joogaan halkan, in ay
dhismayaal sameeyaan, ganacsiyo abuuraan horumar iyo isdhexgal
sameeyaan maahane dhib kale mey geysan waxayna marka laga soo
tago dhaqaalaha adag ay wadanka soo geliyeen sidoo kale daqli
culus galiyaan
sanduuqa ama canshuuraadka dowladda ee qaado Kenya
Revenue Authority (KRA).
Waxa
intaa sii dheer in dhamaan hey’adaha Soomaliya ku shaqadda
leh, safaaradaha, xarumaha kale ee aan la xisaabin Karin ay
sababeen in caasimadda Nairobi ay camiranto oo ay isu qabato
howshii caasimadda Muqdisho iyo tii iyada u gaarka aheed.Tirsi
malahan inta guryo ee kiro loogu jiro, inta ganacsi ee lala
wadaago, inta shaqsi ee mushaar la siiyo iyo inta uga soo
xaroota xaafadda Soomaalida kaliya.
.
Gaba-gabo
Haatan
dadkii hoos ka guuxayay iyo Hindi-dii ganacsiga lagu
cariiriyay waa kuwan helay furasaddan, qaabkii warbaahinta wax
badan wey ku qaadi waayeen hadase wey ku qanacsanyihiin
qaabkan loola dhaqmay Soomaalida.
Waxaa
muslimiinta ku dhaqan Kenya gaar ahaan hey’adahan sheegtay
in ku dhawaaqeen in loo banaanbaxo halkan nin looga fadhiyaa
in ay Soomaalida ka maslaxeeyaan magna ka siiyaan dhibaatadda
dhaqaale iyo xarig ee lagula kacay. Walibana la saftaan oo ka
hadlaan arintan.
Waxaan
jira guux hoose oo ay qabaan dadka qaar waana dareen dhab ah
oo xaqiiqo noqon kara iyadoo la sheegay in xarig jiid adag oo
ka dhaxeeyo xubnaha u baratama kuraasta baarlamaanka ee dalkan
Kenya in dhankooda kaga jira ololaha lagu ugaarsanayo
Soomaalida.
Balse
waxaan kula talin lahaa in ay ganacsatadooda,
mas’uuliyiintooda iyo siyaasiyiintooda ka kala tirsan
xukuumadaha Somalia iyo tan Kenya u duubtaan sidii loo
badbaadin lahaa maatida Soomaaliyeed ee soo maciin biday
dalkan dariska ah maadaama haatan aan laka saarin oo
dhibaatadu ay taabatay min Mandheera ilaa Gaarisa.
Cabdifitaax
Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com
Nairobi.
|