Home Contact us Videos Audio Sports Religious Pages


Daawo Calansaarkii 1-da Luuliyo ee Boosaaso.

By:Omar Ahmed Mohamed (Omaryare), Xafiiska Wararka Qaranimo Online,Gaalkacyo-Putnland , Email: cumaryare_147@hotmail.com


July 02, 2010 - QOL - Daawo Calansaarkii 1-da Luuliyo ee Boosaaso.

1-da luuliyo waa maalin si gaar ah ugu wayn umada Somaaliyeed Meel walba oo ay joogaan waxaana malintaas Dabaal dagyo kala duwan lagu qabtaa Guud ahaan Dalka Somalia & iyo Dibadiisaba, Calansaarkii 6-dii habeenimo 1-da luuliyo 1960 mid la mid ah Waxaa laga sameeyay Magaalada Boosaaso , gaalkacyo iyo Garowe oo xarun u ah dawlada Puntland, waxaana saqdaasi dhexe goobjoog ahaa qaar ka mid ah Masuuliyiinta Puntland.

Hadaba Boosaaso Calan saarku siduu uga dhacay.

waxaa Munaasibadaasi lagu xusay meelo ay kamid Yihiin Magaalada Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Qaybo kamid ah gobolada Dhexe ee Dalka Somalia .

Xurunta Madaxtooyada Magaalada Boosaso waxaa kacadhacay Habeenkan Calansaarkii 1-dii luulyo, waxaana Munaasabadan goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Gobalka Bari iyo Saraakiisha Amniga sida Gudoomiyaha Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf, Taliyaha Madaxtooyooyinka Puntland G/Dhexe Cumar C/laahi Sh, Max'ed , Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Max'ed Siciid Jaqanaf iyo Duqa Magaalada Boosaaso.

Dhamaan Mas'uliyiintii ka soo qayb galay Munaasibadaasi waxa ay kawada hadleen qiimaha iyo xasuusta gaarka ah ee umada Somaaliyeed ay u leedahay 1-da luuliyo oo ah maalintii ugu horaysay ee ay midoobeen Goboladii Waqooyi & Koonfur.

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf oo Masuuliyiintii sida Weyn uga Faalootay Munaasabadan ayaa ka sheekeeyay Qiimaha Munaasabadan iyo Ahmiyada ay umada Soomaliyeed u leedahay wuxuuna Hambalyo u diray dhamaan umada Somaliyeed Iyo Shacabka Reer Puntland .

Si gaar ah wuxuu Mahadcelin ugu jeediyay Masuuliyiintii Munaasabadan soo abaabushay gaar haana Ciidanka Madaxtooyada Puntland .

Taliye xigeenka Booliska Puntland Max'ed Siciid Jaqanaf ayaa Isna Halkaasi ka hadlay Waxaana sidoo kale uu ka sheekeeyay Dadaalkii dheeraa ee Xornimada Umada Soomaliyeed loo soo maray iyo Dhibaatooyinkii lagaka kulmay intii Xornima udirirku uu socday.

Munaasibadan intii ay socotay waxaa goobta lagu soo bandhigay taarikhda aan la ilaawi karin ee umada Somaliyeed ay u leedahay 1-da Luuliyo waxaana sidoo kale Mas'uliyiintii halkaasi hadalada dhaxal galka ah ka jeediyay kamid ahaa Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/Dhexe Cumar C/laahi Sh,Max'ed oo isagu ahaa isku duwaha guud ee soo qaban qaabiyay Calansaarkan 1-da luuliyo ee ka dhacay Magaalada Boosaaso, suura galiyayna in ay ku qabsoonto Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso waxaana uu G/dhexe Cumar C/laahi uu wax ka taabtay in xusitaanka 1-da luuliyo ay waajib ku tahay dhaan umada Somaliyeed .

Si faahfaahsan oo kooban, qiirana leh wuxuu uga sheekeeyay Tariikhdii Gobanima Doonkii Soomaliyeed iyo Marxaladii ay soo mareen.

hadaba Habeenkan waxaa si ahmiyad iyo Qaiima leh oo saaray Calanka Soomaliya oo Saqdan dhexe si wada jir ah looga Calan saaray Magaalooyinka Waweyn ee Puntland.

Waxaana Munaasabado ay soo qabagabawday Xilli Wali la sugayay in la sii daadihiyo Munaasabadan Maadaama Dadku ay si aad ah ula dhaceen Tariikhda Gobanima doonka Soomaliyeed ee Munaasabadan lagu soo bandhigay.






Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

 


who's online