Home Contact us Videos Audio Sports Religious Pages


Xuska Maalinta 1-da Luuliyo oo Lagu Qabtay Inta Badan Deegaanada Puntland+Sawirro

Photo By Joofane - Jaamac Joofane, Xafiiska Wararka Qaranimo Online, Barri, Email:Joofane11@hotmail.com


July 01, 2010 - QOL - Xuska Maalinta 1-da Luuliyo oo Lagu Qabtay Inta Badan Deegaanada Puntland+Sawirro‏
Inta badan Deegaanada Puntland ayaa waxaa habeenkii xalay ilaa maanta barqanimadii laga xusay maalinta qiimaha badan ee 1-da Luuliyo oo ah maalin si aad ah ugu weyn dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Magaalooyinka Bossaso, Garoowe, Qardho, Gaalkacyo iyo Deegaano kale oo katirsan kuwa Puntland ayaa dhamaantood waxaa laga oogay munaasabddo loogu talagalay maalinta qiimaha badan ee 1-da July.

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Bossaso ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad aad u balaaran oo loogu talagalay xuska maalinta 1-da Luuliyo waxaana munaasabdaasi ka qayb galay masuuliyiin ka kala socday Golayaasha Dawladda Puntland, Maamulada Gobolka Bari iyo Degmada Bossaso, Madaxda Laamaha ammaanka ee Gobolka Bari, Waxgarad, Ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Dhamana masuuliyiintii ka hadashay xafladda lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Bossaso ayaa waxa ay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay maalinta 1-da Luuliyo iyaga oo ku sheegay in ay tahay maalin ku weyn dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Xaflad taasi lamid ah ayaa waxa ay maanta ka dhacday xarunta Dawladda hoose ee Magaalada Bossaso waxaana kasoo qayb galay dadweyne farabadan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka iyo masuuliyiin ka socotay Golaha Wasiirada iyo Baarlamanaka Dawladda Puntland.

Munaasabdda lagu qabtay xarunta Dawladda hoose oo ahayd mid aad u baalaran ayaa waxaa hadallo ka jeediyey dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay waxayna badankood dadka ku dhiiri geliyeen ilaalinta Nabadda iyo ka hortaga waxa keeni kara nabadgelyo xumada.

Sidoo kale marti sharaftii kasoo qayb gashay munaasabadda ayaa waxa ay ku tilmaameen maalinta 1-da Luuliyo mid qiimo balaaran ugu fadhida dhamaan umadda Soomaaliyeed iyaga oo ugu baaqay dadka in ay ilaaliyaan Wadadninimadda iyo xoriyadda Waddanka.

Dhinaca kale Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhacday habeenkii xalay munaasabddii ugu balaarnayd ee loo qabto maalinta 1-da Luuliyo waxaana munaasabaasi ka qayb galay masuuliyiinta ugu sar saraysa Dawladda Puntland iyaga oo ku dheeraaday ka hadalka xoriyadda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/raxmaan Maxamuud Faroole oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay xafladda xalay ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxa uu ugu baaqay dadka Soomalaiyeed in ay midoobaan kana waantoobaan colaadda iyo kala qoqobka ku dhex jira.

Xalay abbaarro 12-kii habeenimo ayaa waxaa la saaray calanka waxaana halkaasi laga qaaday astaanta Calanka iyo heeso kale oo waddani ah iyadoo ay xafladdu soo dhamaatay 2-dii aroornimo.

Munaasabdaha 1-da Luuliyo ayaa sidoo kale waxa ay si heer sare ah uga dhaceen Magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo kuwa kale waxaana lagu tilmaami karaa qaabka loo xusay sanadkan maalinta 1-da July mid ka baalaran sidii horay loogu xusi jiray.

Maalinta 1-da Luuliyo ayaa waxa ay tahay maalin qiibo gaar ah iyo maamuus weyn ugu fadhida dhamaan Umadda Soomaaliyeed waana maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta ayna ka xoroobeen gumausytayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.















Photo By Joofane

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

 


who's online