| OPINION
/ FIKRAD
March
02, 2010 (QOL)
Heshiiska ay Ururka Ahlu Sunna Wal
Jamaaca (ASWJ) iyo Dowladda Federaalka KMG (DFKMG) ku
gaareen Magaalada Addis Ababa, Ethiopia oo xaflad loo
sameyn doono horraanta Bisha Maarso 2010 waa amar ka soo
baxay Dowladda Ethiopia oo ah dal ay DFKMG iyo ASWJ ku
tiirsan yihiin. Duruufta ka taagan Soomaliya ayaa dad
ujeedo gaar ah leh ku qancisay in Ethiopia tahay Taliyaha
Guud ee Soomaliya halka ay Ethiopia iyo Soomaliya kala
yihiin labo dal oo daris ah oo ay ka dhexeyso maslaxad,
tartan iyo farqi.
Talada Soomaliya waxay gashay gacanta Ethiopia kaddib
markii Soomaliya ay noqotay dal aysan ka jirin dowlad
rasmi ah, una qaybsantay Somaliland, Puntland, ASWJ, DFKMG,
Al Shabab, Hizbul Islam (HI), isla markaana ay soo baxeen
Shakhsiyad diyaar u ah inay dhaxal guuriyaan Ummadda Soomaliyeed
aragtidooda shakhsi darteed. Soomaliya waxay qarka u saaran
tahay in lagu daro Ethiopia sida ku dhacday Soomali Galbeed
(Kilinka 5) iyo Eritrea 50 sano ka hor, haddii aysan Soomalidu
la imaan talo wadajir ah inta ka horreysa 1da Lulyo 2010.
Tahlukadaas waxaa marmarsiiyo xooggan siinaya talaxumada
iyo xadgudubyada ka baxsan Maslaxadda Ummadda Soomaliyeed
oo Al Shabab iyo Hizbul Islaam la soo shaac baxeen, kaddibna
dhiirrigeliyay dano isku dhafan ee shisheeye oo ay adag
tahay si loo fahmo, loogana guuleysto.
Ujeedooyinka muuqda ee heshiiska waxaa ka mid ah:
(1) In la fuliyo go’aanka shirkii IGAD ee 30kii Jeennaayo
2010.
(2) In isbeddel lagu sameyo Golaha Wasiirrada DFKMG.
(3) In la baabi’iyo ASWJ, kana mid noqoto DFKMG.
(4) In la aqoonsado, loogana mahadceliyo Dowladda Federaalka
Ethiopia dadaalkeeda joogtada ah ee ay ugu jirto “Nabad”
ka dhalinta Soomaliya.
Ujeedooyinka kale ee heshiisku ka tarjumayo ama ku hoos
lammaan waxaa ka mid ah:
(1) In xalka iyo maareynta talada iyo siyaasadda Soomaliya
looga dambeeyo Dowladda Ethiopia.
(2) In Soomalidu mashquul ku ahaato Dowladnimo iyo guluf
dhalanteed ah.
(3) In laga dhex abuuro kooxaha Soomalida khilaaf muujya
damiir la’aan iyo garasho-xumo.
(4) In la abuuro dareen ah in Beesha Caalamka iyo Ethiopia
ay qaaden taallaabo wax looga qabanayo dhibaatada Soomaliya
si indhaha looga jeediyo barakaca iyo burburka ka dhashay
fulinta Istratejiyada lagu dhaqaaqay laga soo bilaabo
2005.
Guuxa ka soo baxaya labada dhinac wuxuu muujinaya rajo-xumo.
Koox ka mid ah ASWJ ee joogta Muqdishu waxay ku dhawaaqday
inaysan qayb ka aheyn heshiiska, hase yeeshe ay ka mid
yihiin DFKMG oo heshiiska dhinac ka ah. Koox kale waxay
ku dhawaaqday dhismaha Dowlad Goboleed cusub.
ASWJ waxay doorbideysa:
(1) Inaysan ku biirin DFKMG oo ay ahaato xoog iyo awood
siyaasadeed oo gooni u taagan.
(2) In beesha caalamka toos u taagerto ASWJ.
(3) In ASWJ noqoto koox ka xoreysa dalka AL Shabab iyo
Xizbul Islaam.
DFKMG waxay jeceshay:
(1) In ASWJ la burburiyo, laga adkaado ama hoos timaado
xukunka DFKMG.
(2) In Beesha Caalamka aysan si toos ah u taagerin ASWJ.
(3) In Al Shabab iyo Xizbul Islaam aan laga adkaan ilaa
dhammadka waqtida DFKMG.
Tiro xilal Wasiirro iyo Saraakiil ah ayaa loo qoondeyay
ASWJ. Lama yaqaan tirada Golaha Wasiirrada iyo Saraakiisha
Dowladda ee la qaybsaday. Golaha Wasiirrada hadda dhisan
wuxuu ka kooban yahay 39 Wasaaradood. Xubnaha ASWJ uga
mid noqonaya Golaha Wasiirrada waxaa lagu xulaya hab beeled,
waxayna u hoggansami doonan Axdiga KMG ayagoo matalaya
beelaha ay ka soo jeedaan.
Jiritaanka ASWJ waxay ku eg tahay marka la qabto xafladda
heshiiska inkastoo Dowladda Ethiopia ay mar hore ku boorisay
Beesha Caalamka, DFKMG iyo ASWJ dhaqan-gelinta hesiiska.
Wasaaradaha Dowladda waxaa loo qaybiyay darajooyin kala
ah A,B, C, waxaana heshiisku tilmaamaya in muddo 30 maalmood
ah lagu mideeyo DFKMG iyo ASWJ.
Heshiisku ma qorayo shardi ah in Barlamaanka Dowladda
Federaalka iyo Golaha Hoggaamiya ASWJ ansixiyaan ka hor
dhaqan gelintiisa. Isla markaa, heshiisku ma qorayo in
wax laga beddelo Axdiga KMG ah si loo qeexo kooxaha wadaagga
ku ah DFKMG sida ARS-D, ASWJ, DFKMG-Abdullahi Yusuf iyo
HI-M. Waxay su’aal ka taagan tahay in xubnaha Barlamaanka
iyo Dowladda ka tirsan yihiin kuwo matalaya beelahooda
ama ururrada ay xilalka ku qaateen.
Inkastoo ujeedooyinka heshiiska lagu sheegay in lagu xoojinayo
kartida dowladda, Qaybta Af Soomaliga ee Idaacadda Codka
Mareykanka (ICM) waxay si qotadheer uga hadashay khilaaf
aad u ba’an ee ka dhex taagan ASWJ kaddib markii wareysi
lala yeeshay aqoonyahanno iyo dad xog ogaal lagu tilmaamay
haseyeeshe aan intooda badan magacyadooda la shaacin.
Sida darted, waxaa mugdi weyn ku jiraa sida ASWJ ay ICM
tilmaantay ay u xoojin karto tayada DFKMG.
Dhinaca kale, waxaa soo shaac baxaya in Dowladda Federaalka
KMG ay aad uga welwelsan tahay heshiiska. Dowladda Ethiopia
oo welwelkaas xog ogaal u ah, horeyna Madaxweyne Sheikh
Sharif uga hadlay, waxay ku boorisay Madaxda DFKMG inay
heshiis la galaan ASWJ. Ma cadda sababta Dowladda Federaalka
uga welwelsan tahay heshiiskaas lagu xoojinayo wax qabadkeeda
laguna ballaarinayo deegaannada ay magac ahaan uga taliso.
Dowladda Ethiopia xiriir toos ah ayey la leedahay dhammaan
kooxaha iskhilaafsan iyo maamul goboleedyada.
Aayaha Soomaliya waxaa ku hardamaya ASWJ, DFKMG, AMISOM,
Maamul Goboleedyo, Ethiopia, AL Shabab, Xizbul Islaam,
Eritrea, AL Qaeda iyo Beesha Caalamka oo Dowladda Mareykanku
hogaamineyso. Kooxdaas waxaa dhex boodaya Soomali darajo
iyo maal doon ah dariiqo kasta, Qurbajoog dhowr shaati
gashan, Qabiilooyin iyo islaamiyiin is nacay, iyo Wakiillada
deeq bixiyayaasha ee jooga Nairobi, Kenya.
Shacabka Soomaliyeed intiisa badan wuxuu taageray halgan
ku saleysan difaaca diinta Islaamka(Jumlo ahaan), Madaxbannanida
iyo Maslaxadda Ummadda Soomaliyeed, xorriyada qofka, sinnaanta
xaqsoorka dadka iyo la dhaqanka bulshada caalamka ah,
mana qabo inay taagereen gacan-ka-hadalka ka taagan xuska
Nabigeenna Maxamed (SCW), burburinta Qabuuro iyo ka takoorid
Soomaliya Adduunka intiisa kale. Fikradda ah dhaqan-rog
bulsho waxaa hadda ka hor ku dhaqaaqay kooxdii Khameruuj
(Khmer Rouge) oo ka talineysay dalka Kamboodiya (Cambodia)
1975-1979 oo sababay xasuuq dad gaaraya ilaa 1.7 milyan
oo u dhintay gaajo, cudurro, harraad iyo xabbad.
Kambodiya waxaa ku nool Musliim Sunni ah oo dhibkaas ku
dhacay.
Heshiiska dhexmaray ASWJ iyo DFKMG ah waa guul ay gaartay
Ethiopia. Waxaan muran ku jirin in gacanta wax fulineysa
iyo dadka iyo dalka la gumaadayo ay wada yihiin Soomali
marka laga reebo dhibaatada Ethiopia iyo AMISOM ay geysteen
ama geysanayaan si toos ah, hase yeeshe danta loo adeegayo
waa mid shisheeye oo ujeedooyin kala duwan leh.
Mustaqbalka Soomaliya waxaa iska leh oo
wadaaga Muwaadiniinta Soomaliyeed oo laga doonayo inay
si wadajir ah dhiigooda ugu difaacan Maslaxadda iyo mustaqbalka
dadkooda iyo dalkooda. Soomali dhexdeeda ka wada hadasha
ayaa looga gudbi karaa hagardaamo shisheeye iyo khilaafyada
gudaha.
|