|
March 31, 2010 - QOL
- Gabaygani Hal-ku-dhiggiisu waa "BAAFIN" waxaana tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame.
Akhristow gabaygani wuxuu ka tarjumayaa baadi qof gashay oo wejiyo kala duwan leh, haddaba si fiican u dhuux oo isku day inaad fahamto bal baadidaasi nooca ay tahay iyo nuxurka uu gabaygu xambaarsan yahay.
Marka aad ka bogato akhriska gabayga, fadlan aragtidaada noogu soo dir emailka hoose ee abwaanka.
Waa kan gabaygii Baafin ee ka bogasho wacan.
-
Adduunyada dhib lagu baahiyaa beerka doogsamaye -
Inta ruux baraadli`i hurdada bogata waa dhiife -
Bayaan saxa haddii lagu socdiyo boorintii Nebiga -
Sharciga Alle lama baal mareen lamana buuqeene -
Boqorrada aduunyadan xakuma been ma taliyeene -
Bahow dhacay badbaad kama heleen booli quutuhuye -
Baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye -
Nimanyahow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
-
Nimanyohow barbaarnimadi baan beer tabcaday waaye -
biyo lagu waraabshiyo waxay begel lahaataaba -
baalleyda duushiyo waxaan bahal ka dhowraaba -
babaaga iyo mooskiyo markuu dalagu buux dhaafshay -
oo ay wada bislaataye gureen kaliya loo baahday -
belo soo abraartiyo si aan beylah uga eego -
bartankeeda geed timir ah baan buush ka suubsadaye -
biriq baan dhex iri goor cawadi kala barkeedaaye -
hayeeshee bul soo iri markuu bariyey waagiiye -
buushkiba xataa maqan adugu beer iskaba daaye -
barbarkaan damoodaba abaar bilig leh weeyaane -
buur dhagax leh anigoo hurdaan soo baraarugaye -
bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye -
balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu -
maanaa biday dabeylaha miyaa baaxad igu qaaday -
bac miyaan ahaa sow adoon bowdo culus maahi -
baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye -
nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
-
Maalin baan horweyn geel batiyo boor lahaan jiraye -
bannaan kuma ladnaatiyo dhul aan harafku buurneyne -
beeyacadka xagarkiyo waxaan howd ku bariyaaba -
markuu burunji geydhooyinkiyo gucumadeys biirshay -
inta boqol hab ugu owr dayaan baarqabka u furaye -
dacrin waranku gaarshiyo waxaan balag ku soofshaaba -
baar-nirgood gaheyrkiyo waxay dhuunka bixisaaba -
nafta biimo yaabliyo waxaan halis ku beegaaba -
oon balow colaadiyo hab-heeb ula bareeraaba -
diraac bedertan dowliga markii leysla bixin waayo -
bahawacadne xaajadu tahee hiil ninluhu boodo -
ee nimaan birjeex doora dhalin beybka daran waayo -
bogga waxaan wadaan ugu sidoon baaca laliyaaba -
bowdo raggan wadaagniyo waxaan hebel ku beelaaba -
marki ay bishiisii go`dee sanad barwaaqoobay -
ee gu'gu intuu baaca dhigay hara kastaa buuxdo -
waa boqol qasgoydaye isagoo lulaya boodaanka -
bil toddobaa habeen ay godkeed baalka dhiganeyso -
burcaleen leh goortuu fadhiga booban jiifsadaye -
billowgii aroortaan kiciyo baadi subaxeede -
iska daa bidhaan laga arkiyo muuq la beegsado`e -
barow maray xataa lama arkiyo raad balowsadaye -
bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye -
balse waxay su`aal baahin mudan bixisey laabteydu -
ma baxsaday ma buuraa ku dumay bado miyaa qaaday -
mise guluf bartiis lama arkiyo cadow kalaa boobay -
baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye -
nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
-
Been baan ku tirin jiray cishqigu waa dilaa ba`ane -
baroordiiqdi Leyliyo is iri Qeysba how bixine -
buunbuunis weeyaan lahaa wawdi Boodhariye -
hayeeshee bacaad igu wareen budul ku siiyaale -
baallaha cadceeddiyo hillaac biligleh mooyaane -
bashar qurux ku gaaraba mid aan ciidda lagu beerin -
barta midabka nuur iyo intay hadaw la soo boodday -
bushimaha faruuryaha dibnaha baashida u fiican -
sunniyo aad bil mooddiyo indhaha baararka weynle -
cabaadyada isbaal jiifsadee buuxshay luqunteede
65 dhexda madagta lagu beegay iyo barida miisaaman
66 biigadaha garaaryaha gacmaha boqon markey qaado
67 oo ay bilicda laafyaha riddey beerka damaqdaaye
68 .waa barwaaqo sida beer dalxiis dhaayahaw bogiye
68 waana ugub ninkey baal martaa boohin ku caweyne
69 boholyoow daraaddiis anoo balagsan oo liita
70 kana baqaya gabadhi u bandhigay baahi rabitaane
71 u barreeray baas iyo wanaag kii ka soo baxa'e
72 balse barasho wacan kala kulmiyo baaq xishood hugane
73 la billaabay buuro isku xiran badiyo haasaawe
74 ka badbaadnay boog iyo khilaaf ruuxba ruux bado`e
75 biya shubadki sheekada kolkaan guur ku wada bowdnay
76 ballantina barriyo saadambiyo beegan tahay foogta
77 ee aan beydki lagu dhaqi lahaa daahyada u buushay
78 ayey wiil bannaannada ka yimid beri ku siiyeene
79 ayadoo aroos loo barraxay laga balweynaayo
80 bug damtana gurbaanku uu hayaan soo baraarugaye
81 bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
82 balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu
83 bud hadaan dhifsado oon darteed boqol u soo laayo
84 sideen tima bardaaley ku heli bixi adoogeede
85 baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
86 nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
Waxaa Tiriyay: Abwaan Xasan Garaad Warsame
Email: abwangaraad@hotmail.com
|