| OPINION
/ FIKRAD
March
03, 2010 (QOL)
Qaadka Qadhaadhkii Macaanaa! ( Qaybtii 2aad)
(Qaadku dhadhan ahaan waa geed qadhaadh,
marka aad qaniinto qoriga u horeeya “Qaaaq,waar bahalku
caawa qadhaadhaa” balse wax yar ka dib waa wax macaan.
“Waar bal xabad kale ii dhiib caawa bahalku macaanaa”!!
Erayada QAAD iyo JAAD:-
Afsoomali ahaan waxaa jira laba eray oo kla ah JAAD iyo
QAAD kuwaas la isticmaalayey mudo aad u dheer.Labada eray
mid waa Afsoomali saxa ah,lehna macnayaal kala duwan.Erayga
QAAD wuxuu ka mid yahay erayada Afsoomaaliga ah ee aad
iyo aad loo isticmaalo maalin kasta ,iyadoo weliba loo
isticmaalayo macyaal aad u kala duwan.Haddii aan si kooban
kuu xasuusiyo macnayaasha erayga QAAD kuwa ugu muhiimsan
waxaa ka mid ah:-
1. Qaad (geed la cuno)-waa
geedka qadhaadh ee la cuno JAADKA.
2. Qaad:- (qaad kursiga)-waa shay kor
loo qaaday.
3. Qaad(heesta qaad )-waa heesta ku luuqee.
4. Qaad(qaad ayuu ii qaaday)- lacagta
qaad ayuu iga bixiyey.
5. Qaad(qaad buu qaatay)-qaad ayuu iibsaday.
6. Qaad(qaadka ayaa qaatay)-wuu qaad
jecel yahay.
7. Qaad ( hadal iga qaad)-fariin ayaan
ku sii farayaa.
8. Qaad(hadalkayga qaado)-I maqal-waanadayda
qaado.
Weli ma arag cid garanaysa amase kuu sheegi karta sababta
geedkan loo bixiyey QAAD,ma jirto cid garanaysa taariikh
ahaan markii ugu horeysay ee la maqlo iyadoo geedkan loogu
yeedhayo QAAD. Dad badan ayaa waxay rumaysan yihiin in
erayg QAAD yahay eray AF-CARABI ,kaas oo ka soo talaabay
dhinaca BADA CAS,ka dibna ku fiday dhamaan dhulka laga
hadlo Afsoomaliga. Erayga QAAD xilligan waxaa loo qoraa
siyaabo aad u kala duwan qoraal ahaan,sidoo kale waxaa
loogu dhawaaqaa siyaabo kala duwan,waxayna markasta ku
xidhan tahay luqada ay ku hadasho cida ku dhawaaqaysa,
amase qoraysaa,waxaa ka mid ah sida eraygan loo qoro amase
loogu dhawaaqo:-QAAD- Khat –Catha-qaat- qat- qaat, quat,
gat, - KAT-CAT.
Magaca labaad ee loogu yeedho QAADKA amase ay dad badani
isticmaalaan, waa JAAD.
Erayga JAAD waa loo badaniyaa in uu ka
soo jeedo, macno ahaan erayga luqada SAWAXILIGA ah ee
“CHAKULA”oo ah CUNTADA mase wixii wixii la cuno.Erayga
JAAD waxaa isna loo badaniyaa in uu ka soo galay Soomalida
dhinaca iyo xuduuda dalka Kenya. EraygaJAAD waxaa isna
loo loo qoraa amase loogu dhawaaqaa siyaabo kala duwan
waxaan ka mid ah “chat- chaad- Jaad.
Guud ahaan dhulka ay degaan ummadda Afsoomaliga
ku hadashaa ,waxaa ugu caansan laba eray ee QAAD iyo JAAD,kuwaas
oo ah labada magac uu ka dhexeeya geedka aynu ka hadlaynu.Ha
isku qaldin erayada QAAD ama JAAD iyo erayada ay ka mid
yihiin Miroo,hareeri IWM oo ah noocyada geedka QAADKA,waxan
ka hadli doonaa marka aan ka hadlayno “noocyada Qaadka
ama Jaadka.
Intaa ka dib aynu dib u yara eegno qaar
ka mid ah ,gabayada loo tiriyey QAADKA kuwa ugu caansan,ogowna
waxaa jira gabayo aad u fara badan oo qaadka loo tiriyey
,waxaynu ku arki doonaa qaybaha dambe.
Gabaygii “Qaadow adigaa leh”:-
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa
leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh.
Erayadii abwaan Abshir Nuur Faarax(Bacadle)
Gabaygii “Mijintayda Qaadka ah”:-
Misna kaama maarmee, Intaan maalmo dhoolkiyo
Masruufkii la ii qoray, Anoon qado ka maarayn
Intaan meel ku biirsado, Adi kugu macsuumaa
Waxaan maantadaa helo, Marriin kaaga yeelaa.
Mijintayda quruxooy, Waxan kaaga ahay
marag
Mucjisaad u tahay hooy, Habar saar marreeyoo
Odayada murmaayaad, Hadba kii mar laga helo
Iyo kii mid qoonsada, Si aan meeshu 'mee','hooy'
Muxuu yidhi u wada noqon, U markhaati tahayoo
Dhallintaad masaakiin, Mashaqayste iyo tuug
Giddi wada midaysaa, Faraqooda madhisaa.....
Erayadii Abwaan Abdillahi C.Cige.
Gabaygii “Togga Herer”:-
10 Tilmaan-quruxsantii lala ballamay saani
ugu toosnay
11. Tubtii horeba boqol jaatifaa teybalka u saarray
12. Barkimooyinkii teedsanaa suxul ku taageerray
13. Nin waliba halkuu soo turqaday garabka soo tiiri
14. Isagoo falaas laga tif tiray laysu tebi shaaha
15. Nin waliba tankiisii haraaq tiilley ugu laabnay
16. Kaftan aan turxaan lagu ogeyn la isku tuurtuurye
17. Laba aad turkiga mooddid oo tikhilka naagooda
18. lyo laba tiftirihii jannada lagu tilmaamaayo
19. Iyo laba wax layskama tirshee sida tiriiggaasa
20. lyo taan lahaan jirey markaan tumasho soo qaado
Erayadii Abwaan Abdisalaan Xaaji Aadan.
F.G. Cid kasta oo iga caawinaysa daabacada
iyo hirgelinta Buugaan waa u furan tahay ,aniga iyo dhamaan
bulsha weynta Soomaaliyaad ,waxaanu u hayn doonaa abaal
ma guuraan ahaa. Haddii aad ugu caawinayso qoraalo ,sawiro
talo iyo tusaale diyaar ayaan u ahay,haddii aad hayso
magac aynu u bixino Buugan Qaadka ka hadlaya diyaar ayaan
u ahay ,haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad
ahna fadlan igala soo xidhiidh emailka.
CAAWI AGOONTA si adigana ILLAHAY kuu caawiyo ADAHABSHIIL
account No. HRGD14759
Mahadsanidin
---------la soco qaybta 3aad
iyo noocyada Qaadka .
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
|