| OPINION
/ FIKRAD
March
02, 2010 (QOL)
QARANIMO IYO QABIIL ISMA QAADI KARAAN
QOYS DANTIISANA DANTA QARANKAA KA WAYN
Aduunyada waxaa ka soo dhacay dhibaatooyin
iyo aafooyin nooc walba leh Umad waliba waxay u heshay
xal kama danbays ah siday uga bixi lahayd Dhibaatadaas.
Tusaale ahaan waxaa colaadaaha iyo dagaaladu
ka dhaceen dhamaan cirifyada aduuyada qaybaheeda kala
duwan dagaal diin ku salaysan dagaal midab ku salaysan
dagaal dhaqaale iyo dhulbalaarsi ku salaysan iyo dagaal
qowmiyado iyo qabiil ku salaysan.
Waxaana maanta dhamaan wadamaadaas ay
gaadheen horumar waxayna ka heshiiyeen haddimadii colaaddaha
iyo haggardaamooyinkii soo maray oo idil.
Wadamada qaar waxaa ka dhici jiray baraf
iyo duufaano iyo dabaylo iyo folkaanayaal iyo daaddad
Laxaadleh waxayna ku noolaayeen nolol adag way u dhabar
adaygeen waana maanta wadamada aduunka ugu horumarsan.
Wadamada qaarna waa saxare iyo lama dagaan
kulayl ah sida wadama carbeed maantana waa kuwa aduunka
ugu hodansan waxayna ku gaareen adkaysi iyo karti iyo
dhabar adayg iyo kalsooni.
Umada soomaaliyeed oo noqotay umad aan
lahayn is bedel ilaa iyo maanta garan la waxa dhibkoodu
ku jiro ama ilaa hada aan ka waynaanin dhiilooyiinkii
colaadaha iyo dhaqankii xumaa ee qabiilka ayaa waxaad
ka dheehaanaysaa dad waawayn oo masuuliyiin ah oo doonayaa
dano qoys oo keliyaa kana xun danta guud ee qaranka.
Tusaale ahaan madaxda soomaaliyeed waxaa
lagu eedeeyaa waa nin qabiil oo dadkiisaa ayuu u eexdaa
dadkiisa ayuu xilalka u dhiibay dadkiisa ayuu dantooda
wadaa .
Madaxweyne shariif oo aan anigu awal dowladiisa
u arkayay mid ku dhisan qabiil ama qodobka 4.5 ayaa waxaan
maalmahan isa soo tarayaa in beesha uu ka dhashay waa
mudulood ay qawadsan yihiin Xilalka iyo qaybta ay ku leeyihiin
dowlada .
Hadaba waa madaxweynihii iigu horeeyay
ee aan arko beeshiisaa oo ku dhaliilaysaa waxba nooma
ogola taasi waxay marqaati ka tahaay inuu yahay wadani
dadkiisa aiyo dalkiisa u siman yihiin Iskana dhawrayaa
eed iyo taariikh xumo waxaana cadaynayaa dadka ka soo
horjeedaa ee diidan dowladnimadiisaa waa dadka uu ka dhashaay,
sida ganacsatada , odayaasha dhaqanka qurba joogta Aqoonyahanka
iyo dhamaan qaybaha bulshada ee kazoo jeedaa shabeelada
dhexe galguduud iyo banaadir.
Haduusan wax gaara u qaban deegaanada
uu ka soo jeedo iyo dadkiisaa hadaba ma xumaanbaa mise
waa samaan ,mise madax ilaa minjo waxaay doonayaan in
mudulood ka muuqdo taasi maaha dowlad soomaaliyeed ee
waa dowlad mudulood.
Hadaad doonaysaana dalkiina ka xoreeyaa
alshabaab iyo xisbul islaam kadib dowladu waa federal
ee maamul goboleed idiin gaaraa oo madax iyo minjo ka
tihiin samaysta .
Maxaad doonaysaa inuu madaxweyne shariif
noqdo sidii kuwii shalay oo kale oo laftiisaa meel walba
u dhiibo miyaysan kasii xumayn oo umada soomaaliyeed oo
dhan uu godob ka galo.
Beesha mudulood haday wadaniyad iyo dadnimo
leeyihiin yaanay ku mashquulin madaxweynaha iyo waajibaadkiisaa
shaqo ee haku mashquulaan siday deegaamadoodaa uga xorayn
lahaayeen duliga iyo gumaysiga saaraan.
Beesha mudulood ha dhawrto sharciga hana
ka gudubto qabyaalada iyo is qabqabsiga madaxweynuhu waa
madaxweyne qaran laakiin ilaahay ayaa ka dhaliyay qabiilkiisaa
maaha inuu ku qasban yahay inuu wax kasta qasnadoodaa
ku shubo.
Beesha muduloood dhulkooda ayay qaxoonti
ku yihiin kuwa hogaanka dhaqanka iyo madaxda iyo ganacsatada
sheegaanayaa may ka hadlaan oo dadkoodaa wax u qabtaan
ma jiraa hogaamiye dhaqan oo booyad biyo ah iyo hal baabuur
oo cunto ahna noqoto wax ku ataray dadka dhibaataysan.
Maareeyee xil laga qaaday iyo gudoomiye
ayaa la bedelay maaha wax shir lala yimaado iyo madaxweynaha
soo dhawayntiisaa kuma jirno oo beelo kale ayaa wada waa
cuqdad Dadka nasabka ah cuqdada waa ka xaaraan ,
Madaxweynaha waxaa ka wakiila safaarada
u joogta wadanka waxuuna u tegayaa jaaliyada soomaaliyeed
ee ku nool wadanka uu tegayo kuu doono ha ahaadee marti
uma aha mudulood iyo qabiilkiisaa ,meelna kagama qorna
dastuurka in madaxweynaha beeshiisu soo dhawayso ama u
ciyaarto. Dowladii shalay ayaa dhaqankaa lahayd waana
dhamaatay waqtigeedii .
Madaxweynaha Maanta maaha nin qabiil ee
waa nin qaran. Danta guud ninkaan wadin waa la bedelayaa
madaxweynaha iyo ra,iisal wasaraaha iyo dhamaan qaybaha
dowlada waxay xor u yihiin nin waliba shaqada uu ku magaacaaban
yahay.
Waxaan kale oo ka cudur daaranayaa magaca
beeshaa aan ku celceliyay maaha mid aan xumaan ugu celceliyay
balse qaybaha ka mida beesha ee sida qaldan u adeegsada
magaca ayaan u sheegayaa inay faraha ka qaadaan.oo joojiyaan
gubaabada beenta ah iyo awr ku kacsiga ee magaca mudulood.
Waxaan marqaati ka nahay in beesha diidan
dowlada iyo deganaanshiiyaha iyo nabada soomaaliya ay
tahay maanta beel kasta oo la shuraako ah wadaadada mucaaradka
ah .
Beel kasta oo ogolaataa inay deegaamadoodaa
ka taliyaan waa qaran diid waana dad aan istaahilin in
xil dowladeed loo dhiibo.ama wax loo qabto.
Beel kasta oo aan ka gilgilan dhibaatada
dadkeeda haysataa af iyo adina aan wax ka qaban waa beel
aan jiritaan lahayn.taariikhduna qori doonto inshalaah
manhajyada waxbarasahdana soo celinta qaranimada soomaaliyeed
waxaa algu qori doonaa qofkii iyo qoyskii kasbada.
Qabiilka maaha inaad qarash ku raadiso
iyo qorshe aad wax ku cuntee waa inaad wax qabad ku keentaa
waa kuma ninka maantaa maatada qaxoontiga ah ee ceelcade
warsheekh calayaale ceelaasha biyaha ceelmacaan wax u
qabtay.
Waxaan qormaydayda ku soo afharayaa warbaahinta
halaga daayo fadeexada iyo magac xumada lagu wareejinayo
halana la ixtiraamo bulshada soomaaliyeed waa isku mid.
Caalaamku waxuu marayaa inaan fiise laysu
qaadan europa iyo amerikana aad sida wadan keliya u wareegto
aasiyaa ayaa laysu furayaa afrikana sidoo kale inta caafimaad
qabta ee viruska qabiilka aanu ku dhicin sida soomaalida
oo kale.
Waxaan kula talinayaa dhamaan dadka jecel
inay xaqa adoomada ilaahay qabiil ku duudsiyaan inay ka
waantoobaan waxay wadaan iyo qaska iyo qalaalaasaha iyo
qabyaalada ogaadaana in Qaranka soomaaliyeed yahay mid
qudha.
Fiiro Garaa:- waxaa qoraalkaygani jawaab
u yahay qoraalo xiriiraa oo magac beeleed ku soo baxayay
mudooyinkan mana aha mid aan ku dhaleecaynayo beesha mudulood.
Qofkii ka qaba dacwo gaara waxaan u ahay diyaar inaan
ka shaafiyo wabilaahi tawfiiq
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
|