Home Contact us Videos Audio Sports Religious Pages


Arday Soomaaliyeed oo soo Bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed!

- May 04, 2010 -

 


By: Adan S. Awale - Xafiiska wararka Qaranimo Online - Toronto, Canada - info@qaranimo.com


HALKAAN KA DAAWO BARNAAMIJKII SANADKII HORE - May 5, 2009 -

May 05, 2010 - QOL -  Caruurta ee ku dhaqan magaalada Toronto gaar ahaan magaalada hoose (down town) ayaa waxa ay soo bandhigeen bandhig faneed ay laagu talagalay xiritaanka barnaamijka barashada afka hooyo ee sanad waliba lagu barto qaar kamid ah dugsiyada Hoose dhexe ee magaalada Toronto, barnaamijkaan oo lagu barto luqado kala duwan ayaa waxa uu socdaa mudo 7 bilood ah ee sanad dugsiyeedka. 

Barnaamijkan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaarada waxbarashda ee gobolka Ontario iyo Dugsiga Hoose Dhexe ee Rose Avenue Public School ayaa ah mid lagu baro ardayda afkooda hooyo maalin walba oo Talaado ah saacadaha schoolka kadib.

Maadaama dugsigan Rose Avenue Public School ay dhigtaan qowmiyado badan oo ka kala yimid wadamo kala duwan ayaa waxaa ka mid ah luqudaha lagu baro ardaydaka:

  • Soomaali
  • Urdu
  • Tamil
  • Nepali
  • Tibet
  • Carabi
  • Mandarin
  • Cantonese
    iyo kuwo kale kale...
     

Maanta oo aheyd maalintii ugu danbeysay barnaamijka ayaa waxaa ay arday waliba soo bandhigeen hidaha iyo dhaqankooda iyagoo ku hadlaayo afkooda hooyo. Aradayda Soomaaliyeed oo ahaa ardaydii ugu quruxda badnaa ayaa ku lebisnaa dhardkii hidaha iyo dhaqanka ayaa waxa ay soo bandhigeen barnaamijkooda oo ay ku qaadeen heesta Soomaaliyeey Toosoo iyo Heybad waxaad ku leedahay dhulkaada hooyo ayaa dhamaan dadkii kasoo qeygalay ay aad iyo aad ula dheceen sifiicana loogu riyaaqay.

Ardaydaan Soomaaliyeed ayaa waxaa afka Soomaaliga baro macalimad Soomaaliyeed oo layiraahdo Maryan Maxamed iyadoosi fiican u soo diyaarisay ardaydaan waqti fiicana gelisay sidii ay u baran lahaayeen Afkooda hooyo iyo hidaha iyo dhaqanka.

Waxaa kaloo kala qeyb qaatay diyaarinta ardayda qaar kamid ah hooyooyinka caruurta kuwaas oo aan halkaan lagu soo koobi karin ayaa waxaa si gaar ah mahad loogu celiyay Malyuun Mayrane, Safiya Shaqaaq, Safiya Max'ed Farax iyo Fowsiya Yusuf oo soo diyaariyay dharka ay ku lebisnaayeen Caruurta, waxaa kaloo iyana kala qeyb qaatay Cali Muxyadin iyo Cali Qullub oo gacan ka qeystay qaban qaabada barnaamijka.

Waxaa kaloo iyana mahad mudan dhamaan hooyooyinkii ku hanuniyay in caruurtooda ay ka qeyb qaataan barnaamijka, la aantoodna aysan dhici laheyn barnaamijkaa uu sii socdo ama hirgalo.

Waa barnaamij sanad waliba socdo - waxaana rajeyneynaa inaan idiin soo gudbino  sanadka danbe HADII ALA IDMO.

 

Waiting their turn to perform!

 

Rehearsals before the show!

After a great performance - PIZZA is a good rewarding for kids!

 

After a great performance - PIZZA is a good rewarding for kids!

 

After a great performance - PIZZA is a good rewarding for kids!

Bangladeshi Children

 

Tamil Children

 

Ethiopian Children 


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

 


who's online