Real Madrid oo Xalay Ka badisay Dhigeeda Atletico Madrid,iyo Barcelona oo wali sugeysa Koox u qabata sidii Valencia…

Real Madrid oo Xalay Ka badisay Dhigeeda Atletico Madrid,iyo Barcelona oo wali sugeysa Koox u qabata sidii Valencia….
Iyadoo meela dag u marayo Horyaalka isbeynee La ligaha 2011-2012 Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa xalay Kooxda Real Madrid oo ay aad ugu soo dhawaatay Kooxda la xifaaltanta ee Barcelona waxa ay 4-1 ugu quus goysay Naadiga ay ka wada dhisan Yihiin Caasimada Isbeyn ee Atletico madrid ,waxaana Xidigaha real Madrid goolsha ay ku badiyeen 3 ka mida qalinka ku duugay Ronaldo oo sidaa hogaanka ku sii qabtay Gooldhalinta Horyaalkaasi isagoo leh 40 halka Messi uu ka leeyahay 39 Gool
Kooxda Real Madrid waxa ay hogaanka Horyaalka isbeyn ku hogaamineysaa 82 dhibcood halka barcelona ay ka leeyihiin 78 waxaana ka harsan horyaalka dhowr kulan oo fara ku tiris ah uuna ku jiro Kulnak Clasico ee u dhjaxeeya 2da naadi kana dhici doona bishaan Garoonka New Cump ee Magaalada Barcelona.

Ciyaartaan Kooxda Gardiola waxa ay ku xisaabtameysaa 3 dhibcood sidoo kalana waxa rajeyneysaa in dhibicda dheeraadka ah ay aragto Koox ka reebta Real madrid,halka Morinho Kooxdiisa real Madrid ay iyaguna Xooga saari doonaan sidii ay ugu yaraan 1 dhibic uga heli lahaayeen Barcelona oo ah Koox ay ku loolamaan Koobabka Isbeyn ee sanadlaha ah uuna ugu tun weyn yahay Horyaalak La ligaha.

Waxaa diyaariyay
Axmed Maxamed cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 12, 2012. Filed under Ciyaaraha, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.