Warbaahinta Mareekanka soo sheegay in Abuu Mansuur Al-imriiki la gowracay

April 14, 2012 Muqdisho (QOL) Sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Maraykanka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in Xarakadda Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta ay dileen Abuu Mansoor Al-Amriki oo ka mid ah saraakiisha dhinaca ciidamada ee Al-Shabab.

Dhawr wargeys oo ka soo baxa wadanka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dawlada Maraykanka iyo ilo ay sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin ayaa sheegaya in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansoor Al-Amriki una dhashay wadanka Maraykanka la dilay isaga iyo xubno kale oo Shabab ka tirsan kuwaas oo aan la shaacin inay Soomaali yihiin iyo in kale.

Hay’adda dawlada Maraykanka u qaabilsan la socoshada waxa argagagixisada loogu yeero saraakiil ka tirsan oo la hadlay wargeyska la yiraahdo The Long War Journal ayaa sheegay in Abu Mansoor Al-Amriki la gawrcay 4,tii bishaan aan ku jirno ee April inkastoo ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan goobta lagu dilay.

Sidoo kale war laga soo saaray xarun lagala socdo dhaq dhaqaayada Al-Qacida ee gacanka Cadan oo ku taala magaalada Washington ayaa waxaa lagu sheegay in warbixinadii ugu dambeeyay ee lahelayo ay muujinayaan in Xarakadda Al-Shabab ay gawraceen Abuu Mansoor Al-Amriki oo saraakiisha ciidamada Al-Shabab kuwooda ugu sar sareeya ka tirsanaa.

Wargeyska The Long War Journal ayaa ku waramaya in meydka Abuu Mansooraan iyo xubnno kale oo Shabab ka tirsanaa oo lala dilay aan willi la aasin.

“Waa ay jirtaa wararka ah in la dilay Abuu Mansoor Al-Amriki waxaana noo xaqiijiyay ilo wareedyo gudaha Soomaaliya jooga iyo mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Maraykanka waliba waxaa la dilay 4,tii bishaan April” ayuu yiri tifaftiraha wargayska warkaan qoray Bill Roggio hasw ahaatee waxaa uu xusay inaysan jirin wax xiriir ah oo ay la sameeyeen dhanka Xarakadda Al-Shabab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabab oo warkaan lagu beeninayo ama lagu xaqiijinayo.

Bishii hore March ee sanadkaan ayayaheyd markii barta internetka ee YouTube,ka laga daawaday cajal maqal iyo muuqaal ah oo uu soo duubay Abuu mansoor Al-Amriki taasi oo uu ku sheegay inuu ka cabsi qabo inay Shababku dilaan.

Cumar Xamaami oo ku magac dheer Abuu Mansoor Al-Amriki oo 27 sano jir ah waxaa uu u dhashay wadanka Maraykanka waxaana uu wax ka bartay jaamacadda Alabama ee wadanka Maraykanka waxaa hay’adda FBI,da Maraykanka ay liiska dadka waxa argagagixisada loogu yeero lagu daray sanadkii 2007-da.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Warbaahinta Mareekanka soo sheegay in Abuu Mansuur Al-imriiki la gowracay

  1. Pingback: Willi hanis | Johannashope