Shacabka Soomaliyeed Waxba yey u Dhiiban Nin Dambe oo qurbo ka yimid Hal Sharuud oo Qura Mooyaane…

Muqdisho, April 15, 2012—(QOL) Shacabka Soomaliyeed Waxba yey u Dhiiban Nin Dambe oo qurbo ka yimid Hal Sharuud oo Qura Mooyaane iyo Raaligalin khaladka uu Wado Wasiirka Dastuurka By madaxa Dallinyarada Washington…

Magacaygu waa C\kariim Jiirow Sharmarke waxaan taci u dirayaa dadkii dhibaatda ka soo gaartay qaraxii Tiyaatarka intii dhimatay allaha u naxariisto inta dhaawacantay allaha ka kiciyo.

Waxaa wax layaabo ah nimankii dhallinyarad a’haa oo aqoonta la’haa oo la rabey in ey xalkeenaan afka ey kala qaadaan ba waxay leeyihiin ciidan ayaan rabnaa aaway xalkii loo doortay hadaad qori qaadatay Waxba ma dhaantid ninkii hore u watay, nimankaan qurbaha ka yimid waxaa ka aqoon badan ka karti badan , xalkeeni kara wiilasha jaamiciyiinta oo xabada iyo dhibka ku soo dhameystay 21kii sano ee ugu danbeeyey oo waliba xaasaskoodii iyo caruurtoodii wadanka la jooga oo dayicin ninmkaas ayaa xal keeni kara shacabka soomaliyeedna ,nin danbe oo qurbo ka yimid yey waxba u dhiiban hal sharuud oo qura mooyaane oo ah in bilaash ku shaqeeyo isaga oo jago doon a’heyn, waxa uu yaqaana ku shaqeeya.

Wasiirka dastuurka isaga ayaan fahamsaneyn waxa uu dastuurku yahay! Soomaliya waxay dastuur sameysatay 60 sano ka hor iyo calan,lacag iyo nidaam shaqaynaya, maanta dhulka ooaan nabad a’hayn iyo isaga ooan gobolada qaar tagi Karin una aqoonsanyen darajada uu sheeganayo maxay tahay dastuurka u sameeynayo hal beel sharci ma sameyn karto, dastuurku waa wax bulashadu ku ballanto u codeyso isku raacdo ku heshiiyaan iyaga xor ah.shacabkuna raali ha ka a’haado ninkaas waxa uu wado.

Arrinta oo yaabka ah waxay tahay in dadkii aan ku baxsanay intii dagaalka sokeeye socday in dagaalka lasoogaliyo oo ah haweenka soomaliyeed waayo waqtigan nimankii ayaa bakoorad ilkaha isga daadinaya,marka dhulku nabad noqdo meeshii larabo halagu daro, waayo soomaliya wadanka kaliya oo islaamka ah haweenku wadeen baabuur,diyaarad,markab,ciidan,macallin,takhtar iyo ilaa wasiir ayey a’haayeen hana laogaado dagaalka ey haweenku bilaabaan ma joogsado dagaalka 64tii gabar ooyinteed ayuu ka billabmay.

Fiiro gaar ah madax wayne sheekh shariif fadlan dowlada turkiga oo markabkii 40aad oo raashin ah u keentay soomaliya in lagu xiro diyaaradooda canshuur bixi waa arrin qaldan waxa lawaydiinayo ka badan ayey bixiyeen oo waliba waxay ballan qaadeen in xujayda qofkii ku qaadayaan kun dollar meesha kuwa kale yahay ilaa 3500 oo dollar si ey isbaarada cirka u joojiyaan oo ah burcadnimo iyo kuwa soomalida ah oo shirkadaha diyaaradaha iska leh oodadka in ey dhiigmiirtaan go;aan ku gaaray wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulkana shaqada ha laga eryo, diyaarad aan turki a’hayna raacimayno.

Fadlan wixii talo ah E-mailkeygu waa sharmarke95@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 15, 2012. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

9 Responses to Shacabka Soomaliyeed Waxba yey u Dhiiban Nin Dambe oo qurbo ka yimid Hal Sharuud oo Qura Mooyaane…

  1. yaa u sheega in dowlada turkiga la wareegto hawada soomaliya si ey diyaaraduhu u socdaan maalin kasta ilaa habeenkii meesha kuwa hada qandaraaska lagu siiyey ey shaqada ka baxaan 2.pm 00duhurnimo si ey beer u cabaan sharmarkow arrintaas wax ka qabo adigaa washinton joogee

  2. isha ayaad ka riday dastuurka waxaa ku jira in qokii joogay 5 sano soomaliya la siiyo jinsiyada soomliya sida 50ta kun oo amxaarada ah oo joogta xerooyinka bari ku yaal oo faroole gudoomiye u yahay marka 80 milyan oo amxaaro ah u soo guurto meeshan dad reer bari ah ayaa degenaan jiray ayaa ka dhici doonta wasriika dastuurku ha jawaabo

  3. sharmarke waad mahadsantahay galbeedka oo dhan haweenka in ka yar 1% ayaa ku jirta baarlaamaanka maxaa soomaliya oo muslim ah 30% loogu qasbayaa siyaasada,wasiirka dasruurku waxa uu amar ka qaataa ngo’s mushaarka siiya,dastuurka soomaliya waxaa ku jira ninkii naag ajnabi ah qaba in uu dowlada xil ka badan agaasime uu san qabin karin,qurbaha naaga joogaa kulli ajnabi ayaa qaba sidaas ma lsocdaa wasiirku

  4. waxaan la yaabay ninkan weyn balwaxa uu meesha ku soo qoray ilaahay soomali ayaan u baryayaa inuu xaqa tusiyo bal waxa uu yiri 8dii gobol qaar ayaa ka yaraa balcad iyo warshhiiq bal hadaba gobelkee ka yaraa ileyn waxay kala ahaayeen bari, waqoyi galbeed ,mudug,hiiraan,banadir,
    jubooyinka ,bay iyo bakool,waxaan kala garan waayey inay jaahilnimo ka tahay iyo aqoon la,aan uusan dhulka somalida kala aqoon iyo inay xaasidnimo ka tahay wallee adigoo kale A/KARIIM intaad talo bixinayso oo lagu dhegaysanayo xaalkeena iska dheh
    FARI KAMA QODNA FAANOOLE ALLOW SAHAL AMUURAHA

  5. Abdiraxaman xoosh aniga ayaa xaal siiyay, Abdiraxaman waa Lawyer ka baxay jammacadaha ugu sarreya Canada, Toronto wuxuu ka baxay jammaccada Osgood(York University) waa nin aan qabiil aqoon badan u lahayn Soomalidana ay u kala duwaneen, ma waxaad ku diidaysaan Garowe ayuu tagay, mise wuxuu ka soo jeedaa haybta Darood?

  6. afku kuma go’c\kariim alla maxuu run sheegay gobolada qaarkood waa been abuur waa cidla’

  7. wasiirka dastuueku ha ogaado 8da gobol oo been-beenta ah ey bari qirteen kulli waxaa ka badan degmada balcad waxaana ka codsanayaa balcad in ey gobol ku dhawaaqdo ,warshiiqna ey gobol ku dhawaaqdo markaas ayaan wadahadleynaa

  8. war ninkan waa runtii wasiirka dastuurku garoowe ma’hee meel kale ma tagi karo yuu dastuur u sameynayaa maba la aqoonsanee

  9. sharmarke waa saxsan yahay waayo maanta nimankii ayaa ilka iska daadinaya iyo 15 madaxwayne