Caawa iyo Habeen Danbe iyo Lugta hore ee Sami finalka Champion-ka 2011-2012

Muqdisho, April 17, 2012 – QOL – Caawa iyo Habeen Danbe iyo Lugta hore ee Sami finalka Champion-ka 2011-2012, Robben oo Martigalin doona Kooxdiisi Hore ee Real Madrid.

Waxaa Caawa iyo Habeen Danbe la Ciyaari doonaa hadii alle idmo Lugta hore ee Sami finalka Champion-ka 2011-2012 oo lagu tilmaamay mid Derbi ah, waxaana kulamadaasi oo ah kuwa xiiso badan ay kooxuha Isbaanishku Nasiib u heleen inay noqdaan marti Todobaadkaan.

Caawa 9:45 habeenimo Bayer Munikh vs Real Madrid, Baalka bidix ee Xulka Holland iyo Kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa ka hortagi doona Kooxdiisii Hore.

Habeen danbe 9:45 Habeenimo Chelsea vs Barcelona, Chelsea ayaa Xasuusan doonta Habeenkii Madoobaa ee Ineista.

Kooxaha Bayer Munich vs Chelsea oo lugta 1 Marti loo yahay waxaa looga baahan yahay shabaqa ay ilaalinayaan Casilas iyo Valdez inay wax un ka dhaliyaan natiijo aan looga badina ay keenaan si ay lugta 2 ee ay martida yihiin ay u badbaadaan.

Kooxaha Real Madrid vs Barcelona waxaa looga baahan yahay inay Casilas iyo Valdez ay shabaqooda ka Badbaadiyaan Gantaalaha ay soo tuurayaan Gomiz, Muler, Robben, Olic, Ribery, Dorogba, Tores, Mata, Lambard. Remares.

Waxaa Diyaariyay

Axmed maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 17, 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login