|
|
|
|
|
|
Muqdisho, April 17, 2012—(QOL) – Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Suleymaan “Tubeec” ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda KMG ah ugu jirto soo nooleeynta fanka iyo dhaqanka Soomaliyeed, isagoo ugu baaqay madaxda qaranka in aanay kadaalin baaritaanka lagu ogaanayo ciddii ka danbeysay qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee National Theatre ee Magaalada Muqdisho
Maxamed Suleymaan Fannaanka oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo jooga dalka Denmark ayaa dhinaca kalena ka codsaday shacbiga Soomaliyeed in ay Taageeraan nidaamka hadda ka jira dalka, wuxuuna soo dhaweeyay howlgallada ay ciidamadu ka wadaan Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sugidda amaanka dalka.
Fannaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qaraxii ka dhacay Theatarka Qaranka wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday mashaqadaasi, isagoo dhaawacana u rajeeyay in Allaah uu bogsiiyo.
Sidoo kale fannaanku waxa uu tilmaamay in uu dalka ku soo laabanayo haddii howlaha dowladdu ay sidan ku sii socdaan si uu kaalin uga qaato wacyigelinta bulshada maadaama uu yahay dalkiisii hooyo.
Maxamed Suleymaan waxa uu ka mid yahay fannaaniinta ugu caansan dalkeena, waana fannaan waddani ah oo aad u cod macaan waxaana lagu tilmaamaa ‘Boqorka Codka”.
Share on Facebook
![]() |
Socialize