Garowe Oo Maanta Lagu Ansixiyay Dastuurka Cusub Ee Puntland!

- Garoowe – April 18, 2012 – QOL - Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal loogu Ansixiyay dastuurka cusub ee maamulka Punland kadib munaasabad maanta lagu qabtay magaaladasi, iyadoo goobta lagu ansixinayay ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay maamulka Puntland uu ku howlanaa qabanqaabada ansixinta dastuur cusub oo uu yeesho maalkaasi ayaa maanta Kullan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen boqollaan ergo ah oo ka kala socota bulshada ku nool deegaannada Puntland waxaa si rasmi ah loogu ansixiyay Dastuur cusub oo uu yeesho maamulkaasi.

Ansixinta Dastuurka waxaa goob joog ka ahaa wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka ganacsiga iyo warshada C/wahaab Ugaas Qaliif, Qaramada Midoobay, wakiillo ka kala socday midowga Africa iyo Yurub, kuwaas oo khudbadihii ay halkaasi ka jeediyeen ku muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qaabka loo ansixiyay dastuurka, iyagoo ugu hambalyeeyay maamulkaasi dadaalka uu u galay ansixinta dastuurka cusub.

R/wasaare ku xigeeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo dhaweeyneyso ansixinta dastuurkan taas oo dhabbaha u xaareysa in dalka oo dhan uu ka baxo xilliga KMG ah, isagoo ku amaanay maamulkaasi dadaalka uu u galay meel marinta dastuurkaasi.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Garowe Oo Maanta Lagu Ansixiyay Dastuurka Cusub Ee Puntland!

  1. lacag laaluush ah ayey qaateen..danta shacabka waa in gaajada wax laga qabtaa lacagta waxaa u baahan masaakiin ku tuugsado jidadka Bosaaso garoowe iyo gaalkacyo,, shacabka beenta nolol looga dhgey,, boowe faroole iyo kooxdiisa wey tegayaan, waraaqo la qorey aduunka lacag looga cuney lagu kala qtbinaayo shcabka walaalaha ah talaabadaan wixii keensato faroole ayaa mas,uul ka ah waayo shacabka cadaalad iyo horumar ayey rabaan, mas,uul kasto markuu waqti ka dhamaado ayuu kursiga uu macaansadaa 4 sanno uu joogey wax horumar ah uu ku soo kordhyey ma jirto, howlaha shidaalka waxaa bilaabey dowladii ka horeeysey,, runta waxay thay 60% in dhalinyarada ay waalan yihiin, shaqo la,aan sicir barar aciishada ah. saxaafada looma ogola in ay runta soo tabiyaan saxaafad madaxbaan ma jirto waa kaligiis taliye lacag ku dheeel ah

  2. Cabdiraxmaan Garoowe

    Waa guul u soo hoyatay Puntland iyo Somaliweyn oo dhan

    Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu baal dahah ah ka galay
    taariikhda Puntland iyo Soomaaliya oo dhan

    Puntland waxay hada diyaar u tahay in xoogga saarto hirgelinta
    dastuurka cusub ee Soomaaliya