Koonfurta Gaalkacayo oo lagu dialy qof rayid ah

Koox dabley ah ayaa xalay dil ugu geysatay koonfurta magaalada Gaalkacyo nin rayid ah. Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay oo ku hubeysnaa qoryaha AK 47 ay rasaas la dhaceen marxuumka xilli uu ku sugnaa goob shaaha lagu cabbo oo ku taalla koonfurta magaalada.

Dilka marxuumka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil, waxaana goobta ka baxsatay dableydii falka geysatay.

Ciidamada booliska maamulka Galmudug ayaa baaritaan ka billaabay halka uu dilka ka dhacay, walow aysan jirin cid falkaasi loo qabtay.

Taliyaha ciidanka booliska ee qeybta Galmudug, Maxamed Nuur Cali ayaa ayaa sheegay in ay socdaan deddaallo lagu dhexdhexaadinayo beelo ku dagaallamay waqooyiga bari ee gobolka Mudug.

Falalka dilka ah ee la xiriira aargoosiga qabiil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanayay gobolka Mudug.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login