Gudiga Amaanka Qaranka Oo Villa Somalia ku shiray

 – Muqdisho – April 19, 2012 – QOL -  Gudiga Amniga Qaranka dawlada Soomalaiya ayaa kulan xalay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaasoo muddo saacado badan socday, waxaana looga hadlaayay sugida amaanka guud ee caasimada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa gudoominayay madaxweynaha Soomaliya Sh shariif Sheekh axmed waxaana diirada lagu saaray kor u qaadida amaanka guud ee muqdihso iyadoo dhawaan lagu wado in magaalada muqdisho ay ka dhacaan shirweynihii ansixinta Dastuurka iyo soo xulida Baarlamaanka cusub ee dawlada soomaliya.
Shirkaan ayaa ahaa mid saxaafada aan loo ogalayn balse markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta dibada kula hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaliya C/samad Macalin Maxamuud oo sheegay in arrimaha ugu weyn ee diirada lagu saaray shirkan ay aheyd in la adkeeyo ammaanka muqdisho ka hor inta aan la gaarin xiliga kala guurka.
Sida uu sheegay C/samad Ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa laysla gartay in ay ka qeyb qaataan adkeynta ammaanka goobaha shirka ansixinta Dastuurka uu ka dhacayto iyo dhamaan halka ay dagayaan martida aftida u qaadaysa ansixinta dastuurka Soomaliya.
Shirkan ay xalay ay yeeshen gudiga amniga qaranka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan lagu wado magaalada muqdihso in ay soo gaaraan ergooyinka ansixinaya dastuurka soomaliya iyo isimada soo xulaya barlamaanka cusub waxaana dhanka kale ka soconaya magaalada muqdisho howl gal ballaaran oo Ciidamada nabadsugida ay ka sameeyeen Caasimada Muqdisho.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.