Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay xalay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Dayniile

 - Muqdisho – April 20, 2012 – QOL - Taliska Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howl gal milateri qorsheysan oo xalay ay qaadeen Ciidamada ka socda Brundi ku qabsadeen Garoonka diyaaradaha degmada Dayniile, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM oo uu ku saxiixnaa Taliye kuxigeenka Major Jen. Audance Nduwumunsi ayaa lagu sheegay in weerar xalay ay qaadeen ugu suura gashay inay la wareegaan garoonka diyaaradaha.

Jen. Audance Nduwumunsi ayaa sheegay in Ciidamadooda aanay iska caabin xoogan kala kulmin Al-Shabaab, hase ahaatee garoonka diyaaradaha Dayniile uu ahaa goob Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada.

“Howl galkii xalay oo ay qaadeen Ciidamada Brundi ka socda waxaa kula wareegnay garoonka diyaaradaha Dayniile oo Al-Shabaab ku sugnaayeen, waa tallaabo muhiim inoo ah inaan qabsano garoonka diyaaradaha”ayuu yiri Taliye kuxigeenka AMISOM.

Inkastoo aan War saxaafadeedka lagu sheegin qasaare ka soo gaaray howl galkaas Ciidamada AMISOM, hadana ma jirto war ka soo baxay Shabaab oo ku saabsan sheegashada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa dagaaladii ugu cuslaa kala kulmay degmada Dayniile, tan iyo bishii October ee sanadka hore waxay aheyd meel ay aad ugu riiqmeen Ciidamadooda, halkaasoo looga dilay in ka badan 60-askari oo ahaa Ciidamada ka socda dalka Brundi.

Hase ahaatee todobaadyo ka hor weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degmada qeybaha ay ka joogeen Al-Shabaab ayay mar kale ugu suura geli weysay inay guud ahaan la wareegaan degmada oo idil, waxaana jiray iska caabino xoog leh oo ay kala kulmayeen dagaalyahanada Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee sheegashadan cusub ee ka soo yeertay Taliska AMISOM ayaan ilaa iyo hada jirin war ka madax banaan oo xaqiijinaya la wareegitaankooda Garoonka diyaaradaha Dayniile.

Mohamed Ibrahim Ayaanle | Qaranimo Online | ayaanle19@gmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login