Dastuurka Puntland & Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!

OPINION / FIKRAD – Dr. Ali A. Hiraabe - Akhristow ma aqrisay dastuurka Puntland lagu asnixiay mise ogtahay in dastuurkaa uu yahay mid qayaano qaran ku ah midnim  umada somali,haddii aan dib u milicsano dastuurka Puntland waxaa u qorayaa in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad dastuurka,haddii aan soo qaadano qodobo faro badan wax aad arkeeysaa sida wax loo qoray in aay tahay teeyda anaa leh taadana kula lehi, kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Somali ayaa leh khayraadkeedana  Somali ayaa leh.)

2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah. (dowlada dhexe awoodeeda in gobol sheegtaa waa qalad.)

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. (teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha.)

4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.

5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobada qaar waa kuwa laga naxo sida: qodobka 1 aad Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya. (Macnaha dowlad goboleed maaha ee waa dowlad.) dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland. (ma qabiil baa jinsiyada maxeey tahay sow Somali maaha ma Ethiopian baa  ??)

qodobka 2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.

Waxaa ugu darnaa uguna foosha xumaa iswaafijinta dastuurka Puntland iyo dastuurka federaalka ee Somaliya sida aay u dhigeen,haddii aad aqriso waa wax umada aay ku ah ceeb iyo xishood dari iyo jahli aad ugu fog, waxaa ku qornaa sidaan

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo

Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.

2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan

Barnaamijka cusub ee uu wato C/weli waa mid laga dhaxlay C/aahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin,waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka r/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa ??? haddii uusan waaleeyn waa xishoon lahaa ,dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Proff C/weli maxaa u wehliya aqoontiisa 1,2,3,

Waxaas oo idil waxaa maleegay Mahiga.Faroole  iyo C/weli oo u adeegaya danaha Puntland,geeridii C/aahi waxaa aay dhashay in siyaasad cusub uu abuuro C/weli kuna hoydo Gaalkacayo si uu u mideeyo Gaagaab, Faroole iyo Cabdillaahi Siciid Samatar oo ahaa ragii isku haysaty dhaqangelinta dastuurka Puntland iyo xiliga kala guurka Puntland ,waxaa xaqiiq ah in C/weli bixiyay 20 malyan oo dollar si loo xaliya siyaasada Puntland laguna midoobo ujeedada danaha fog ee C/weli ka leeyahay dib u dhiska Puntland, Gaagaab maxaa aamusiyay ??? waxaad mooda in dhana uu ugu ololeeynayo dastuurka qabyo qoraalka si loo asixiyo dhanka kalena Puntland uu u diray wasiiro dowlada federaalka ka mid ah si loo soo ansaxiyo,odoyada Puntland oo dhawaan iman doona Muqdisho waxaa aay wadaan olole ah in  loo  codeeyo dastuurka qabyo qoraalka halka umada inteeda kale aayan ka warqabin danaha fog ee Puntland ka leedahay u codeeynta dastuurka qabyo qoraalka.

Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo qoraalka ah ???  Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa  amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.

Sh.Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi,waxaa hubaal ah in shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. 

- Alow sahal umuuraha –

 Dr.Ali.A.Hirabe                       Hirabe_a@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 20, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

29 Responses to Dastuurka Puntland & Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!

  1. Asc dhammaan,
    Aniga waxan dhihi lahaa dadka dagan Waqooyi Bari Somalia ama
    Puntland waa dad soomaali ah oo la dan ah walalaha somalida kale
    Hase ahaatee, hoggaanka maamulkooda ayaa ah mid wax kale is mooday
    anigoon kala qaadin qabiilna sheegin dadka siyaasada kasoo gala goboladaas (WB)
    waxaa ka go’an ama ku himiyaan iney soomaalida kale xakumaan, aqligooda fahan
    ama ha fahmin, diid ama ha diidin, taas waa mid, mida kale waxaad moodaa waayahan
    dambe in aan la isticmaalin aqoonta siyaasadda ama qaanuunka wadankaan (Somalia) u
    yaala waxaana muuqda in qabiil kasto meel iska ootay waliba ay meeshiisa kala qiimo
    badan tahay dal weynihii Somalia, tusaale DASTUUR yaa sameysta dabcan waa dal,
    waqoyi bari ma dalaa mise waa maamul goboleed,? sida la sheego maamul goboleed
    laakiin u muuqda inuu isu diyaarinayo dowlad gaar ah! ayadoon cidna lagala tashan,
    waxaan ku talin lahaa 2 arrimood, 1) dadka koofurta somalia iney maamul ka baxsan DFKMG
    sameestaan colaadda dhexdooda ahna ka gudbaan, 2) dadka waqoyi bari iney sii adkeeyaan
    nabadda iyo horumarkooda laakiin ay ka digtoonaadaan wixii midnimada Somalia qalqal iyo
    fowdo galin kara oo aysan fiirin maamulkooda iyo inta yar ee u oodan,
    midna dadka commentiga qora aan dhahee qoraaga qormadaan Dr Hilowle yaan aflagaadeen waayo
    ah qormo kasta oo la soo bandhigo waxay leedahay meelo ama ilo laga soo tixraacay fikirka qoraha markii
    laga reebo cadeymaha kale oo dhan waa la heli karaa ee ka gudba qabiil jecleesi, iyo gobol jecleesi,
    u gudba diin, qaran iyo dal jecleesi. WAANO AMUURISAA KA HORESAY
    Wabillaahi Towfiiq

  2. Puntland weey tagtay oo wey tilaabsatay maantay Puntland illahey mooyaanee cidna uma baahna ee yidaa loo baahan yahay
    mandiqad meel kasta ka dhisan oo dimiqoraadi ah oo hormar iyo kala danbaayn ka jirto weeyaan
    shiidaal la qodo iyo dekad la dhiso iyo caafimad laga shaqeeyo ayan ku jirnaa umadna weey is qarxinayaan kuwooda fiyaaw caqli xumaa hayso sida qofka wxn soo qoray oo kale
    Puntland iyidaa la hoos imaanayaa
    markasta coz dowlada TFG Puntland ayaa dhistay

  3. War ninkaan wa nin cancer qaba wana nin ducfinimada iyo qabyaalad dilootay
    marka noocaan wa kuwii la’iska fogeen jiray tuur cas kula yaabi meeyno reer mogadisho 22yrs ayaad jugta isku heyseen marka wad tashan weeyday wa in laguu taliyaa!
    Puntland iyo dastuurkeeda iyo qeeyraadkeeda iyagaa iskaleh wa heer iyo siyaasad ee gaareen ee calaacalka meelahaas la’aad!
    Puntland weey shan iyo taban jirsatay
    reer mogadisho maxeey qabanayeen
    halkee jireen aduunka meeysan ku sugnaayn miyaa mise aduunka waxa la horkeenay reer puntland sidaas ayee heer ku gaareen kkkkkkkkkkkkkkk
    jaahil aan damiir iyo damqasho lahayn ayaa tahay
    markaad Madaxda reer Puntland ku masha quuleeysid maad fiirisid gurigaaga sida uu u gubanaayo iyo dabka ka baxaayo iyo fool xumada taal damiir hadaad lee dahay wad ka xishoon lahayd wax yaalaha qaar
    hadaad tashan weeydo wa laguu talinayaa sidaas markasto qalbigaaga ku haay!!!!!”””!!!!!!!!!!!!!

  4. Dr. hiraabe, Kudayo puntland wax badan baa kuu hagaagaya runtii.
    maanta waxa somali oo adiga aad kujirto ku bad baadiyey waa punland.
    u ducee puntland.

    cheers,
    Sharif

  5. walahi waxan ka yabanahay dadkan intaan oodhan ay kubixinayan in aay kumashquulam wadan kaan barwaqo sooran ka ah ee Puntland maad hoostiina firisaan ayadaa idiinka baahan in aad wax kabadashaan teda kale Puntland uma baha somali iyo bini adan kale ba dadkaasi waa tageen Horumarkoodana wax wiil yar oo qurub ku kharwaya uu u dhimi karo mahan ee ha kadheereenina hoos kiina

  6. Dr. Dhurwaa waa Waceysle oo berigii Darood la laayey oo xaq darada lagu laayey Waceysle saddax Bilood ayuu ka dambeeyey Daarood Hawiyena HANQOOL bey ku hayaan Waceysle ilaa iyo hadda .NACEEB baa indho tiray ee waxaan u sheegayaa Dr. Dhurwaa KU DAYO PUNTLAND.

  7. Mooryaan maxa warkiisa laga qiimayn. Kuli waa naqaan duqaan Hiraabe ee jaahilka ah

  8. Duqaan Hiraabe waa naqaan. Waa nin lagu yaqaan tuuganimo(mafia), nacasnimo, fuleynimo

  9. Sir fakatay, waxaad ku tashateen ergadii Puntland ka timid ee u timid iney dastuurka wax ka ansaxiyaan 150 nin oo hubeysan ayaad suuqa xamar ku soo daadiseen si aad u leysaan, halmar waxa idinka qaylasiiyay wax yar maha, lakiin waan garan karnaa waxa idinka qaylisiyay hal mar waxay tahay, haddii dastuur la sameyo sharcigaa idin qabanaya oo tuugo dambe iyo kufsi ma jirayo, malayinka dollar oo add Kenya kaga shaqeysataan xagged ka keenten Dr. Hiraabe tuugo iyo xaraan ayaad ku ballanteen marka dowlad iyo dastuur inay yeeshan waa habenkii xalay ahaa oo tagay ee meesha hanugu xiijin, marka taas haddii aad diideen maxaa Puntland u eg? Puntland maalinka Dastuurka la diido waa iney gooni isu taag ku dhawaaqdaa, qof walba oo Puntland ka soo jeeda waa in uu ka soo baxaa Xamar, haddii uu diidana isaga ayaa nabadgalyadiisa sugan doona ayaan filayaa. Haddii Illahay awooda lahi ogolado waa inaad waddankiinna iyo khayraadkiina xogga saartan cidii Soomalinu ogol oo rabta iney Punland ku nooladan ama ka shaqeystaan waa in la soo dhaweeyaa, Khatumo haddii ay rabaan iney mamul sameystaan waa in gacan lagu siiyaa waa waxagii wax Alla kugu dar, booskii ay beneeyen waa in Lelkase galaa, Khatumo khayraadka ku jira waa in la soo saraa, cadawada ay qabaan oo kale waa in aysan sinaba noo galin, laakiin waa in laga tashadaa dadkaan Dowladd ma rabaan, Faroole oo ay ku dharteen iney dili doonan sacad ayuu leeyahay sacadiisa wax looguma darayo iyadana intaas ayaan uga baxay, Soomali inta waxgaradka ah, iyo inta Soomalinimada jecel qoralkan ma khuseyo. Wa Bilaahi Towfiiq.

  10. webside kasta oo aan galo waa iga horreysa adiga si naag maseyr galay Puntland ku washay, meeshii aad ka soo baxaday iyo marxuumkii ku dhalayba waan aqaan lakiin marabo in aan waxka sheego Dr. Hiraabe hadii aad guri fiican ka timid anshaxaaga laga garan lahaa,nacaybka aad qabto maha xataa mid dawadiisa la heli karo, weligey kuma fakarin inaan wax laga soo tagay wax ka irahdo caqlise haddii aad leedahay waxaan ognahay inta aad sameyseen ma aad hadasheen away Schooladii, away talooyinkii, away isbitaladii, away guryihii aad dhacdeen, away gabdhii aad xoogten,away Qarankii Soomaliyeed miyaa la idin weydiiyay? waa maxay Dasturka aad ka hadleyso, haddii aad siyasad la socoto xoolihii Puntlad Xamar ayuu Cabdullahi Yusuf Allaha u naxariste ayaa keenay laba Cali isma weydiin, haddii Cilmiga aad ku faaneyso aad leedahay ummadd walaalahaya, kula diin ah, kula dhaqan ah sidaas uma nacdeen, Ma layabaa in Cabdiwali inuu Madaxweyne ku noqdo, maha wax aan ogaan karno waa wax Illahay gacanta ku hayo.

  11. Ninka wax ka qabaa qoraalka ama sax ama qalad waa in aad qortaan wax ka duwan ama aad u duceeysaan Dr.Hirabe xaqiiqada uu qoray.

  12. rooraaye cadoow uul

    ninka isku sheegay dr hiraabe ama dr waraabe waxaan xasuusta waagii cabdulaahi yuusuf madaxweynaha ahaa mucaarad buu ahaa ilaa hadana weli waa mucaaradnimo war wax waa la dhaliila laakiin ilaa iyo yoomal qiyaamo ma dhaliil baa lagu jiraa
    sheeq shariif oo madaxweyna ah ma mucaaradnimaa wadaa weli haawiye weligii waa ciilqabaa xumaan iyo cuqdada soomaali halkaas waxaaa dhigay waa dr waraabe iyo wax la mida ah war wax isku fala saan talo ma ahee

    • aan ku saxo mucaarad ma aha ee nacayb hal beel .
      waxaa fiinayd in uu geliyo wakhtigiisa wax dan u ah naftiisa aduun iyo aakhir.

  13. nacas wax ma yaqaanpuntlandtast uur waay qoratay cidna hor istaagi maayso……….somaliana waan u qorayna wiliba dastuur puntland hoos yimaada………….dee halakala danaaysto…

  14. vivo Hirabe

  15. Max´´ed Maxmud

    Dr.Hirabe runta umada ma jecla ,dhagdheer puntland dastuurka aay qoratay ee u Dr.Hirabe soo bandhigay ma beenbaa ?? xaqiiqda ayuu umada u soo bandhigay weligiisna sidaa ayuu ahaa,haddii aad naqdiyeeysid fadalan soo qor waxa ka maqan dastuurka Puntland iyo in waxa laga qoray aay been tahay,nac-nac iyo shaqsiyada Hirabe iska dhaaf ,taasi waxaa aay cadeeyneeysaa in aqoontaada aay liidato,nin xil qaaday Eedqaad haddii C/weli dabi galay macnaheeda maaha waxba lagama sheegi karo,dib ula noqo ogow in Dr.Hirabe yahay wadani weligiis jiray xaqa ka hadla xumaha diida.

  16. xaqa iyo runta laga xishoodo ,,,qabiilka majeerteen waxay heleen fursad fiican kamana faideysan waxay maanta mar kale horseed u noqdeen in ay soo celiyaaan taariikh hore markii xoriyada la qaatey waxay heleeen fursad tan la mid ah… waan la soconaa wuxuu sameeyey R W abdirisaar haji xuseen ,, musuq maasuq xilalakii dowlada meel walbo dhaqaale leh la geeyey wiil majeerteen asagoo aan aqoon laheen, marka saaxiib qabiilkaan waa qabiil leh in yar oo fiican waxaa ku badan in dulmiga iyo xatooyada jecel laaluush, been lugooyo, dhul iibsashi dagaal aan maqno laheen,cadaaow iyo kala qeybin qabiilada kale si ay dantooda u garaan, faroole waa afxumo aan aqoon siyaasad, waxaa ka dambeeyo kooxo jooga dubai iyo kenya saxiibayaal waa nasiibdaro 22 sanno ka dib in laga shaqeeyo in dagaalo cusub ay bilowbmaan Baddii iyo dhulkiina waa la iibgeeyey,

  17. SALAN KADIB WAXAN CANBARAYNAYA NINKA LAYIRAHDO DR HIRABE EWAR NACASYOW DANAHADI GARO EE FARAHA KALABAX DANTA GUUD EE PUNTLAND MAXAD KARABTAA PUNTLAND LANGABYOW LANGABKA DHALAY WAN KUGARANAYA RONTII MARKA PUNTLAND LA ANTEEDA WAXBA SOCONMAYO EE MAXA NAGAGALAY SOMALIYA INTEDA KALE. MARKA WARYAA SHAQO YESHA ORDA EE HAKUMASHQUULINEE PUNTLAND BYYYYYYYYYYYYYYY

  18. Dr. hiraabe, waxaa la gudboon inuu aqootiisa iyo dadaalkiisa isugu geeyo sidii koonfur loo nabadeyn lahaa oo maamul loogu sameyn lahaa.
    weli ma arkin dr. hiraabe oo tusaaleynaya in wax la hagaajiyo ,inuu qaar dhaliil la daba taagnaado maahee. waxaa la yiri ninkaad kabo ka tolaneysid kabahiisaa la eegaa..haddaadan talineynin,laguuna talineynin,waa lagaa tashnayaa, mise waxaad leedahay ,laygama tashan karo.

  19. ASCW

    Waxaan halkaan kaa salamayaa Ummadda Somaliyeed oo idil, iyo labadan wiil oo Soomaliyeed oo ilaa iyo hadda aan u arko dad Islam ah oo xagga ku dhow, colada Soomaliyeed ka xun waxaana rabaa sua’al uu isoo weydiyay laba wiil midkood inaan ka jawaabo. Haddii an wax yar kaga sheego Dr.Hiraabe ilaa iyo dagaalkii sookeye haddii uu tagnaa kala fogeynta Soomali iyo colaad gurigiisa iyo carrurtiisa ayahooda ha layla eego, tan kale oo ah dastuurka Puntland, dastuurka Puntland ay sameysteen waa kii 1988 la sameyay oo wax yar lagu kordhiyay mana aha mid Soomali ay wax ku yeelayaan kuna yeeli karaan, khayraadka Puntland waxaa iska leh Soomali oo dhan mid ay diidi karaana maha. Waxaan kaloo rabaa inaan idinkaga sheego halkaan Puntland waxaa wada sameystay qabiilo badan oo Harti ah iyo Lelkase Dr. Hiraabe marka aad ka hadlayso Puntland ha la soo boodin Majeerten, xumaanta aad u qabto aaniga waan ogahay wagii Gahayr aad dhiganayse qisadii gabadha Majeerten aad kala kulantay anigana waa ogahay Rabbigayna waa ogyahay. Walalahayo Reer konfur waxaan u sheegayaa shalay ayuu jahil, aan daamiir lahayn qabyaalad kala iibsaday qabiil si uu xoolo noogu aruursada ayaheeda waa aragnay, baraf ayaa na dilooday dadkennii Qurba joogta ahaa caruuraheeni xabsiyada ayay ku jiraan intii hartayna waa 20 jirro aan oraneyno ma cadayateen war school ka haka daahina, inta yar yarna waxay qabaan cudurro aanan halkaan ku soo koobi, Autism, Down syndrome, Mild Intellectual Disability, Attention Deficit Disorder, Develomental Disability iyo inbadan oo aan soo koobi karin, gabdhahenii xalkoodi waa ogtihiin asaydii Amina Weheliya xiratay ayaa no eg inaan xirano, kooxdii qaylo dhaan, iyo Amiin Camir mooyee cid kale malawayay, iyo Fanankii weynaa Axmed Naaji, nin walba wuxuu sameyay tariikhdaa qori doonta, Dr. Hiraabe adigana waxaa kan kaga tagay Soomali inaad u kala qaybiso Khalaf iyo Jalaf.

    Shekh Ali Cumar iyo Sharifow

  20. Ali JImcale Jayte naceebkaan cunsuriyada ku salaysan maad ke hertid.
    Puntland way sii koraysaa iyo horumar baaxadleh na way ku talaabsatay. waxaba kama qaadi kartid wax iskula har .
    shakhi ahaan diyaar uma ihi in aan wax ka sheego qabiil somaliyeed waayo waa la bartay casharkaas qabyaalada iyo cawaaqib xumadiisa.
    ka waran maanta somaliya waxaa la keenay cidamo afrikaan ah si ay u kala celiyaan somali maxaan sharaf oo aan leenahay , .

  21. Sheekh Cali Cumar

    Dr.HIrabe cida uu yahay umada waa ogtahay,ilaah ayaan ugu baryaayaa qidmada uu u hayo somali in uu nuurka ugu daro,DHAGDHEER waxaa lagaaga baahan yahay qormada uu Dr.Hirabe qoray ma saxbaa mise been ayuu ka sheegay Puntland,Dr.Hirabe waxaa uu soo qoray waxa aay ku sheegeen Puntland dastuur iyada ayuu naqdiyay xaq ayuu u leeyahay,aqoontiisa wax ma qarsana waa Dr ,1991 ilaa iyo maanta ayuu ka faaloonayay arimaha somali waana ninka kaliya xaqa ka warama,TIMMS ,webka Mudulood,webka Un ka webka Qaranimo,webka Keydmedia iwm ayuu ku qoraa arimaha somali ilaah ayaan kuu baryaayaa in uu ishooda kaa xanibo kuwa aanan xishoon.

  22. waad mahadsanatahy dr.hiraabe aniga shariif waxaan tufay markiic\llahi yusuf uu yiri aas qaran haloo sameeyo markey prf.geedi iyo melas zanawi dhintaana aas qaran ha loosameeyo ayuu dhehi doonaa tan kale hadii puntland ey tiri dastuur ayaan sameysatay maxay dkmg ugu jiraan ma xishoodaan miyaa,anigse hadii goroowe iyo hargeysa goostaan soomaliya daruur baa u da’dey

  23. ASCW

    Waxaan rabaa halkaa in aan ka salaamo Ummadda Soomaliyeed, waxaana rabaa inaan uga digo ineysan faii’do lahayn in jinsi ama dad Soomali ah oo wax ay galabsadeen anan jirin la cayo, ama jiritaankooda wax laga sheego, waxaan rabaa inaan idiin sheego Soomali iney tahay dad is wada taqaana, isku xiran, qarabo, xidid iyo ehelna wada ah. Waxaan rabaa inaan idiin sheego aniga oo shaqsiyadiisa wax u dhimayn una gafeyn Dr.Hiraabe qofka uu yahay, Dr Hiraabe waa nin Abgaal ah, reer Matan ka ah, magaciisana waa Ali Ahmed Hiraabe Jimcaale Jeyte Janaqow Abekar Gaab. Hooyadii waxaa la yirahdaa Eddo Xalwoy, xaaskiisa waxaa la yiraahdaa Dheeh waana gabar Cayr ah, wuxuu Xamar ka daganaa Xafadda XamarJajab, haddana wuxuu ku noolyahay Sweden. Waxaan kuu sheegaya qoraladada nacaybka la buuxo inaad apology ka bixiso.

    Wa Bilaahi Towfiiq.

  24. ASCW

    Salaanta Islamka kaddib waxaan Illahay uga baryayaa dadka Soomaliyeed meel kasta oo ay joogan abaaraha iyo coladaha ku fogaaday inuu ka dul qaado, haddaan u jawaabo qowlesatadan isbahaysatay waxaan oran lahaa reer Puntland waa dad Illahay u hibeyay aqoon, kala dambeyn iyo wanaag oo Illahay u hibiyay, saddexda nin oo aad magawdaydana hadii Abdiwali Heshiisiyay ama aad adiguba colaadooda aad ku farxi lahayd waa niman isku abdirsinyo ah waxay is jiraan laba qof oo Agoon Yare ah inta ay isu jiraan, marka caloosh haka ooyin waa oday dhashiis. Puntland sida ay shidaalka u hesheen waa ku waalaten sacadan laga bilaabo magacaga Nur oo ay aad reer Barigu u jecel yihiin waxaa loo badalay Al-nur madaama ay gas heleen ka naxo nafta waa. Midda kale madaxweyne Sharif Allaha daayo Magacii ha jiro Puntland wixii ku soo arkay ayuu kula dhaqmay, sheekadiinii hore oo ahayd qaraxii Abdeweli ayuu ka dambeyay miyay idin socon weyday? Adiwali iyo Shekh Sharif waa naf qura ninkii aan ogeyn haddaba ogow. Miyaadan la socon in Dr. Abdiweli Harvard University uu ka baxay ninka la Cilmi ah oo la tartami kara waa sugaynaa? Dr. Hiraabe oo aan u maleynayo inuu ka baxay jammaccadda Wardhigley isaga waxaa axdiga uga baxday gabar Majeerten ah sheekadiisa waa la hayaa, Hawiye, Darood mar wey isku dhaceen, wayahanse waa walaalo is dhaarsaday.

  25. ninkiina profesorka ah haduu caqligiisu intaas le egyahay hawiye waa u dhamaatay. puntland iyo darod waligiin kama hoos baxaysiin. sababtoo ah intii aad siyaasada cayaari lahaydeen oo adinka nabad iyo dastuur iyo maamul sida puntland iyo somaliland ayaad ku heysaan muxu saan u suubinayaa blahblah war hurdada ka kaca oo caasumada nabad kadhiga adinkaa somaliweyn ka ceyriyaya hadan somaliweyn adinkay idin sugaysaa nin meel saxara ah xaaq xaaqday ayaad ka baqaysaan

  26. Waa Ra’yi iyo Su’aalba iga ah … Ma’idin la’ahaan karta arimahan waxa ay B. Land u sameynayaan isla weynidi waligood ku jirtay iyo in ay ka tahay :- 1. Ficil hoosaad ay kula jirto Soomaalidda inteeda kale iyo iyaga oo ka Dabaaqtamayo in markoodi hore ay Doon keentay. Sidaasi darteed ay ku Xalaashana rabaan Ulajeedadda ay Dastuurka ku Qorteen. Haddaba malaga yaaba rabitaankaasi aan Xishoodka ku Dheehney in markaasi ay ka ogolaan karayaan Soomaalidda inteeda kale … ! ? Mise waxa ay reer B. Land dantoodu tahay in markale ay soo Celiyaan Dagaalki Hawiye iyo Daarood haddiiba ay sameysteen Dastuur iyaga u gooni ah … ! ? Wax kale malihi, “SOOMAALI DIIDOW SILAC U DHIMO.”

  27. ASW aad ayaan ugu mahadcelinayaa Dr.Hirabe qormada taariikhiga ah ee uu umada u soo bandhigay,Faroole iyo Cabdiweli somali dan kama laha waa shaqaale u shaqeeya danaha Puntland oo kaliya,fadlan somaliweeyn waxaan qabaa in ninwalba oo Puntland ku abtirsada laga soo masaafuriyo goboladakoonfureed,majeerteen iyo inta ku hoos nool waa in loo diidaa koonfur in aay wax ku yeeshaan,wax ka noqdaan,fadalan intaas ayaa ku filan,bal buuaha boosaaso iyo qardho iimansada,shariif aqoontiisa ayaa yar qormadaan wax badan ayuu ka fahmi karaa,Dr.Hirabe ilaah hakula jiro sii wad qormada xaqiiqda ah si umada aay u aragto xaqa.wbt

  28. qiyaanada faroole iyo mahiige,, in aysan somali degin weligeed wasiiro maamul goboleed maxaa ka quseeya shaqo dowlad dhexe maxayse ku darsatey dowlada dhexe,, dhaqaale puntlad siisey ama canshuur ka timid waxay rabaan25% wax walbo ayagoo naf iyo maalna bixin tuugo qaramada midoobey iyo faroole