- Muqdisho – April 20, 2012 – QOL - Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa hadda dadka siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan in qorshahaasi laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado kadib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha, Guddomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha la sheegay in ay wadaan in mudo hal sano ah loogu daro Dowladda Federaalka ee haatan jirta.
Waxaa bilowday muran ku aadan Dastuurka iyadoo maalmahan ay jireen mucaarado weyn oo lagu hayo Dastuurka Dowladda Federaalka kadib markii Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ay sheegeen in dastuurkaani uu yahay mid aan ka tarjumeynin xal u helida arrimaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dastuurkaani uu yahay mid mudo soo jiitamay kaas oo lagu bixiyey malaayiin Doolar, sidoo kale waxaa socda mucaarado kale oo ku aadan RoadMap-ka iyadoo mar aan Xildhibaanada wax ka weydiinay arrintaan ay noo sheegeen in qalalaasahaan ku aadan dhanka Dastuurka ay wadaan xildhibaano u adeegaya mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda, kuwaas oo doonaya in Beesha Caalamka ay ka dhaadhicayaan in mudada saddexda bilood ah ee dowladda u harsan aan lagu dhameystiri Karin meel marinta dastuurka iyo roadmap-ka.
Shiikh Shariif, Shariif Xasan iyo Cabdiwerli Gaas ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta waxay noo sheegeen in ay bilaabeen in ay kiciyaan qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta soomaaliyeed si ay ugu ololeeyaan in waqtiga gaaban ee ka harsan xiliga kala guurka laga dhaadhiyo beesha caalamka in aan la qaban Karin doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, sidoo kale guddiga Dastuurka oo mudo dhaqaale badan ku cunay arrinta dastuurka ayaa iyana waxay wadaan olole ay ku doonayaan in mudo sanad ah loogu daro, iyagoo sheegay in aan dastuurka la gaarsiin qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliyeed sidoo kalana aan la gaarsiin qurbo joogta Soomaaliyeed.
Muranka ku saabsan Dastuurka iyo Road Map-ka haddii ay si socda waxay Qaar ka mid ah Xildhibaanada noo sheegeen in ay fursad u tahay Shiikh Shariif, Shariif Xasan , Gaas oo iyagu doonaya muddo kordhin sidey u dhacdey Sannadkii tagey ka dib markii ay is qabsadeen Masuuliyiinta Dowladda taasoo sababtey in mddo sannad ah loogu daro islamarkaana meesh laga saaro Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hase yeeshe Shirkii London 23 Feberaayo Khudbad ay jeedisey Xoghayaha arrimaha Dibada Mareykanka waxay afka ku balaarisey in aan mar dambe la aqbali karin Muddo Kororsi kale .
Mohamed Ibrahim Ayaanle | Qaranimo Online | ayaanle19@gmail.com
Share on Facebook
![]() |
horaa somali badan u sheegeen.. in laba shariif ,gaas iyo mahiige, aysan rabin xal somali,, waayo waa tuugo ka taajirey dhiiga shacabka iyo gaajadooda,,,,maxaa isku xirey dastuur iyo inla doorto madax weyne iyo gudoomiye barlamaan,,, waxaa kaloo la yaabey in lacagta ka soo gasho Dekada iyo airporka iyo canshuuraha mogdisho la geeyo puntland faroole
taas oo ku cad lacagihii soo galey meesha ay aadey,, waxaad aragteeen nin lagu qabtey asagoo laba milyan wato garoonka adan cadde,,, walaalayaan..kooxdaan waa rag is biirsade kana taajirey gaajada iyo geerida shacabka,, waxaan cad dulmiga faroole sharafkii dowlada dhexe waxay laheyste u noqotey dad aan laheen damiir, dalaaliin iibgeyey dhulkii iyo badiii kooxdaab oo sii jooogaan waa dulmi lugooyo bur bur kale dagaalo cusub aan argney saan saantooda waxaad arki doontaaan qabiilo cusub ooo dagaalo cusub ka dhex dilaaco mustaqbal madow niyad jab weyn in wadankii la boobo lana qeybiyo soamalyey wanaaga iyo wadaniyad wanaagsan ayaa loo baahan yahay diintooo la bilalaqeytey balaayo joogta noqotey tuugo taajirey