WAR DEG DEG AH:-Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab oo miino ay ku aasayeen xaafadda KPP ay la qaraxday (Dhageyso)

  – Muqdisho – April 21, 2012 – QOL - Kooxo katiran Maleeshiyada Al-Shabab ayaa goor dhow waxa ay miino ay dhigeen xaalada KPP ay kula qaraxday xaafadda KPP ee degmada Hodan ayadoo qaraxaasina uu qasaare ka gaaray Maleeshiyaadkii aasayey.

Afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha hogaanka baarista dembiyada ee CID Cornel C/laahi Xasan Bariise ayaa tilmaamay in Seddex ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabah ay miino ay aasayeen kula qaraxday xaafadda KPP islamarkaana laba ka mid ah kooxdaasi miinada aaseysay ay waxyeello lixaad leh goobta kasoo gaaray.

 Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Uu Radio Muqdisho Siiyey Afhayeenka
Ciidammada Booliiska

Cornel C/laahi Xasan Bariise ayaa tilmaamay in Seddexda ruuxba ay hada gacanta ku hayaan laba ka mid ahna waxyeelo uu qaraxaasi gaarsiiyey waxaana uu xusay in midkood uu qaraxa dhigay indho la’aan oo labadiisii indhood ay ka dhaceen halka kan kalena uu sixun isna u dhaawacanyahay Seddaxdoodana ay hada hayaan oo la dabiibayo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay miino ay aasayeen ula qaraxdo Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabab ayadoo miinadaasina ay ku geeriyoodaan kuwa aasayey.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login