Madaxweyne Shariif oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Ciidamada XDS Oo Lagu Qabtay Sugunto Liido

 - Muqdisho – April 23, 2012 – QOL - Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta ciidanka xoogga dalka Ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dalka.

Munaasabaddan lagu xusayay maalinta ciidanka XDS oo ku asteysneyd 12 ka bishan April ayaa waxaa lagu qabtay Sugunto Liido iyadoo ay ka qeyb galeen Madaxweymaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif, R/wasaare C/weli, wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab, taliyaha ciidanka xoogga dalka C/qaadir Sheekh Cali Diini, Abaanduulaha ciidanka C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan”, Fannaaniin iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamada XDS ayaa fagaaraha sugunto Liido socod gaaddo ka ciyaar ah ku soo bandhigay iyadoo ay ka muuqatay xirfad iyo aqoon sare oo Ciidannimo, taas oo ay u riyaaqeen madaxda iyo dadweynihii ka qeybgalay munaasabaddaasi, waxaana xusid mudan kooxda bambeyda oo halkaasi ka garaaceysay Musig iyo fannaaniinta horseed ee ciidamada XDS oo qaadayay heeso aad u qiiro badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay Ciidamada XDS ayaa hadal ka jeediyay munaasadda, isagoo ugu Hambalyeeyay ciidanka XDS sanadguuradooda 52 aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay iyo horumarka ay ka sameeyeen howlgallada ay dalka ka wadaan, waxa uuna Madaxweynahu u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo.

R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo xafladda ka hadalay Ayaa sheegay in dowladdu ay ahmiyad siineyso dhismaha iyo tayeeynta Ciidamada, isagoo ku dheeraadahay muhiimadda ay ciidamadu u leeyihiin difaaca dalka, waxa uuna ugu hambalyeeyay ciidamada XDS Sanadguuradooda ay maanta u dabaaldegayeen.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wsiirka gaashaandhigga mudane Xuseen Carab Ciise oo hambalyo u diray saraakiisha, Alifleyda iyo Dableyda ciidamada XDS, iyaga iyo xaasaskooda, waxa uuna ku Amaanay dadaalka ay muujiyeen muddada kooban oo ay inta badan dalka kaga xoreeyeen malleeshiyaadka Shabaab.

Taliayaha ciidamada XDS Gen. C/qaadir Sh.Cali “Diini”ayaa ka Warbixiyay dadaalka ay ciidamadu ugu jiraan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen cadowga ummadda ee Alqaacidda.

Munaasbaddan oo lagu maamusayay sanad guuradii 52 aad ee ka soo Wareegtay aas aaskii ciidamada XDS, ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd ee nooceeda ah oo la qabto 20 sano kadib, waxaana xusid mudan in xuska maalinta ciidamada lagu qaban jiray fagaaraha Sugunto Liida 42 sano ka hor.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.