Madaxweyne Shariif ‘Waxaan isu taagayaa Jegada Madaxweyne ee dalka’

 - Muqdisho – April 23, 2012 – QOL – Warar aanu ka heleeyno ilo lagu kalsoon yahay ayaan sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kamid noqon doono musharixiinta u taagan jegada madaxweynimo ee dalka Soomaaliya marka uu dhammaado xilka kumeel gaarnimada ah ee uu hada hayo.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa si rasmi ah uga sheegay rajadiisa munaasabad lagu maamuusayay sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo maanta lagu qabtay Muqdisho.

Madaxweyne Shariif ayaa isaga oo lahadlaya warbaahinta sheegay inuu diyaar u yahay inuu siiwado howsha iyo xilka hogaamiye nimo ee uu uhayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo aan tilmaamin inuusan ogeyn rajadiisa.

Waxaa kale oo Madaxweyne Shariif uu tibaaxay inuu diyaar u yahay inuu dalka hoggaamiyo marka laga siina wado dardar gelinta iyo nadab ku dabaalida dalka marka laga boxo xiliga kala guurka iyo kumeel gaarnimada muddada dheer lagu soo shaqeynayay.

Sida aan lasoconaba xilliga dowlada kumeelgaarka ah wuxuu ku eg yahay bisha Ogoosto ee sannadkan iyadoo markaas kaddib ay xildhibaanada lasoo xulo dooran dooran donaan madaxda dalka hoggaaminaysa.

Hadalkan ayaa noqonayo mid uu markii ugu horreysay madaxweyne Sheekh Shariif si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu yahay murashax raba inuu hoggaanka dalka mar kale qabto, iyadoo ay horay u jireen xubno kale oo xilkaas isku taagay.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay khilaafka u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in khilaafkaas aanu ahayn mid wanaagsan loogana baahan yahay xildhibaannadu inay ka gudbaan.

Musharaxnimada madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in madaxda dowladdu ay wadaan qorshe ay kusoo xulanayaan xildhibaannadii iyaga dib u soo dooran lahaa.

Mohamed Ibrahim Ayaanle | ayaanle19@gmail.com |Nairobi, Kenya

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Madaxweyne Shariif ‘Waxaan isu taagayaa Jegada Madaxweyne ee dalka’

  1. Shiikh shariif waa Muwaadin somaaliyeed, xaq ayuuna u leeyahay inuu isu soo taago jagada madaxweynaha. Shiikh shariif Mirihii uu beeray waa tan maanta dadku wada guranayaan. Shacabkii Muqdishu Nabad iyo Nolol ayeey maanta heeystaan. Qurba joogtii waa kuwa caruurtoodii xeebta liido ku soo baashaalinaya. Marka aniga fikrad ahaanteeyda shacabka Muqdisho, aqoonyahan BhD sheeganaa oo aan waxba qaban horey usoo arkeen. Ninkii Nabad u keena ayaa dhankooda ka jira, waana shiikh shariif.

  2. Haddii uu soo buuxiyo Shuruudaha laga doonaayo mushaxara waa u istaagi karaa.

    Tan labaad waa nin haysta Hanti badan oo uu ka dhacey Ummadda maxaa yeeley inta uusan noqon Madaxweynaha KMG wuxuu haystey Tabakaayo yar oo ku jirtey in ka yar hal dollar.

    Tan saddexaad waa nin ka soo qeyb galey Dagaalkii Sokeeye, soona laayey Shacab badan oo ay qaar ka soo jeedaan Beesha Abgaal Markhaatiyaal noolna loo hayo Codkooga iyo xaqiijinta arrintaas.

    Tan Afaraad waa nin aan ballan lahayn oo waxii uu ku soo caan baxey oo ahayd Diinta Islaamka uu meel banaan uga tagey , kana tanasuley, haddaan uu la dagaal galaayo AMISOM iyo Gaalada.

    Tan Shanaad wuxuu ka been sheegey CVga uu qortey, Taclintiisa iyo Shakhsiyaddiisa, marka waxey u taalaa Guddiga qabasha Arjiyada, Qiimeynta oo waajib ku noqonaaya ineysan u gudbinin Liiska Doorashada ka dib markii uu buuxin waayo Shuruudaha laga rabo u Tartamaha Jagada Madaxweynaha Somalia.

    Ugu dambeyntii waa arrintaariikhda u geli doonta Xildhibaankii Doorata Laba Shariif oo Adduun iyo aakharaba ka shalaayn doonaa weligiis.

  3. waa idin salaamay bahda daadihiso webka qaranimo salaan ka dib waxaan halkaan ka dhiibanayaa fikirkeyga ku aadan isu taagida madaxweyne ee sheeq shariif marka hore waxaan ku dhahayaa aqoon intee la,eg ayuu u lee yahay noqoshada madaxweynenimo mise waa loo diyaariyay sida mida hada uu ku hayo xilka ma xuma in la isku soo taago xilka madaxweyne ee aqoonteeda maleedahay ayaa ka horayso shariifkoow horaa loo yiri nin xil dhadhamiyayoow ma in laga dhaqaaqaa….