Dhirifta Barcelona iyo Dhoola Cadeynta Chelsea Maxaa Caawa kala Heysta?

 - Muqdisho – April 24, 2012 – QOL - Dhirifta Barcelona iyo Dhoola Cadeynta Chelsea Maxaa Caawa kala Heysta , Saadaashii Platini iyo Wanger ma rumoobi doontaa..
Kulankii 2 ee Lugta Sami Finalka Championka 2011-2012 ayaa Caawa la Ciyaari doonaa Waxaana Kooxda Barcelona ay ku Marti Galin Doontaa New Cump Istadiyum Kooxda Chelsea ee Ka dhisan Magaalada London ee Dalka ingiriiska.
2 Koox ayaa Kulankoodii Hore isku  soo Macsalaameyay 1-0 Lagu Sagootiyay Barcelona oo Todobaad Madow Ku jirta waxaana Caawa ay kooxda Chelsea iyo Xidigooda Drogba u Baahan yihiin si ay u gaaraan Finalka Dhibic qura,Halka Barcelona iyo Xidigooda Messi laga sugayo inay keenaan 2-0 hadii 1-0 Barcelona ku badiso waxaa lagu darayaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah ,hadii la isku mari waayaana waa Rigoorayaal sida sharcigu qabo.
Kulanka Caawa ayaa inta uusan Bilaaban waxa ay labada Koox ku kala jiraan dhirif iyo dhoolo cadeyn waxaana Kooxda Martida loo yahay ee Barcelona ka sii guuseysa Guuldaradii Chelsea ee Lugta Hore ee Sami finalak Kobkaan iyo canaantii Real Madrid ee 2-1 ay uga Badiyeen
Gudoomaiayah Xiriirka Kubada Cagta Qaarada Yurub Horana ugu soo Ciyaari jiray 80meeyadii Xulka faransiiska iyo Kooxda Juventus Platini ayaa sheegay intaanu Bilaaban Sami finalak Koobka Championka 2011-2012 in Finalka uu rajeynayo in Barcelona iyop Real Madrid ay gaari doonaan,Halak Tababaraha mudada dheer soo leylinayay Kooxda Arsenal Wanger uu isna hore u sheegay in barcelona ay dhaafi doonto Chelsea balse Gadaal ka cadeeyay mar danbe inaysan sidii Sanadkii Hore aheyn.
Gardiolaha Macalinka u ah Barcelona Kulanka Caawa waxa uu heystaa Laacib qadka dhexe ka ciyaara ooa ad u ciyaar garanaya Chelsea kulankii Sami finalakana Ciyaaray waa Ciyaaryahan Fabregas oo Hore Kooxda Arsenal ugu Ciyaari jiray,Halka Chelsea ay iyadana u Saftaan 2  Weeraryahan oo si weyn u yaqaana Barcelona horana ugu soo akla ciyaaray Kooxaha atletico Madid iyo Valencia Ciyaaryahan Tores iyo  Matta.
N.B Ciyaartani waxa ay u dhaxeysaa  Xidigo ka kala socda Laatiin Ameerica vs Isbaanish iyo Xidigo ka kala Socda Afrika iyo Ingiriiska,oo ay Caawinayaan labada dhinac Xidigo kale….
Waxaa Diyaariyay Axmed Maxamed Cabdulle ‘Uurdoox’ |Haegeysa | Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 24, 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.