- Muqdisho – April 23, 2012 – QOL - Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbadii ugu waqtiga dheereyd uga hadlay xaalada dalka, Dastuurka qabyo qoraalka, xilliga kala guurka, khilaafka Baarlamaanka, isagoo weeraray siyaasiyiin doonaya inay fowdo abaabulaan, iyagoo mansab raadinaya.
Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo Madaxweynaha shalay ka jeediyay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ka dhaceysay Munaasabada 52-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xooga dalka oo ku beegneyd 12-kii bishan, balse sababo ammaan dib ugu dhacday ayaa ka hadlay dhismaha Ciidamada iyo halka ay marayaan.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in saddex jeer muddo kordhin loo sameeyay 8-dii sano ee ay jirtay Dowladii TFG-, taasoo uu xusay in laga abaarayay xaalada dalka uu ku jiray, isagoo xusay in tii u dambeeyay aheyd Kampala Accord oo muddo hal sano ah Dowladda waqtigeeda loogu daray, si ay u dhameystirto howlaha hor yaala Xilliga KMG ahna looga baxo.
Shariif ayaa sheegay in aanay ogolaaneyn diidmada ka imaaneysa Siyaasiyiinta iyo Baarlamaanka, isagoo xusay in aanay diyaar u aheyn inay dib u noqdaan, dibna loo dhigo doorashada la filayo inay Muqdisho ka dhaceyso bisha Agosto.
“Baarlamaan labo Gudoomiye leh maa u xayirnaaneynaa, uma xayirnaaneyno, waa inay ogolaadaan inuu is bedel dhaco si walba haku yimaadee, aniga iima muuqato, dadaal badana ku bixinay inuu Baarlamaanka midoobey waa suura geli weyday, horaa loo yiri Mudul ninkii dhisa ka weyn, Baarlamaanka waxaa dhisay ergo 350 ah, hadana 825-ergo ayaa soo dooraneysa, ma kuwaas ayaa juhalo ah”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu doonayo in si saraaxad leh u hadlo, isagoo xusay in isaga aanu dan gaar ah laheyn, hase ahaatee aanay aqbaleyn siyaasiyiin ka qeylinaya Idaacadaha inay fowdadii 21-kii sano dib ugu celiyaan.
“Dastuurna ma ogolin, doorasho ma ogolin arrin caadi ma ahan, waa fowdada aan u dib ugu laabano, dowlada ma ogolaan karto dadka dano gaar ah leh inay is abaabulaan idaacadaha ka qeyliyaan shacabka in la jahwareeriyo ma ogolaaneyno, hadaad siyaasi tahay noo imow siyaasad wax ku qaado, hadaad Madaxweyne rabto, hadaan Ra’isul Wasaare rabto hadaam Gudoomiye baarlamaan rabto qaado”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweyne Shariif ayaa cadeeyay in Madaxda qaranka kuraastooda ay saareen miiska, si is bedel u yimaado, isagoo xusay in inta badan Baarlamaanka uu rabo inuu is bedel yimaado, hase ahaatee aanay taas la rabin.
“Maxaa is bedel loo sameynaa dad badan oo soomaaliyed ayaa diidan, maxaa na hortaagan shalay magaalada aan hadii aan xor aheyn, maanta waa xoreynay, caasimada fursad waxay u heshay in dastuurka lagu asnixiyo doorashada lagu qabto, shirar ka weyn caasimada oo xilligan lagu qaban karin muxuu yahay dadka qeylinaya maxay rabaan anaga inaan joogno ayaga maa raba anaga inaan xoog ku joogno, Soomaali meel looga fakado waa la waayay, markii aan iri hal sano ha lagu daro xukuumada si wax walba loo dhameystiro halkii sano waa diideen, maanta markii aan dhahnay doorasha galeynaa waa in wax laga bedelaa, ma doorasha dib loo dhigaa anaga iska joogeyna mise hab kale dimoqraadi imaaneysa”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Shariif oo mar ka hadlay Dastuurka ayuu sheegay in isaga xataa qodobo qaar aanu jecleysan ay ku jiraan, balse loo baahan yahay in laga tashado, waxaana uu xusay in Dastuurkan uu yahay KMG, waxna lagu dari karo, waxna laga bedeli karo.
“Dastuurka sida aan sheegnay wuxuu socdaa waqti dheer diyaarintiisa, mana ahan mid dhameytiran waa socon doonaa ilaa afti looga qaado, in loo dhaqan geliyo si KMG ah, diyaarintiisa ay sii socoto, qodobada waxa laga sheego wali la tashi socda, waxaa lagu dari karaa waa laga bedeli karaa, inta aan la soo dhameyn ayaa buuq la bilaabay, ujeedada waxa waaye in wax la saxo, dastuurka waxaa laga rabaa mid umada u qalma, qodobada qaar aniga xataa ma jecleysan, dadka isu imaanaya 825 xubnood ma juhalaa dadkii shaqada soo waday 7-sano dad qaa’imiin dalkooda qiyaanay miyay ahaayeen, ninka qeylinooya maxaa wada, fikir wax dhisaya hadaad wadid ahlan wa sahlan, fikir wax duminaya lama ogola”ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa ku daray in diidmada dadka diidaya Dastuurka hadii si xor ah oo walaalnimo u diidaan ay soo dhoweynayaan.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in siyaasiyiin ku tala jira inay fowdo sameeyaan, isagoo xusay in fowdada wali laga soo dhargin 21-sano, waxaana uu sheegay in lagu tusaale qaato dalalka fowdada ka dhaceen, in aysan shacabka wanaag u keenin, sida dalalka Masar, Libiya, Tunisia, Yemen iyo Suuriya, waxaana uu weydiiyay dadkii dhageysanayay inay dadkaas u maseer san yihiin iyo in kale.
“Siyaasiyiinta aan dowlada ku jirin waxay rabaan ha qaataan laakiin fowdo lama ogol, warkaas waa cad yahay, umada been u sheegeynaa arrintaas lama aqbali doono waxaan jirina abaabuleynaa, aniga hadii Tuulo dalka Soomaaliyed ka mid ah oo tagitaankeyga wax ka tari karta waa tagayaa, meel iga xiran meel aan ka istaagi ma jirto, 42-sano kadib caasimadeena ku dooraneynaa wax idinka fiican ma jiraan, shacabka haku baraarugaan dadka fidnada abaabulayaan hana ka digtoonaadaan”ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay u yimaadeen ragg musharixiin ah oo u tartamaya xilka Madaxweynaha, isla markaana ka codsaday wax walba si siyaasad ah ku qaataan, balse aanay fowdo iyo diidmo la horseedin.
“Aniga dan gaar ah oo aan leeyahay ma jirto, hadaa na ogoshihiin inaa na doorataan wa ogolnahay, hadaad rabina guryaheena iska aadeynaa, waxba kuma dhisna”ayuu Madaxweynuhu gaba gabada halkiisa ku soo qatimay.
Hadalka Madaxweyne Shariif oo ahaa kii ugu kululaa oo uga hadlo arrimo badan oo siyaasada dalka ah ayaa ku soo beegmaya xilli guux badan oo siyaasadeed uu jiro, dad badan ay isha ku hayaan xaalada sida ay noqon doonto marka uu dhamaado xilliga KMG ah
by Mohamed Ibrahim Ayaanle | Nairobi | ayaanle19@gmail.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login